Saturday February 17th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
Somali Flags
Japan

GO'AANNADA GEESINIMADA LEH EE CALI KHALIIF GALAYDH IYO MADAXDA KHAATUMO WAA DHAMAYSTIRKA SOMALILAND LOO WADA DHAN YAHAY. (RASHEED ALI MEIGAG SAMATER).

0
Sunday February 11, 2018 - 10:26:55 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GO'AANNADA GEESINIMADA LEH EE CALI KHALIIF GALAYDH IYO MADAXDA KHAATUMO WAA DHAMAYSTIRKA SOMALILAND LOO WADA DHAN YAHAY. (RASHEED ALI MEIGAG SAMATER).

    GO'AANNADA GEESINIMADA LEH EE CALI KHALIIF GALAYDH IYO MADAXDA KHAATUMO WAA DHAMAYSTIRKA SOMALILAND LOO WADA DHAN YAHAY. (RASHEED ALI MEIGAG SAMATER).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GO'AANNADA GEESINIMADA LEH EE CALI KHALIIF GALAYDH IYO MADAXDA KHAATUMO WAA DHAMAYSTIRKA SOMALILAND LOO WADA DHAN YAHAY. (RASHEED ALI MEIGAG SAMATER).
Waxa hambalyo, dhiirri-gelin iyo bogaadinba mudan madaxda khaatumo ee uu hoggaaminayo Prof.Cali khaliif Galaydh oo dhowaan qaatay go’aan ku
qotoma xil-kasnimo iyo aragti fog, kuwasoo sida ka muuqata qodobbada ay soo bandhigeen, faaiido u ah ummadda xilka u dhiibatay ee Khaatumo iyo
guud ahaanba Somaliland oo dhan. Dadka ku abtirsada Khaatumo oo ka mid ah dadyowgii dhaliyay somalilandta maanta la wada hadhsanayo, ayaa ah kuwo Somaliland ummadda ku dhaqan ay wadaagaan dad, dal dhaqan iyo dhiigba. Hase ahaatee muddoba ay kala fogeeysay arrimo siyaasadeed oo aan dan u ahayn labada dhinac midna, inta bandanna ay aad u huriyeen ashkhaas aan ahayn labada dhinac midna, dano gaarana ka lahaa colaaddooda, isla markaana sababtay isku dhac lagu waayo muwaadiniin qaali ah labada dhinacba. Somaliland caddaalad ah, dhammays-tiran oo loo wada dhan yahay waa mid muwaaddin kasta oo Somaland u dhashay jecel yahay ama ku taamo, waana qodobka gun-dhigga u ah heshiiska taariikhiga ah ah ee ay sida fog uga soo baaraan-degeen Madaxda Khaatumo. Heshiiskaas oo anigu markaan dersay (intii aan ka akhriyay), u arkay inay yihiin go’aanno Somaliland u wada dan ah, oo aan ku salaysnayn haba- yaraatee sad-bursi loo doonayo dadka ku ab-tirsada Khaatumo, oo weliba iyadoo xoogag tiro badani rabeen inay dhiciseeyaan, qaar kalena illaa haddaba weli ku foogan yihiin inanu hirgelin - ay Mudane Prof.Cali Khaliif, madaxdii iyo shacabkii uu hoggaaminayayba si geesinimo leh ugu tallaabsadeen kuna goaansadeen wadajir - isla-markaana Magacii ha raagee Madax-weynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isnaguna tacab badan geliyay soo af-jaridda nabad waarta oo dhexdeenna ah, iyo in innagoo isku-duuban aynu ka wada badbaadno dabka innagu hareeraysan ee ka holcaya Bariga Afrika.


Xukuumadda cusub eeSomaliland ee uu hoggaaminayo Mudane Muse Biixi Cabdi, iyo Muwaadin kasta ama guud ahaanba shacabka Somaliland oo dhan, waxa waajib ku ah, in la maamuuso, oo la isu soo dhoweeyo walaalaha isu boholyoobay, isla markaana loo dedaalo dhammaystirka heshiiskaas
muddada ku beegan illaa bisha August ee sannadkan 2018ka oo ah waqtiga ha noolaadee Prof. Cali Khaliif Galaydh xilkiisu Khaatumo kaga eg yahay.
Wa Billahi Tawfiiq,
Rasheed Ali Meigag Samater
Hoggaamiyaha Jaaliyadda Soomalida W. London.
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
WAREYSIYO