Friday January 19th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
Somali Flags
eurosomtravel.com/

Wanjalka Wisiisiga ah ee Cabdiweli Gaas Been Horaa ka Horreysay!

0
Thursday January 11, 2018 - 22:25:21 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wanjalka Wisiisiga ah ee Cabdiweli Gaas Been Horaa ka Horreysay!

    Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Cabdiweli Gaas, kama soconayso dacaayadaha riyo-maalmeedka ah iyo wanjalka been abuurka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Cabdiweli Gaas, kama soconayso dacaayadaha riyo-maalmeedka ah iyo wanjalka been abuurka


Garowe (Burcoonline) 11.01.2018 Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Cabdiweli Gaas, kama soconayso dacaayadaha riyo-maalmeedka ah iyo wanjalka been abuurka ah ee uu adduunka ku marin habaabiyo. waxaa beesha caalamku ka warqabtaa inay Somalilad safka hore kaga jirto waddamada gobolka ee sida adag ula dirira kooxaha argagixisada ah iyo budhcad badeedda oo labaduba fadhiisinno iyo xarumo ku leh maamul-goboleedka Puntland iyo dalka Soomaaliya.

Waxa la joogaa xilligii Cabdiweli Maxamed Gaas, uu dhadhamin lahaa cawaaqib xumada ka dhalata daandaansiga iyo gardarada uu laasimay ee uu ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland. Horjoogaha Puntland wuxuu ku shaqeystaa inuu dalalka daneeya la-dagaalanka argagixisada uu ka dhaadhiciyo macluumaad samays ah oo uu tii ugu dambaysay ku fashilmay.

Bishii September 2016, waxa ciidammada Maraykanka oo helay xog been ah oo maamulka Puntland u gudbiyeen ay ku weerareen fadhiisin ay deganaayeen ciidammada maamul goboleedka Gal-mudug oo loogu sheegay inay ahaayeen Al-shabaab. Waxa duqayntaas ku dhintay in ka badan labaatan askari oo ah kuwa Gal-mudug. Waxay ahayd shirqool dhagareysan oo Cabdiweli Gaas ku guulaystay inuu ku naafeeyo maamulka ay dariska yihiin oo ay isku hayeen muran dhinaca xuduudda ah.

Dhacdadaasi waxay sababtay in dawladda Maraykanku ay Cabdiweli Gaas ku dartay liiska siyaasiyiinta xogtoodu aanay wax ka soo qaadka lahayn, waxaana lagu calaamadiyey inuu yahay beenaale weyn oo marin habaabiyey millatariga Maraykanka.

Ciidammada qaranka Somaliland ayaa Isniintii toddobaadkan la wareegay gacan ku haynta magaaladda Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool, waxaanay baacsadeen maleeshiyaadkii Puntland ee ku sugnaa jiidaas oo firxadkoodii gaadhay duleedka Garoowe. dhirbaxadaasi waxay sas ku abuurtay maamulka Garoowe oo garwaaqsaday inay Somaliland u muuqato mid uu ka dhammaaday dulqaadkii badnaa ee uu ku bartay. Waxaanu iclaamiyey inuu dagaal la geli doono Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidii dhaqanka u ahayd madaxweynaha Puntland wuxuu ku hadaaqay eedaymo been abuur ah, waxaanu dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ku eedeeyay inay garab u yihiin wax uu ugu yeedhay kooxaha argagixisada oo uu ku dooday in maamulkiisu dagaalka kula jiro. Taasi oo ah mid caalamku aanu ka dhegaysanaynin!

Inkastoo ay Somaliland xeeriso in dalalka mandaqaddu nabad ku wada naaloodaan i, hase ahaatee deris wanaagga ay jeceshahay kuma doorsanayso in taako ka mid ah dhulkeeda lagu soo xadgudbo.

Waxa hubaal ah in mowqifka Jamhuuriyadda Somaliland yahay sidii ay xukuumaddu hore u shaacisay oo ahaa; "Haddii ay Puntland joojin weydo xadgudubka ay ku hayso soohdinta Somaliland inaan la isku qabsan doonin gobolka Sool ee la iskaga hor iman doono Garoowe iyo Boosaaso.” Waxaanan leenahay Puntland iyo qayrkeedba ha ku abshiraan mowqifkaas cad..

dawaneditor@gmail.com

cumarmfaarax@hotmail.com

 

Xigasho: Wargeyska Dawan


Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
Halkan Ka Daawo EXCLUSIVE AH: Wareysi Xiiso Badan oo Tariikhiya oo Laga Qaaday Siyaasigi Weyne ee Micheal Maryamo 1963
Halkan Ka Daawo: Jiilayaasha Caanka ah ee SOORAN IYO JAWAAN oo Riwaayadi Ugu Qosolka Badanyd Soo Saaray ee Ku Saabsan Ummada Facebook Iyo Internetka Ku Wada Maqan
Halkan Ka Daawo: Hotel Casriyah ah Iyo Restuaranka Nasteexo Hotel and Restaurant oo Xadhiga Laga Jaray Magaalada BURCO
WAREYSIYO