Friday April 20th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

TARTANKII ADUUNKU UGU JIREY SOSAARISTA HAYRAADKA SOOMAALILAND OO LASOO AFJARAY + GOORMAASE LA BILAABAYAA ?

0
Sunday February 11, 2018 - 10:51:58 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TARTANKII ADUUNKU UGU JIREY SOSAARISTA HAYRAADKA SOOMAALILAND OO LASOO AFJARAY + GOORMAASE LA BILAABAYAA ?

    TARTANKII ADUUNKU UGU JIREY SOSAARISTA HAYRAADKA SOOMAALILAND OO LASOO AFJARAY + GOORMAASE LA BILAABAYAA ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TARTANKII ADUUNKU UGU JIREY SOSAARISTA HAYRAADKA SOOMAALILAND OO LASOO AFJARAY + GOORMAASE LA BILAABAYAA ?
Waxaan caawa maqaalkan idiinku hayaa farxad dad loogu bushaareeyo tii ugu qiimaha badnay oo shacabka soomaaliland weligoodba ka dhursugayeen sidii ay marqudha warkaas u maqli lahaayeen warkaas oo ah sidii ay dalkooda khayraadkiisa ulasoo bixi lahaayeen . Hadaba mudo hadda laga joogo dhawr iyo toban sano ayaa dalka shiinuhu soomaaliland usoo jeediyey sidii uu khayraadkooda usoo saari lahaa isagoo isla markaana usheegay wadada sharci ee uu u raacayo soosaarista khayraadka taasoo ah in loo baahan yahay in soomaaliland uu u samayn doono shirkad maalgashi oo uu akoon uga samayn doono baanka aduunka kuna shubi doono maaliyad dhan 4 bilyan oo doolar oo ku soconaya magaca dawlada soomaaliland , lacagtaasu waxay damaanad ka noqonaysaa soosaarista batroolka soomaaliland waxayna damaanad ka noqonaysaa dejinta lacagta soomaaliland oo caalamku u aqoonsan doono inay tahay lacag adag taasoo lacagkasta oo debedeed oo soomaaliland soogasha qiimaha loo sameeyaa uusan halkiisa ka kici karayn lacagta soomaalilandna suuqyada caalamka geli doonto maadaama ayka taal damaanad buuxda , dhinaca igshooranada naf iyo maalba ayaa iyana caalamku ku khasban yahay in ay keenaan soomaaliland iyo baanan caalami ah . Shirkadaas oo soomaaliland markii hore aanay jawaab cad ka bixin iyo maaliyada lagu shubayoba maadaama ay gacanta ugu jirto wadamada reergalbeedka iyaguna aanay ogolayn in shiinuhu lugku yeesho soomaaliland ayaa u muuqata mid ay reergalbeedku arinkaas iyagu bilaabayaan maadaama lagu dhawaaqay samayntii shirkada maalgelinteedana ayku shaqo leeyihiin cida samaysay ee masuulka ka ahi , taasoo sidegdega loo bilaabi doono qodista khayraadka soomaaliland iyo in caalamku isugu yimaado sidii looga wada faaiideysan lahaa . Dhinaca citiraafka ayay soomaaliland tahay dal reergalbeedka iyo wadamada la xulafada ahiba citiraafsan yihiin laakiin siyaasado jira awgeed loo hortaagan yahay ku dhawaaqistiisa inta aan lagu kala guuleysan siyaasada koonfurta soomaaliya . Hadaba madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo uu hadafkiisa siyaasadeed ahaa inuu soomaaliland gacan buuxda u geliyo wadamada reergalbeedka si ay ugu faa,iideeyaan dadkiisa iyo dalkiisa iyo inuu hirgeliyo waddo kasta oo loogusoo saarayo khayraadkooda ayaa wuxuu sibuuxda uga shaqeeyey sidii uu arinkaas u hirgelin lahaa isla markaana ninka isaga bedelaa halkaa ugasii qaadi lahaa iyadoo xisbiyada mucaaradkuna ku raacsan yihiin ,isla markaa aan cidnaba dheg loo dhigayn inta khayraadka ooda looga qaadayo . Hadaba shirkada soomaaliland leedahay ee maalgashiga ah ee caalamka lagaga dhawaaqay waa shirkad damaanad buuxda siinaysa soosaarista maalgashi kasta oo caalamku samaynayo xisaabteedana ayku jirto bilyanis lacag adag ah oo loo dhigay sidii soomaaliland loogu faa,iideyn lahaa loogana faa,iideysan lahaa .
Hadaba shacabka soomaaliland waxaan leeyahay kadabaa dhaha kuna farxa dalkiinana ilaashada nabadiisa dawladiinana la shaqeeya wax qof lasiiyaa waxba idinka tari maayaane wax idin wada gaadha ayaa laydiin soo wadaaye. Shirkadaas oo aan samaynteeda inbadan sugaayey markaan shalay maqlay ayaan ogaadey in isbedelkii siyaasadeed iyo dhaqaaleba soo gaba gaboobeen iyadoo aan waxbadan hore uga ogaa ayna kamid ahaayeen markii cali khaliif galaydh iyo ismaaciil hure buubaa dalka dib loogusoo celiyey siyaasad ahaan si ay shacabka soomaaliland u mideeyaan si soomaaliland wax looga dhigo maadaama lagu fashilmay wax ka dhigii koonfurta soomaaliya oo maanta taagan halkii ugu rajada xumayd maadaama siyaasadeedu faraha ka baxday .



Qore: maxamed aadan axmed
Siyaasi madax banaan
Ahna baadhe siyaasadeed
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


HALKAN KA DAAWO: XILDHIBAANADA GOLAHA DEGAANKA CEELAFWEYN OO BAAQ U DIRAY MADAXWEYNE BIIXI IYAGA OO CODSADAY INUU ERGO HARGAYSA JOOGTA QAABILO
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
WAREYSIYO