Friday January 19th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Miyaad Qab Weyn Tahay Mise Waad Hanweyn Tahay Qalinkii: Eng Yahye Awil

0
Thursday January 11, 2018 - 00:46:13 in Maqaallo by Wariye Mohamed BK
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Miyaad Qab Weyn Tahay Mise Waad Hanweyn Tahay Qalinkii: Eng Yahye Awil

    Miyaad Qab Weyn Tahay Mise Waad Hanweyn Tahay Qalinkii: Eng Yahye Awil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyaad Qab Weyn Tahay Mise Waad Hanweyn Tahay Qalinkii: Eng Yahye Awil Miyaad qabweyn tahay mise waad hanweyn tahay Hanka – waxa qofku rumaysan yahay inuu yahay ama uu qaban karo, ayaa saameeya fal kasta oo uu ku kacayo iyo sida uu uga midho dhalinayo yoolka uu hiigsanayo. Qofka hankiisu sarreeyaa wuxu tamadiyaa naftiisa kamana gabbado tixgelinta uu mudan yahay inuu helo. Marka uu guul darro la kulmo ma liido naftiisa iskumana dulleeyo hawshaa ragaaday, balse wuxu dib u saxaa qaladkii guul darrada dhaliyay waxaanu u hawl galaa siduu mar labaad u hanan lahaa hadafkii dhicisoobay. Haddii la isku dayo in lagu qalqaaliyo samaynta wax aanu rabin, qofka hankiisu sarreeyaa waxa uu muujiyaa keeno diidnimo sal adag. Wuxu ku kalsoon yahay shakhsiyaddiisa mana qawado waxa uu yahay ama uu haysto. Duruufuhu ma doorshaan qiyamkiisa, kamana duwaan tubta uu samaha bidayo. Hanka sarreeyaa lama mid maaha qab weynida iyo isku khushuucidda. Qofka hankiisu sarreeyaa iskuma qabo inuu dadka ka sarreeyo mana yaso dhiggii, balse wuxu aaminsan yahay inuu ka duwan yahay oo uu yahay qof gaar ah kaasoo fikirkiisa u xor ah. Waxa keliya ee hanka lagu hor mariyaa wa in qalbigaagu quutaa xaqiiqda iyo waayaha dhabta ah ee ku gedaaman noloshaada iyo deegaanka aad ku noshahay. Isku day oo naftaada u laqin inaadan iska indho saabin libinta iyo guusha naftaadu asiibtay iyo ta bulshada kale. Isku day inaad u hambalyayso guulaha uu gaadhay qof dhigaa ah. Ha ka xumaan oo ha xasaradayn himilada iyo higsiyada u hir galay shakhsi kale. Hanweynidu waxay deris la tahay hayaanka toosan iyo higsiga noloshaada oo aad ku hubayso hilaadin iyo hogo tusaalayn la hubo. Hanweynidu ma aha wax lagu dhasho ee waa dabci la hanan karo haddii nafta lagu laylyo. Qore: Eng Yahye awil mohamoud E-mail Yahye. Awil27@gmail.com
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO