Friday January 19th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Yuusuf Shaacir oo wadaddi Muuse Galaal la marayso. Qaybtii 4aad.

0
Friday January 05, 2018 - 10:05:43 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Shaacir oo wadaddi Muuse Galaal la marayso. Qaybtii 4aad.

    Qoraalkii qeybta 3aad waxan ku soo gabagabeeyay waraysigii u Patrick ka qaaday Muuse Galaal , 1974kii ee COLONIAL RULE IN THE BRITISH SOMALILAND PROTECTORATE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalkii qeybta 3aad waxan ku soo gabagabeeyay waraysigii u Patrick ka qaaday Muuse Galaal , 1974kii ee COLONIAL RULE IN THE BRITISH SOMALILAND PROTECTORATE
, 1905-1939 u ku diyraaiyay buugaas shahaadadiisa heerka Ph.D. Muuse Galaal oo Isaaq gii Daraawiishta jabiyey duulaankii Januray 1920- Feburary 1920, ee lagu qabsaday qalcada Taleex ku sheegay, "Jaajuusiin" , " sahan" , "askar" iyo "Xamaaliin". Muuse Galaal ama Daarood iyo Afweyne weji-macaash afxumadaas kaga raadi , ama isagu taariikhaha noocaas ah iska qoray, waxay ka ahayd ba buhuubahaada Daraawiishta aad bay u madax wartay odaygaas.

Waxa la yaab ah inu Muuse Galaal yidhaahdo , Isaaqii askarta ahayd may rabin inay dilaan wadaadka Ina Carro ( ina Cabdulle Xasan) sababtuna ahayd in aanay dantoodu ku jirin oo colaada Daraawiishta Isaaqu abaal weyn iyo darajo Ingiriiska kaga helay. Waxa is waydiin leh , Isaaqu haday Daraawiish u cafiyeen dano gaar ah awgeed may daayaan Xaakji Suudi Shabeel iyo Xaaji Ibraahim Buqul oo labaduba duleedka Taleex ku dileen ciidankii fardoolayda ahaa ee 1,5000 ee ka koobnaa Habar Yoonis , Habar Jeclo iyo Dhulbahnate oo 13 caaqil ( Caaqil Maxamed Bulaale " Xaaji Waraabe" , Caaqil Jaamac Axmed Shireh iyo Caaqil Adan Cilmi Qabille , waa inta aan helay magacyoadooda)hogaaminayeen . Muuse Galaal arimahaas oo dhan wuxu ka keenay saaxiibkiis Aw Jaamac Cumar Ciise oo odhan jiray waxan waraystay Darwiish Cabdi Dheere ( Muuse Ismaaciil ) oo 1919kii Daraawiishta ka baxay , ciidankii qabsaday Taleex na ka mid ahaa , ayaa Aw jaamac odhanayaa Cabdi Dheere iyo nin kale oo la odhan jiray Xasan Xuseen ( Habar Jeclo, oo faraskii Daraawiishta ee Waysaysane ku taagan maalintaas) ayaa sidu na leeyay aw Jaamac ka soo warinayaa inay ciidankaas ogaan u sii daayeen ina Cabdulle Xasan oo baxsad ah. Waa arin aanay waxba ka jirin, Cabdi Dheere inu ina Cabdulle Xasan caafiyo daayoo , gacantiisa ayaabu ku gawracay Wadaadka adeerkii iyo sodogii Yuusuf Xayle ( Maryamo aabheed , oo ahayd ina Cabdulle Xasan inadeertii ruma oo u qabay). Taariikhda aan sal iyo raad toona lahayn ee Aw Jaamac soo tabin jiray odayga Muuse Galaal na shaanbada ugu dhufan jiray waxay doonto haka ahaatee , waxa inagaga filan xasuus qorkii Hasting Ismay , oo laga bilaabo 1914-1920 dhaqadhaqaawii daraawiishta ka ururiyay warar dhan ilaa 1400 oo bog , ciday kala ahaayeen, siday u dagaalamayeen, iyo jabkoodii 1920 iyo sidii Taleex loo qabsaday . Hasting Ismay kaydkiisu wuxu yaal jaamacada London Kings College, wax la barbar dhigo karo taariikhda Ismay iyo macluumaadku soo uruiyay maaha sheeko baralayda somalidu makhaayadaa kaga haadaaqdo.


Muuse Galaal aakhirkii runtii baa ku soo maaxday, wuxu yiqiinsaday wuxu ku hadli jiray waagii ay Kacaan ka iyo Jaalayaasha ay saaxiib ahaayeen ee u Akaadimyada (dhaqanka) Daaroodka u fadhiyay , taariikhda beenta ah ee Isaaq lagu durri jiray na isagu shaanbada ku dhufan jiray inu eeday tolkiina inu gaf ka galay. Muuse Galaal oo waraysi ka qaadaya nin la odhan jiray Xaaji Cali Aadan Meygaag Ilkodheere ( Sheekh al Balad ka Saudi Arabia magaalada Dahraan oo nin culus ahaa oo taariikhyahan ah) oo u ka duubay gabayadii Aflow iyo Qawdhan Ducaale iyo rag Ogaadeen ah oo ay gabayo isu celceliyeen , ayaa cajalada waxad ka dareemaysaa Muuse Galaal inu cadhaysanayay, waxa ka mid ahay mar u odhanayo " qaar baa odhan doona waa qabyaalad , ee ninba meesha bugta isagay bilbishaa (cidu hadaladaas ula jeeday qof kaste waa garan karaa , oo dawladii Afweyne ee Daaroodism ka ku shaqaynaysay waxay mamnuucday gabay da in la ururiyo reeraa kale ayaguu ku sumadeeyay " qabyaalad" halka suugaanta Daarood na laga dhigi jiray " mid taariikh ah) meeshu cajalada ku duubayay waa Hotel Taleex ama baar Taleex , Muqdisho. 1978-1979 mar xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayuu Muuse Galaal aakhrikii gafkiisii ogaaday iyo sidii loo adeegsaday , orodkii wuxu dhuumasho ugu galay niman saraakiil ah oo Lixle ka mid yahay , Ina Askar, Aadan Saleebaan iyo Korneel Muuse Biixi iyo saraakiil fara badan oo Isaaq ah oo koonfur wada jooga oon shirarar sir ah qabsan jiray markay saraakiishaasi ogaadeen halka laysla marayo.

1980gii ayuu Muuse Galaal xanuusaday , dawlada Afweyne na waa ka war haysay in Isaaqu gudo iyo dibadba baraarugeen oo dhaqdhaqaaq socodo. Muuse Galaal waraaqdii iyo baasaboorkii u ku bixi lahaa waxa u diiday Nuur Bidaar, marku aad u xanuusaday ee ay naftii ka sii bixi doonto ay ogaadeen in aanu ka soo waaqsanayn cudurka ayaa la sii daayay , markiiba dayaarada dusheeda ayaabu ku dhintay Jidda Saudi Arabia.

Wadadu Muuse Galaal maray waa taas, had iyo jeer dadkan Somaliland u dhashay waa umad iska dhoohan oo marku waranku ku soo gannanyay cadow na dabinka u qoolayo ka indho l'a marka la tumaatiyana mar danbe soo hanbaabira. Maantadan aan qoraalkan qorayo Hargaysa waxa loo kala guclaynayaa soo dhawayntii Bille Rafle oo lagu xasuustu ninkii gubay taariikhdii Somaliland taalay , tii kaydka Hargaysa iyo tii kaydka Schoolka Sheekh, oo intu wax alaale iyo wixii kayd ku jiray dibada u daadiyay dabna qabadsiiyay. Maanta in taas lagala xisaabtamo daayoo ubax ayaabay la hor boodayaan.

Hadaan hadaba u soo dhaadhaco ninka Yuusuf Shaacir , horta ninkan Shaacir waa kuma , gormaa maqalkiisa inoogu horaysay? . Yuusuf Shaacir aniga maqalkiisa iyo aragtidiisa waxa iigu horaysay waagii dagaalada sokeeye la soo af jarayay isagoo tix gabay ah ka tiriyay kulmadii mid ka mid ahaa , laakiin wuxu aad u soo shaac baxay barnaamij Jabuuti ka soo baxa oo la odhan jiray " Tixmaal, 2008kii" ka sheekayn jiray nin laygu yidhi waa Hadraawi walaalkii oo la yidhaahdo Hurre oo heeso dhex mareen isaga iyo naag Dhulbahnate ah. Wuxu ahaa barnaamij qosol iyo sheeko iyo heeso ah. Mudo wakhtigaas ka horaysay 2001-2005 barnaamijka Tixmaal ee Jabuuti waxa mudo dheer oo bilo ah habeen kaste la waraysan jiray kooxdii ugu darnayd ee taariikhda Somalida af duubtay waagii kacaankii Afweyne , waa Aw Jaamac Cumar Ciise , waa Axmed Cali Faarax Idaajaa iyo Xirsi Yamyam, oo wax ay ugu yeedheen taariikhda Daraawiishta iyo gabayadooda reer Jabuuti casharo joogto ah u soo ban dhigin jireen. Waa taariikhdii qarankii la odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ( The Somali Republic) kooxdaasi ku soo gubtay oo in yar oo kaliya laga badalay maadaama imika loo marti yahay Ciise oo Ciisaa lagu talaalayo muxubo Daraawiisheed aanay shaqo ba ku lahayn . Gabay la yidhaahdo ina Carro baa u tiriyay Cali Jaamac Haabiil ( anigu ma qabo inay Cali Jaamac iyo Wadaadku isu gabyeen , sababtuna waxa weeye , waago Cali Jaamac Haabiil Daraawiish u gabyaayay 1900-1905 , Ina Cabdulle Xasan ma gabyi jirin , rag kale baa u jawaabi jiray Cali Jaamac wakhtiyadaas oo Daraawiishtu geel ku siin jireen, taasi aragtidayda maaha ee kooxdaas ina Cabdulle tuurta ku sita laftooda sida qoraagii Saciid Sheekh Samtar buugiisa Somali Natiolaism and Oral poetry arintaas waa ku cadeeyay inu waagu Cali Jaamac Haabiil gabyay ina Cabdulle Xasan gabayaa ahayn noo rag kale oo geel la siiyay u jawaabayeen Haabiil, midhka labaad na Cali Jaamac Haabiil isku d'a ba ma ahayn Wadaadka oo Cali Jaamac Haabiil ugu yaraan 1855kii waa gabayay oo jiilkay wada kaceen waxa ka mid ahaa Nuur Dhagacun iyo Cabdi Fadal waagaas ma dhalanba ninka ina Cabdulle Xasan) oo tuduc ka mid ahi ahaa :.

Ciisaha bakhtiga hiigaya iyo huqay midgaan baa leh.

Gabaygaas ama tuducaas ayaa si ay Idaajaa iyo Aw Jaamac iyo Yamyam u raali galiyaan Cumar Geele iyo Ciisaa , yidhaahdeen , Ciisaa loo jeedo waa Ciise Muusii Isaaqe idinka maaha. Wax lala yaabo maaha oo kooxdan waxaynu naqaanay ilaa 1974kii oo waataan hore maqaaladii hore ugaga soo sheekeeyay.

Yuusuf Shaacir sidaan waraysaydiisa ka dhadhansaday , macalimiintiisa uga waaweyn waa ninkaas Aw Jaamac iyo Dhoodaan, waa Hadraawi iyo Hurre . Hadraawi horta nin abwaan ah weeye oo suugaantiisu u badantay jacayl iyo hees, nin gabay wax laga waydiiyo iyo taariikh maaha. Oo arintaas waxa igaga filan buugiisa Hal Karaan isagoo ka hadlaya Allen Gibb ayaa wuxu ku leeyayba Allen Gibb Daraawiish baa ku dishay ceelka Burco. Hada waa Allen Giib kii dhawar ka gabay Yawle ka tirinayay waagii 3000 ee halaad Habar Yoonis la saaray 1923kii. Ninka Hurre na waxa igaga filan waraysi u ka qaaday Hereri barnaamijkiisa " Hereri iyo Hargaysa" oo u kaga waraysanayay taariikhda magaalada Burco. Hurre wuxu yidhi raga magaalada Burco taariikhda ku leh ama kuba dhashay waxa ka mid ahaa , Salaan , Gamuute , Gun iyo Baar Eeg , Ismaaciil Mire iyo ina Cabdulle Xassan . Ma Qabyaalad bay ka ahayd mise aqoon darro mise labadaba?? Burco waxay ahayd ceel Habar Yoonis intaanay magaalo noqon , intu sheegaynaya midna uma dhalan togaa Burco . 1884kii iyo wixii ka horeeyayba cid aan ahayn Habar Yoonis laguma sheegin ceelkaas Burco , Cawd Gaal iyo Aadan Juglle , Suldaan Cawd Suldaan Diiriye ragaas baa lagu sheegay inay jiidaas ka taliyaan , hebel Mire iyo hebel Cabdulle Xasan iyo heblada kale ba shaqo kuma laha ceelkaas.

Waxa soo hadhay waa macallin Aw Jaamac macalimiinta Shaacir. Mudo laga bilaabo 1994 ayaan waxan lagu sheego Taariikh Daraawiisheed aad isugu taxalujiyay inaan bal baadho, maadaama ay dawladii Afweyne iyo riciyadeedii dhagaa umada ka badiyeen. Dhawrka buuga ee ay wada qoreen nimanka isku wada reerka ah , Aw Jaamac , Idaajaa, Saciid Sheekh Samatar , Yaasiin Cismaan Keenadiid iyo Cabdi Sheekh Cabdi oo dhawaan buug kale soo saaray oo taariikhdii Cabdirasaaq Xaaji Xuseen ah ( 2017), intaas ba baadhitaan waan ku sameeyay , iyo wax alaale iyo wixii maqaal iyo ilaa ruwaayad iyo ilaa fillin laga sameeyay taariikhdaas Daraawiish , Xirsi Yamyam iyo Idaajaa ruwaayadooda " dabku darwiish ku shiday" , Abdislaam Isa Salwe oo dhowr qoraal Daraawiish ka qoray. Intaas markaan dhameeyay baa markiiba shaki baa i galay , waxa indhahayga ka batay eryada qabyaalaydsan sida " reer Nugaaleed" , " reer Ciideed" iyo " reer Bari" oo Daarood lagu sarbeebayo iyo "gaalo iyo cawaankood" oo Isaaqa lagu sumadaynayo waa dhanka Afsoomaaliga , dhanka af Ingriisga oo ragaan soo tiriyay Samatar iyo Salwe iyo Cabdi Sheekh ah waxa qoraaladooda ka wada buuxa " Pro British Isaaq tribes" ( Salwe) , ama " Isaaq collaberators" ( Cabdi Sheekh oo Majeerteen ah buugiisa) iyo " freindlies" (buuga Siciid Samatar oo Leelkase ah) oo intaasba Isaaq lagu sheegayo.

Mudo ku dhow ilaa 20 sanadood baan waxan baadhitaan ku sameeyay taariikhday ragaas oo dhan soo qoreen ee Daraawiishta , ka horna anoo in mudo ahba ururinayay gabayada wixii aan dagaaladii ku dabar go'in. Kaydka Talyaaniga (Archivio Storico dell'ex-Ministero dell'Africa Italiana) oo ku magac gaaban ASAMI iyo Kaydka Ingiriis ka oo aad u fara badan sida ka dawladeed ( United Kingdom National Archives) , Durham University Sudan archives , London King's College iyo Biritish Libarary of Asian and African Studies (AAS) iyo wax alaale iyo wixii buug ahaa ee soomaali laga qoray 1800kii iyo wixii Daraawiish laga qoray mid Ingiriis , mid Talyaani iyo Mid Faransiisba. La Yaab iyo amakaag bay igu noqotay in dadka Somaaliyeed ragaas beentay qorteen waagii kacaankii Jaale Daarood u meel maray. Weli wakhtigaas marna igumay soo dhicin inaan waxan mudadaads dheer soo ururinayay inaan buug ka qoro, oo baadhitaanka markii hore ba waxan u bilaabay "general knowledge ahaan". Markaan si fiican uga sal gaadhay taariikhda aan haba yaraatee waxba ka jirin ee maanta loo yaqaan Taariikh Daraawiishta. Buuga Aw Jaamac Cumar Ciise ee taariikhda Daraawiishta waxan odhan karaa 352 ee bog ba waxa kaliya ee ka run ah oo u ka run sheegay "hebel oo reer hebel ah" mooyaane inta kale waa taariikh bug ah oo afar nin oo reerkiisa ah ka soo uruiyay.

2009kii , ayaa maalin maalimaa ka mid ah anoo bogaga shabakadaa Soomaalida rogrogaya ayaa waxa iga soo hor baxay war ah " Aw Jaamac Cumar Ciise iyo Cawayskii Hargaysa" waa ninkii Aw Jaamac oo ay hor boodayaan ciidan dhan oo lagu xanto "aqoonyahan iyo taariikhyahan Isaaq" xafalada waxa lagu qabtay Imperial Hotel , waxana raga hor boodayay Aw Jaamac Cumar Ciise ka mid ahaa , Boobe Yuusuf Ducaale, Axmed Aw Geedi , Muuse Cali Faruur , Yuusuf Shaacir . Ugu horayntii waxa hadalaka qabsaday ninka isagu qorshaa casuumada lahaa ee la yidhaahdo Boobe Yuusuf Ducaale. Halkaas ayuu Boobe ka bilaabay inu ka faaloodo taariikh nololeedka Aw Jaamac , wuxu yidhi Boobe isagoo ka hadlaya Aw Jaamac :

"laba sano ka dib (jabkii) daraawiishtii ayuu abwaanku ku dhashay meesha la yidhaahdo 'Dharoor' halkaasi oo uu ku barbaaray isaga oo carabiga iyo diintaba ku bartay ka dib waxa u abwaank u bilaabay in uu Dooni u raaco Yemen isaga oo ku dambeeyay Xoolo dhaqato. ka dib waxa uu galay abwaanku xeryihii diinta markaasi oo ay u bilaabantay qorista Buuugaagta"

Waxa kooxdaas Aw Jaamac Cumar Ciise la xir ah u caado ah markay nin reerahooda ah oo gabayaa ahaa ama taariikh lahaa ay ka waramayaan inay had iyo jeer ku ladhaan Daraawiish , hebel baa dhashay daraawiishta maalintay meel heblaayo gabagabaysay, si in Daraawiish ay Saxaabo ahaayeen maalintay qalaalasaa bilaabeen ah ay ay tahayba Hijardii Isalaamka ama Miilaadigii Kiristaanka. Tusaale waxay ku odhayaan Cali Dhuux baa dhashay sanadkii ina Cabdulle Xasan dhashay , Aadan Carab baa dhashay waagii reer Hagar Daraawiishtu baacsatay ee ay u qaxeen banka Aroori, aw Jaamac na wuxu dhashay ayay na leeyiin 1922gii laba sanadood ka dib markii daraawiishta la bajiyay, dee Boobe ha hor boodayaba waxa la odhan karaa isba wuxu dhashay 25 sanadood ka dib jabikii Daraawiishta ee maxay meceno taraysaa eelay jabka Daraawiishta ama dhalashadooda Taariikh Soomaaliyeed kamay bilaabine. Hasayeeshee waa luqaday ku hadlaan Boobe na cajaladoodii ka daba qaatay.

Aw Jaamac Cumar Ciise oo 70 sanadood ba aasayay taariikh Isaaq , taariikh Daarood oon jirina ku jihaaday inu u sameyo reerkiisa , ayaa Boobe Yuusuf Ducaale iyo nimankaan hore u soo sheegay intay kursi weyn soo fadhiisyeen hor keeneen caruurtii jaamacadaa iyo iskuulada Hargaysa ayagoo markaas ka dhigaya Aw Jaamac nin ah muftiga Taariikhda Soomaaliyeed loo daba fadhiisto fatwooyinkiisa. Sidii araday macalan u xadradaynayo ayuu mid kaste ba dhagaa taagay ayagoo eri kaste u yidhaahdo sax iyo haa waa runtaa iyo way jirtay iyo waa sidaas la daba riyaaqaya. Markii Aw Jaamac hadalakiisii dhamaystay ayaa suaalo lagu boobay. Waxa soo booday ninka Yuusuf Shaacir oo suaal ahayd gabayaga ah:

Muslinimu ninkaan kugula dhaqmayn muminimo khaas ah
Gaal maxsata kuu dhawara ood magansantaa dhaama.

Gabaygaas yaa lahaa eed u maqashay ma Dirir Warsame ( HJ) mise Cali Jaamac Haabiil. Yuusuf Shaacir oo gabayaa Habar Jeclo ah tuurta ku sita ayaa isna dhanka kale waxa soo booday Axmed Aw Geedi oo Habar Awal ah oo isna tuurta ku sita Cali Jaamac Haabiil. Halkii ayaa muran iyo is jiid jiid odayga Aw Jaamac hortiisa ka bilaabmay. Yaa u sheega masaakiintan inaanu Aw Jaamac 1 gabay weligii ka qorin Cali Jaamac Haabiil, hal gabayna weligii ka qorin Dirir Warsame oo lanbaduba u yaqaanay " Gaalo iyo Cawaankood".
la soco qeybta 5aad.
Rashid Jaamac
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO