Saturday January 20th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Wasiir Basaas Dadka Kala Fogaynaya Docda Ha Gashan

0
Wednesday January 03, 2018 - 17:41:19 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Basaas Dadka Kala Fogaynaya Docda Ha Gashan

    Wasiir Basaas Dadka Kala Fogaynaya Docda Ha Gashan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Basaas Dadka Kala Fogaynaya Docda Ha Gashan

Ugu horayn anigoo ka mid ah dhalinyarada reer somaliland gaar ahaan dhalinyarada degta bariga Gobolka Sanaag ogna xaalada iyo dadka deegaanadaas waxaan ogahay in dhalinyaro badan oo ka tirsan deegaanadaasi oo mar uun ku taamayey sidii ay wax uga qaban lahayeen dhibta deegaanadaasi ayna u midoobi lahayeen waxa hal mar magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ka dhex curtay dhalinyaro is kood isku abaabushay oo ku midoobay urur ay leeyihiin kaasi oo u jeedkiisu ahaa sidii ay horumar u gaadhsiin lahayeen deegaanada bariga Gobolka Sanaag.

Waxa arintaasi ka xumaaday wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ku magac dheeraa Shido-wade kana mid ahaa dadka sida weyn uga soo hor jeeda in deegaanada barigu wax qabad buuxa ka hirgalo ayaa arinta dhalinyarada gacan weyn ku yeeshay sidii uu u bur-burin lahaa kaasi oo sameeyey dhalinyaro ku dhex jirta oo warka iyo iska hor keenka dhalinyaradaasi ka shaqaynaysay waxaana markiiba soo baxday hadalo lagu wiiqayo dhalinyaradaasi kadib wakhti dheer ururkii ay ku midoobeen dhalinyarada deegaanada bariga Gobolka Sanaag waa uu baabay waxaana soo baxday dadkii ku lugta lahaa oo uu Hogaamiye u ahaa Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi Maxamed oo bur-burinta ururkaasi ku helay in wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami Shar-wade uu ka dhigay Agaasimaha Qorshaynta ee wasaarada Gaashaandhiga oo wakhtigaasi wasiir ka ahaa Wasiir Cadami.

 

Dhalinyarada ku dhaqan deegaanadaasi iyo kuwa ku sugan gudaha magaalada Hargeysa oo markii hore aan dareen weyn ka qabin Maxamuud Cabdirisaaq ayaa mar kaliya ka dhex baxay dhalinyaradii kadib markii la ogaaday, dhamaan dhalinyaraduna waxa ay ka gaabsadeen wararkii ay siin jireen oo uu si is daba joog ah ugu gayn jiray wasiirka iyo xulafo weyn oo si badheedh ah uga soo hor jeeday dhisida deegaanada gobolka sanaag waxaana soo baxday fashilka wax qabad la aan ta xukuumada iyo xoolaha loogu talo galay deegaanadaasi oo lagu lunsado laguna cuna gudaha Hargeysa.

Degmada Hadaaftimo oo ka tirasan gobolka sanaag ayaa waxa buuga wax qabadka Xisbiga kulmiye ku jirta in la geeyey gaadhi Ambulace ah iyo dhisida laba iskuul taasi oo markii dadka deegaanadaasi ku dhaqan loo geeyey buugii ay ku qornayd been abuurku ay si badheedh ah codkoodii uga gaabsadeen taasina ay sabab tay in deegaanadaasi aanu cod badan ka helin xisbiga Kulmiye rajadii dadka deegaankaasi ku dhaqana ka dhigtay hal Bacaad lagu lisay.

Duufaano siyasadeed oo is daba joog ah oo haleelay wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami Shar-wade waxa soo kordhay isha uu ku eegayo dadka wada in loo hiiliyo bulshada aan mar qudha indhohooda ku arag somaliland oo wax la taaban karo u qabatay waxaanu mar kale sameeyey wasiirku in uu adeegsado Agaasime Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi iyo xulafo odayaal waji ku macaasha ah kuwaasi oo ka hor imid dadka u hiiilinaya deegaanada bariga gobolka sanaag.

 

Maxamuud Cabdirisaaq Cabdi oo inta badan si joogto ah wararka u siin jiray kana mid ahaa dadka loo diro cid kasta oo ku kacsan wasiir kii hore ee gaashaandhiga sababayna in ay isa seegaan dadka ku dhaqan deegaaanadaasi iyo masuuliyiinta somaliland oo uu warar qaldan u gudbin jiray ayaa mar kale u tafa xaydanaya sidii uu u hantiyi lahaa wasiirka cusub ee gaashaandhiga taasi oo suurto gasha ayaa ka dhigaysa in mar kale ay dib u lumi karto rajadii la filayey in ay dib u soo curato oo mar uun shacabka reer Sanaag ay indhahoodu qabtaan masuuliyiin aan u maqal dadka waxqabad iyo horumarna gaadhsiinaysa si cadaalad ah.

 

Qore:- Mustafe Cabdikariin Ducaale(Harag-Cade)


Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO