Friday January 19th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Waa kuma Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Wasaarada Cafimaadka JSL ?

0
Monday January 08, 2018 - 10:23:46 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Wasaarada Cafimaadka JSL ?

    Waa kuma Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Wasaarada Cafimaadka JSL ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa kuma Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Wasaarada Cafimaadka JSL ?
Waa kuma agaasimaha guud ee wasaarada caafimaada ee JSL . ?waxan halkan ka salaamaya dhamaan umadda reer somaliland xukuumada iyo shacabka qurba joog iyo qaran joogba waxaan si gaar ah u salaamaya bahweynta caafimaadka ee reer somaliland .
Waxan iyagna halkan ka salaamaya hawl wadeenada shabkadkan oo had iyo goor umada u soo tabiya warar hufan iyo wacaal sugan .
Waxan maanta jecelaystay inan idin la wadaag qoraal kooban oo ka warami doon shakhsiyada dhabta ee u yahay agaasimaha guud ee wasaatada caafimaadka JSL .
Degreeto ku taariikhaysnayd 03- 01-2018 ka oo ka soo baxday xafiiska madaxweynaha JSL md muuse biixi cabdi xildiid taas oo madaxweynuhu ku magaaabay masuuliyiin kala duwan oo u magacaabay xilal qaran oo kala duwan , masuuliyintaas oo ka mid aha agaasimaha guud ee cusub ee wasaarada caafimaadka ee JSL Dr maxamed cabdi xergeeye faarax .
Haddaba waa kuma Dr xergeeye ?
Md Dr xergeeye waxu ku dhashay magaalada cagaaran ee ARABSIYO oo juqraafi ahaan dhacda jihada galbeed ee magaalada hargaysa ee casimada JSL.
Halkaas oo ku soo qaatay bar bilawgi hore ee noloshiisa isago ku soo qaatay heerarka asaasiga ee waxbarasho isago dugsi hoose iyo dhexe ba ku qaatay iskuulka lagu magacaabo Dugsi hoose iyo dhexe ee ARABSIYO , waxan dugsiga sare ku qaatay magaalada hargaysa waxan ka dhigatay iskuuulka lagu magacaabo Dugsi sare ee FAARAX OOMAAR , markii uu dhamaystayna waxu galay jamacadi umada somaliya oo marka ahayd jamacadi ugu tayada wanaagsan dhinaca waxbarashad dhamaan deegamadi waxi lays ku odhan jiray jamhuuriya dimuqraadiga ee somaliya isago ka bilaabay kuliyada lagu barto culuumta cafimaadka adamaha ee loo yaqaan afka qalaad ( Faculty OF Medicine And Surgery ) , duruuf marka ka jiray dalka aawadeed umay suuro galin md xergeeye inu dhamaysto waxbarashadiisi heerka jamacadeed waxanu badal u qaatay jamacad lagu magacaabo jamacada SHANDI oo ku taala wadan weynaha SUDAN halkaas ka sii amba qaaday inti uga hadhsanayd hayaankiisi waxbarasho ee heer jamacadeec , ILAHAY galadi way u suuro gashay in agaasimuhu si nabadoon u soo dhamaysto shahaadad heerka kowaad ee jaamacada .
Si oo umada ugu faa'ideeyo aqoonti uu soo bartay waxa shaqo ka bilaay Bilaw sanadki 2000 ayuu ka hawl galay cusbitaalka qaaxda ee magalaada hargaysa .
Shaqo wanaag , hawl karnimo iyo naxariis badan oo laga arkay marki uu ina mudo ah halkaa ka hawl galaayay waxay u suuro galisay inu qabto xilki ugu horeeye oo ah coordinate .
Mudadi uu xilkaa hayay waxu cusbitaalkau ku talaabsadaey hormar balaadhan oo la xidhiidh adeegyada uu bixiyo cisbitaalka oo u badan qaar lacag la,aan ah .
Bilawgi sanadki 2010 kii ayuu wasiirki xiligaa xilka hayey ee wasaarada cafimaadka JSL u gartay inu u magacaabo agaasinka gaar ah ee xrunta dadka la qabsaday dawada qaaxda oo marka laga daah furaya dalka somaliland oo hore uga jirin .
Mashruucaa bilawga ahaa ee loo magaacabay inu ka noqdo maamuul Dr xergeeye may noqon mid lagu guulaysan waayay , waxu ku bilaaabay dardar iyo shaqo badan taas oo suuro galisay in xaruntaas looga imaado badi geyiga ay somlidu degto .
Waxan is baranay Dr xergeeye 04th-Augst-2014 kii xilgaas oo ayna mideysay goob shaqo oo aan ka wada shaqayn jirnay , mudadaas waxan ku bartay shaqo wanaag iyo xidhiidh dhaw oo la lahaa xubnihii kala duwaan ee aan halka ka wada hawl gali jirnay .
Waxyabaha aan ku bartay Dr xergedye .
Runti wa shalkhsi leh sifooyin badan oo wanaagsan kuwaas oo caan ku yahay hadaan idin la wadaag qaar ka mid aha sifooyinkaas waxan ka xusi karaaa.
1. Qof leh haybad hogaamin
Way kala duwantahay labadan eray ee kala ah hogaamiye iyo haybad hogaamiye
B .HOGAAAMIYE .
hogaamintu waa mid qof ka barto dhacyoonka kala duwan ee qof soo mar kuwaas oo qofka caqliga wanaagsan ka dheehdo casharo badan oo qof u suuro galiyay inu lahaada fikir togan .
Sifadan maaha mid uu qofku hido raaco ama uu la so dhasho lakin wa mid qofku barto wa mid ay dadku ku dooran ama kugu maamuusaan .
T. HIBO HOGAAMIYE .
wa sifo uu qofka mar la dhalatay ama uu hido raaco wa haybad ilahay cidu doono siiyo maaha mid lagu helo hanti mana aha mid ay cid awood u leedahay inay ku cumaamado .
Hadaba anigoon ku talax tagayn waxan qirayaa inu yahay hogaamiye leh haybada hogaamiye oo ilahay ku galaday .
Waxan qirayaa in yahay ilays aad uu iftiin badan oo kaah cilmigiis ku baahay badi geyiga somaliland iyo pontland iyado ay jiraan kumaan kun oo bukaan ah oo iga iman jiray maamul goboleedka aynu dariska nahay ee pontlan oo kalsooni badan ku qaba aqoonta durugsan ee u leeyahay cilmiga dhakhtarnimada .
Waxu dayax ifaya nuurkiisuna iifiyo dhamaan habsimi u socodka adeegyada u bixiya cusbaalka qaaxadu iyo waliba xarunta uu gaarka u leeyaha md Dr xergeeye
2. Shakhsi is dul dhig badan
Wa astaan lagu garta shakhsiga ay ka muuqato kalsooni nafeed badan lehna hogaamin, md xergeeye waxan yaqiinsanahay inu yahay shakhsi is dul dhig badan wan sifo diinteena suuban ee islaamku ina farayso inaynu ku sifowna astantaas , taas ka sakawna mihnada cafimaadka ay ah mid ku baraysa taas waayo waxaad u adeegaysaa qof wax yeelo gaadhay hanti kaliya ee uu lahaa oo ah caafimaadka .
3. Aqoon dhamaystiran .
Mudaada ku siman shanta gu ee aanu saxiibka iyo shaqo wadaagt ahayn Dr xergeeye waxan ku kalsoonahay inu aqoon durugsan u leeyahay cilmiga dhakhtarnimda isla markaan kalsooni buuxda ka haystaa dhamaaan cid kasta oo taqaan oo xanuun la daris noqota , wa Diktoor aad u gacan macaan oo ilahay SWT shaafiyo badi dadka uu dawo qoro .
Guntii iyo gebogebadii waxan halkan uga dirayaa Dr xergeeye duc iyo dardaaran anigo ku horayn doona ducada waxan ilahay kaga baryayaa inu xilka ku fududeeyo kuguna asturo , in ilahay mudada aad xilka hayso kugu dhameey guul iyo cafimaadba .
Waxan talo u siin lahaa saxiibakay walaw aan kalsooni badan ku qabo , hadana waxan xasuusin lahaa qodobadan .
1. Ilahay kaga baqo xilkaas lagu magacaabay ogown inu yahay mid ilahay kugu eegaya sidaad wax u maamusha .
2. Ogow shaqlaahu waa kan ugu muhiimsan waxa urur ama hayada ay haysatao , xidhiidh , is fahan iyo wada shaqayn dhex marta qaybaha kala duwan ee wasaaradu inu yahay furah guusha taaso aad ku dadaashana waxan qabaa inaad magac iyo maamuus taariikhda gala inad ka tagi insha allah
3. Cadaalada oo aad ehel la noqota isla markaan aad cadaalad u sameyso dhamaan intaad hogaamiyaha u tahay ogow waxay ku tahay cibaado ilahay ka abaalin doono sido kalena waxay suuro galin in dhamaan hawlihii wasaarada si wanaagsan oo togan u socodaan , cadaaladuna wa waxa kaliya ee hogaamiyuhu umadiis ku hagi karo haduu astaan ka dhigto.
 


 
 



Mahadsanid
Mustafe Cabdilahi Xuseen ( GURAAYE )
B.sc. Medical microbiology
International university of Africa
( khartoum_sudan)
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO