Saturday February 17th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
Somali Flags
Japan

Muwaadinkii Dalkiisa Qaribay ee Ajaanibku Kasoo gaadhay. W.Q Kaptanka Qiso waddanka ka dhacday oo dareen xambaarsan!!

0
Sunday February 11, 2018 - 10:34:52 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 87
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadinkii Dalkiisa Qaribay ee Ajaanibku Kasoo gaadhay. W.Q Kaptanka Qiso waddanka ka dhacday oo dareen xambaarsan!!

    Muwaadinkii Dalkiisa Qaribay ee Ajaanibku Kasoo gaadhay. W.Q Kaptanka Qiso waddanka ka dhacday oo dareen xambaarsan!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadinkii Dalkiisa Qaribay ee Ajaanibku Kasoo gaadhay. W.Q Kaptanka Qiso waddanka ka dhacday oo dareen xambaarsan!!

Waxaanu safar shaqo ugu baxnay gobol ka mida gobalada dalka. Waxanu ka koobnayn 20qof iyo Hal qof oo ajaanib ah waxay gaadhay waqtigii braketime ka waqtigoo nagu yaraa waxaanu go,aan sanay inaan gaadiidka kusii dhex nusasaacayno labaatankii qof ee wadaniyiinta ahaa halmar ayay daaqadaha ka tuureen hadhaagii cuntada iyo cabista sida baco caagado daasado iyo qashin kale oo badan. Halkii qof ee ajaanibka ahaa ee nagu jiray oo ahaa nin gibil cad ah ayaa dalbaday in la joojiyo dhamaan gaadiidka si buu yidhi deegaanka looga ururiyo qashin kii lagu qubay waxaanu ku bilaabay hadalkiisa "Idinkoo iga raaliya waxaan idiin joojiyey inagoo aan deegaanka waxba usidin waqti ficana ku qaadanay Maaha inan ugu abaal gudno qashin deegaanka waxyeelo u gaysanaya sida baco iyo caagado biyood oo halkay ku dhacaan kun Sano aanu doog kasoo baxaynin fadlan Ila badbaadiya deegaankiina oo Soo ururiya bacaha iyo caagadaha” waanu degnay anagoo qajilsan ayaanu soo ururinay dhamaan wixii aanu qubnay.



Waa Arin xambaarsan dareen muwaadinimo iyo u damqasho deegaan iyo fayo dhawrka dhirta iyo daaqa waddankeena waa ayaan daro Iyo bahdilaad marka inta aad adigu u nixi waydo waddankii Allah SWT. Kugu beeray qof kale u damqado oo ka yimi meel wadankaaga ujirta 40000 miles, waa muwaadin laga muwaadinsanaaday oo looga Lexo jeclo batay waddankiisii uu ku dhashay ee ubadkiisu barri ka dhaxli lahaa. Dadka maanta Joogaa dhirtii waxay u dabar jareen dhuxul lacagta kasoo baxdana lagu gataa qaad wadan kale laga soo dhoofiyey. Somalidu waa reer guuraa dhaqankooduna halkaas ayuu ku taxa luqaa tusaale barigii hore ninka somaligii dhirta sidu doono ayuu u gumaadijiray kayn jiqa inta uu caawa geela kusoo xareeyo ayuu 150 geed ugaraaci jiray Si uu caawa oo qudha geela ugu xaraysto aroortana waa ka guuri jiray waligiina geed muu beerin.


Mararka qaarkood isagoo baadi doona ayuu kayn dhan dab qabadsiinjiray si uu calaamad uga dhigo inuu halkan isagoo nool soo gaadhay isagoo signal uga dhigaya reerkii uu ka yimi madaama oo aanay isgaadhsiini jirin, sidoo kale marka uu reerka u sahan tago wuxu yidha iga soo daba guuraa kayn ayaan gubi markaan mudo socdo si aad ugarataan inaan wali idinka horeeyo. Illaa hada somalidu marka ay wada hadlayaan xataa kuwa waxbartay ee magaalada jooga haday geed hadhsanayaan waxay jarjarayaan laamaha geedka iyagoo maqan markaa sidee ayaan deegaanka u dhawri karaa aqriste ogaalkay qof Somali ah oo geed beeray wuu yarhayay Lakin qof aan geed dilini maba kujiro Somalida.


Aqriste waligaa geed ma beertay? Haday jawaabtu haa tahay Allah hakaa abal mariyee wali geed Maka beertay meel aan gurigaaga ahayn qaab sadaqo ahaaneen? Muwaadin halka geed waxaa uu jooga Somaliland qiimihiisu $1dollar ama Shilin S/l 10000 fadlan halgeed ilaahay dartii u beer waa sadaqo xadiista ayaa sheegtay, waddankaaga dartii u beer xitaa hadii aanad beeri karin cid beeri Karta ayad u gaynkarta sida xarumaha public ka ah si wadankaaga aad uqurxiso fadlan ugu yaraan caaqada aad biya ama sharaabka ka cabto haku tuurin deegaankaga.. ….


N.B sheekada hore waxaa iga caawiyay Cabdirisaaq.


Allaah Mahad Leh

Abdiqani Salaf (Kaptanka)

Hargeisa SomalilandGaadhkawadanka@gmail.com

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
WAREYSIYO