Friday January 19th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
Somali Flags
eurosomtravel.com/

WAA SIDEE CADHADAADU? KADIM .M .ALI

0
Monday January 08, 2018 - 10:11:13 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA SIDEE CADHADAADU? KADIM .M .ALI

    WAA SIDEE CADHADAADU? KADIM .M .ALI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAA SIDEE CADHADAADU? KADIM .M .ALI
Maqaalkan waxaynu ku eegaynaa arrimo la xidhiidha Cadhadha. Cadhadu waa dareen abuur ah oo
ka mid ah lixda nooc ee dareenada qofku dareemo. Cadhada waxa ku jira xikmado iyo faa’dooyin uu
qofku ka helayo. Cadhada oo ah mid qofkastaa uu dareemo , qofkastaana xilliyo kala duwan iyo
siyaabo dhawr ah uu ku muujiyo cadhadiisa. Haddana waxa muhiim ah in qofkasta ogaado laba
arrimood oo kala ah: Nooca cadhadiisu tahay inuu barto iyo cadhada uu qofkani dareemayo sida
ugu wanaagsan ee uu u muujin karo ama u qarin karo. Labadaas qodob ayaynu maqaalkan ku
qaadan doonaa.


Ugu horayntii dadka cadhadooda marka la qiyaasayo waxa loo loo qaybiyaa afar nooc ama afar qof.
1- Qof ayaa waxa uu u cadhoodhaa si dhakso ah , laakinse wakhti badan ayay qaadata inuu
ka soo noqdo cadhadaasi.
Cadhada noocan oo kale waa ta ugu xun afarta nooc ee cadhada. Qofka cadhadiisu sidan oo
kale tahay waa qof arrin fudud ka cadhoon kara , haddana ay adag tahay in la raaligeliyo.
Sidaa darteed bulshada la nool waxa dhib ku noqonaysa inay la dhaqmaan. Dhibaatada
cadhada qofkani leeyahay ayaa keenaysa in dadku ka feejignaadan cadhadiisa . Sidaa
darteed dadku marka ay arkaan isaga oo arrimo aan macno badan lahayn ka cadhooday ,
haddana ay wakhti badan qaadanayso inay cadhadu ka degto . Waxa ay samayn doonaan
inay keliya hadalkiisa dhagaystaan waxa uu doonayna u qabtaan si cadhadiisa looga
nabadgalo.

2- Qof dhakso u cadhooda laakinse cadhada hore uga soo noqda.
Qofkan noocan u cadhooda, kaliya waxa uu u baahan yahay in la barto ama la saadaaliyo arrimaha
ka cadhaysin kara , saadaalintaas oo inaga caawinaysa inaynu iska ilaalino inaynu kala hadalno ama
ku samayno arrimaha ka cadhaysiin kara. Sidoo kale waxa aynu kula dhaqmi karnaa qofkan inaynu
barano arrimaha markiiba ka farxin kara. Inaga oo qiimaynaya khibradi aynu ka aragnay
cadhooyinkiisi hore!

3- Qof ay adag tahay sida uu ku cadhoodo , haddii uu cadhoodana aan dhakso uga soo
noqon.
Qofka sidan oo kale u cadhoodaa waa mid aynu ka dheehan karno in kaliya arrin wayni ay ka
cadhaysiiso. Balse cadhada ayuu ku raagayaa . Sidaa darteed waxa haboon in sida
shakhsiyadiisa ku haboon loo raaligeliyo. Sidoo kale waa in la siiyo wakhti ay cadhadu kaga
dagayso. Tusaale ahaan waa in aan la xasuusin arrinta ka xanaajisay ama qofkii ka
cadhaysiiyay.

4- Qof aan dhakso u cadhoon , haddii uu cadhoodana markaba ka soo noqda cadhadaasi.
Cadhadani waa nooca ugu fiican noocyada cadhada. Waayo qofkan arrin adag ayaa ka
cadhaysiin karta , laakinse qofkani waxa uu isku darsaday aqoon , dulqaad iyo ka-fiirsi.

WAA SIDEE CADHADAADU?

KADIM .M .ALI
Saddexdaas isaga oo isticmaalaya ayaa uu ku qiimaynaya xaaladaha ku haboon inuu ka
cadhoodo , iyo heerka cadho ee ay xaalad kastaa u baahan tahay. Xaaladaha marka uu
qiimaynayana kama eegayo kaliya xagiisa balse waxa uu ka eegayaa waliba dhinaca arrinka
cadhada ku keenay isaga oo baadhaya sababaha keenay arrinkan , sidoo kalena u samaynaya
cudur-daaro cidii ka cadhaysiisay. Sidaa darteed waxa aad arkaysa isaga oo isla markiiba
faraxsan!

Qaybta labaad ee maqaalkan waxaynu ku qaadanaynaa "su’aalo inaad cadhooto inay sax
tahay tahay aad ku ogaan karto”:

 Ma u cadhaysanahay qofkii saxda ahaa ee inaan cadhoodo sabab u ahaa ?
 Wakhtigan aan cadhooday ma yahay xilligii ku haboona inaan cadhoodo ama ma
yahay xilligii aan cadhadayda muujin lahaa?
 Cadhadan aan cadhooday ma sababtay arrin runtii ah mid laga cadhoodo?
 Cadhadan aan cadhooday fal-celintii aan ku qaabilay qofkii ama arrinkii iga
cadhaysiiyay ma ahaayeen fal-celintii ku habboonayd?
 Cadhadan aan cadhooday fel-celintii aan ka bixiyay ma ahayd mid aanay ku jirin xad-
gudub aan ka galay cidii iga cadhaysiisay?
 Cadhadan aan cadhooday wixii sababay muuqaal lagu qosli karo oo cadhada iga
yarayn karaa ma ku jiray?

Ugu dambayntii waa inaynu barano nooca cadhadeena. Kuna dadaalo inaynu
noqono dad aan hore u cadhoon , haddii ay cadhoodaana , aynu noqono dad
markiiba si fudud loo raaligalin karo .Sidoo kale waa inaynu barana sidaa loo qiyaaso
waxyaabaha keenay inaynu cadhoono iyo sida ugu wanaagsan ee aynu cadhadaas
uga jawaabi lahayn. Inaga oo markasta ku dedaalaya inaynu noqono dad
aqoontooda iyo diintoodu ay ka dhigtay qaar xaaladaha kaga jawaaba dulqaad iyo ka
-firsi joogto ah.

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay labadan buug :
 With the prophet (ARABIC) SALMAN AL-AWDAH .
 Who will cry when you die ?
ROBIN SHARMA.

Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku
baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:
http://Www.Medium.com/@Kadim

WAA SIDEE CADHADAADU?

KADIM .M .ALI
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO