Thursday April 19th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Mao Zedong-gii china......W/Q: Prof Ismail .M. Aden-Dhicir

0
Saturday January 13, 2018 - 11:29:04 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mao Zedong-gii china......W/Q: Prof Ismail .M. Aden-Dhicir

    Waa hogaamiyihii jamhuuriyada china oo madax banaanideeda heshay sanad kii 1949-kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa hogaamiyihii jamhuuriyada china oo madax banaanideeda heshay sanad kii 1949-kii.



Waxay keliya 11 sano ka weyn tahay somaliland tii madax banaanideeda heshay sanadkii 1960-kii.


Hogaamiyahani wuxuu utafo xaytay una badheedhay 400 million oo shacabka china kamida oo ay ragaadiyeen daroogooyin (Marjuana iyo hafyun) inuu ka saaro oo la dagaalamo caqabadaas, kuna riyoodi china lamid ah kan 2018 ka , wuu ku guulaystay hankiisii weynaana wuu romoobay dariiqii uu jeexay una jideeyay dhalinyaradii ka dambaysay ayaa horseeday in china noqdo dalka sadexaad ee dayaxa u diray cir bixiyeeno amaba dad nool. Isaga oo ka hoos baxay gumaysi.


Hada china waa lama qiyaasan xaga dhaqaalaha iyo awooda ganacsi ee dunida oo dhan uu kuleeyahay sida laogyahay waa suuqa wax soosaarka aduunka dunida oo idilna magaca china waa laga yaqaan iyada oo weliba ay jirto awoodii ciidanka.

Waxaa cajiib ah inaanu dalkani lahayn khayraad weyn oo dabiici ah, halka ay bada dusheeda wax ka beeraan. Sidoo kale cidna aanay kaalmo ama caawimo ku siin koriinkooda.


Marka hogaamiyuhu han weyn leeyahay sidookale jideeyo ama qorshe u dejiyo dalkiisa kaasoo mid barwaaqeed ah, jiilalka dambe ayaa haga ugu dambayna guusha gaadha.

Wuxuu xafiiska joogay ilaa June 19, 1945 – September 9, 1976 oo uu bakhtiyay xiligaas.

Waa ninku weyn dhamaan taariikhda china, shacabkuna ku dhaartaan.
Qisasku waa muhiim in wax laga qaato waxna laga koror sado.



Hadaba ka somaliland maxay noqonaysaa waxa aynu ka faaidayno qisada noocan oo kale ah.

Ugu horayn mida koowaad ee aynu kafaaidi karnaa waa ka samato baxa aafooyinka maandooriyaha oo ay ina haysato aafada maandooriye yaasha (qaad ka iyo qabyaalada).


Qaadku waa maandooriye halis ku ah caafimaadka iyo dhamaan waax yaha nolosha qofka, qoyska , bulshada iyo qarankaba. Sidaas oo ay tahay hadana lama mid aha kuwii haystay china ee qaadka wuxuun baa dadka miyirku ku hadhayaa.


Qabyaaladu waa maandooriye halis ah runtiina waxay la dhigantaa ama ka heersaraysaa daroogoyinka (marjuna) , marka la meeris raaco sida iyo qaabka ay ukala fogaynaso bulshada oo noqonaysa qaybo iyo qabiilo diriri dhextaalo. Sidaas uu ay tahayna ka hadhaya dhamaan hiigsiga badhaadhaha iyo horumarka.


Waa qeexitaan aan horre ugu qeexay qabyaalada , ag dhigayna daroogoyinkaa halista ah.


Mid labaad ee aynu ka faaidi karnaa waa bulsho dhiska iyo qaabkan loo dejinayo qorshaha dal ee shaqaynaya muddo dheer xitaaa iyada oo hogaamiyihii dejiyay dhintayba. Taasina waxay ku imanaysaa sida loo dhiso bulshadaas loona qaabeeyo korna loogu qaaday aqoontooda kala duwan, iyada oo laga dhigayo bulsho tartan kula jirta kuwa markaa horumarka hogaaminaya.


Siloo gaadho dariiqyadan amaba dhabadan horumarka waxaa muhiin ah in loo fikiro si balaadhan bulshadana loo dhiso caqliga iyo hanka , iyada oo kor loo qaadayo aqoonta dhinackasta.


………Wabilaahi Tawfiiq……
 


W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
 
Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Barre Jamacadeed
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
Siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.
 
 
Mob: +25263 409 48 55

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


HALKAN KA DAAWO: XILDHIBAANADA GOLAHA DEGAANKA CEELAFWEYN OO BAAQ U DIRAY MADAXWEYNE BIIXI IYAGA OO CODSADAY INUU ERGO HARGAYSA JOOGTA QAABILO
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
WAREYSIYO