Saturday January 20th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
Somali Flags
eurosomtravel.com/

JANAN OOGO WAA LA XIDHAY DABCASARNA WAA LA SOO DHAWEEYEY YAAB ADDUUN?????????

0
Thursday January 04, 2018 - 14:13:36 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JANAN OOGO WAA LA XIDHAY DABCASARNA WAA LA SOO DHAWEEYEY YAAB ADDUUN?????????

    Waxaan maqli jiray nin noolow maxaa aragti kuu laaban .Somaliland halgan aad u qadhaadh ayeynu u soo marnay oo cadawgii aynu is haynay inoogu talagalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan maqli jiray nin noolow maxaa aragti kuu laaban .Somaliland halgan aad u qadhaadh ayeynu u soo marnay oo cadawgii aynu is haynay inoogu talagalay

Waxaan maqli jiray nin noolow maxaa aragti kuu laaban .Somaliland halgan aad u qadhaadh ayeynu u soo marnay oo cadawgii aynu is haynay inoogu talagalay in ay ina masaxaan oo aan dib la inoo arag haddii ay u suura gali lahayd nasiib wanaag waynu guulaysanay wadankeeniina dib baynu u helay cadawgeeniina waa jabay .

Cadawga Somaliland naceybka ay inoo qabaan wax la qiyaasi karo maaha kolba nooc bay inoogu imanayaan iyaga oo iska dhigaya mar sheikh,Muslim , qaraabo , daris iyo wax la mid ah intaana waxay isku dayayaan in ay hadaan inaga tuuraan oo balaayo inagu dhacdo . bal ka waran qof inoo rajaynaya habeen iyo maalin shar iyo xumaan iyo jab meesha ugu hooseeysa ina gaadhsiiya oo inagu dhaca laakiin aanad adigu ka war hayn.

27 kii sano ee Somaliland jirtay dhaqaale bur bur bay inagu hayeen iyaga oo wax ay inagu soo darsadeen jirin ayey wixii aynu lahayn oo dhan qaateen . xilal baynu u dhiibnaa marka mid kale oo iyaga ah lagu badalana wuu cararaa haddii wax hanti ah inoo hayey jirtana wuu la cararaa xitaa haddii ay tahay laba gaadhi waayo isagu uma joogo qadiyad kale ee mushaarka aynu siino ayuu meesha u joogaa ee qadiyad kale ma leh.

Aan u soo noqdo arinta ninka aan u haysto in uu ugu mudan yahay sharaf Somaliland maanta kaas oo ah Janan Oogo. Janan Oogo halgamaa baa dhalay aabihiina waxaa dilay faqashtii wadanka haysatay isagana halkangii hubka markii uu dhamaaday ee uu bilaabmay kii afka iyo mu aamarada ayuu bilaabay in uu kula dagaalamo afka kuwii aynu iska erinay ee meelahaas aynaan gaadhi Karin u yaacay .Waxuu ahaa nin ilaahay aftahamo siiyey oo Somaliland difaaceeda kaalinta kowaad ka galay cadawyga Somaliland ay aad ugu qayliyeen . waxuu ahaa safiir Somaliland kuwa ugu wax qabad badan cadawga Somaliland oo dhamina barteen . Janan Oogo wuxuu ahaa geesi geesi dhalay . Dadka lagu magacaabo in ay Somaliland Safiir u yihiin ee dibadaha joogaa lacag baa la siiyaa iyaga oo aan waxba qaban laakiin waxaas oo dhan wuu ka mudan yahay Janan Oogo waxay ahayd in Janan Oogo lacag fiican lagu siiyo shaqada uu u hayo Wadanka oo aanu wax kale ku mashquulin .

War aan maqlo waxaa ugu xumaa baryahan waxaa Hargeysa lagu xidhay Janan Oogo iyo waxaa Hargeysa lagu soo dhaweeyey Dabcasar bal warkaas eega qof fayow maskaxdiisa ma galaysaa . Anigu laba arimood uun baan u qaatay in ay dhaceen in waxani dhaccaan taas oo ah in aynu nahay dad sixran oo aan miyir qabin iyo in bari horeba qoladii aynu moodnay in aynu iska xoraynay wadankii dib inooga qabsatay inaga oo aan ogeyn oo ay koodiina soo dhaweynayaan keeniina xidhayaan . Anigu labadaas kan ay tahay kalo garan maayo laakiin waxba gacanta inooguma jiraan. Waxaa igaga sii darnaa markaan arkay Dabcasar oo Airportka hargeysa lagu soo dhaweynayo oo waliba ay soo dhaweynayaan kuwii Airportka madaxda ka ahaa kuwaas oo ila hadda meeshii madax ka ah .

Waxaan fahmi kari lahaa Janan Oogo ayaa Airportka Hargeysa lagu yar qash qashay oo dad madax ah oo aan garayn baa ku gafay waana la xidhay dadkaas oo waa loo sheegay Janan Oogo qofka uu yahay iyo waxaa uu Somaliland ka mudan yahay . Waxaan kula dar daarmi lahaa Janan Oogo in hawshii aad haysay sii kordhiso mooyaane aanad waxba ka dhimin meesha waa laba mid uun in laynaga qabsaday wadankii oo aynaan ogeyn iyo in la ina sixray . Waxaa lagu xidhay adiga oo aroos ah oo ay tahay wakhtigii kuugu farxada badnaa waa lagu katiinadeeyey oo lugaha ayaa lagaa xidhay waxaana laga yaabaa kuwa ku xidhay in ay ahayeen kuwa inaga ah laakiin laaluush ka qaatay cadawgii aad cadha galisay waayo wadankii laaluush qaataha ayaa badan maanta . waxaa dhici karta in xaakimka ku xukumayaa yahay nin u shaqeynaya cadawgii aad soo cadho galisay waxaa kale oo dhici karta in booliska ku ciqaabayaa yahay nin isna u shaqeyna cadawgaas markaas aduunka waxaa ka jira wax la yidhaa (Agent ruler )

Waxaa maanta Wasiirada Somaliland ku jira mid aan ka duwayn Dabcasar oo isaga oo halkan shirqool ka dhan ah Somaliland ku jira lagu yidhi waxaaba lagu magacaabay wasiir markaas ayuu cararay goor aan habeen iyo maalin midna ahayn isaga oo doonaya oo kaliya mushaarka uu inaga qaato

Waa salaaman tihiin dhamaan bahda Hadhwanaagnews

Abdilahi Good Cilmi

Sydney Australia

maydhax@hotmail.com



Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO