Saturday February 17th, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
Somali Flags
Japan

Wasaaradda Beeraha Oo Daah-furtay Mashruuca Ciidda iyo Biyo qabashada ee Dooxa Biji

0
Tuesday February 13, 2018 - 11:09:24 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Beeraha Oo Daah-furtay Mashruuca Ciidda iyo Biyo qabashada ee Dooxa Biji

    Wasaaradda Beeraha Oo Daah-furtay Mashruuca Ciidda iyo Biyo qabashada ee Dooxa Biji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Beeraha Oo Daah-furtay Mashruuca Ciidda iyo Biyo qabashada ee Dooxa Biji
Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Maanta Daah-furtay Mashruuc soconaya muddo shan sannadood ah, kaasi oo uu
Maalgelinayo Baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW. Mashruucan oo lagu Daah-furay Tuulada Lafta Boqor oo ka tirsan Degmada
Gabiley ee Gobolka Gabiley, ayaa sidoo kale laga fulinayaa Deegaanno kale. Mashruucan ayaa ah mid lagu daryeelayo Ciidda iyo Biyaha, waxaana si gaar ah wax loogaga qabanayaa deegaannada uu Nabaad-guurku ku dhacay, waxaana la doonayaa in Biyuhu dhulka ku hakadaan oo ay hoos u galaan isla-markaana Ciiddu Dib u hesho Nafaqadii ay kala tageen Daadadku, si Mustaqbalka looga sameeyo wax soo-saar baaxadle, maaddaama oo Qorshaha koowaad ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ku shaqaynaysaa yahay in la kobciyo Wax soo-saarka Dalka, taasi oo ahayd ballan-qaadkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku galay ololaha Doorashadii Dalka ka dhacday Sannadkii hore ee 2017-ka. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo hoggaaminayey Wefti ballaadhan oo ay ka mid yihiin Masuuliyiinta Hay'adda Mashruucan la soo mariyey, Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Beeraha Ibraahim Carab Ceelaabe, Madaxda Hay'adda Mashruucan la soo mariyey, Isku-duweyaasha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gobollada Gabiley iyo Maroodi-jeex, ayaa intii ay ku sugnaayeen Lafta Boqor, waxay kulan la yeesheen Odayaasha deegaanka Lafta Boqor, waxay u faahfaahiyeen Mashruucaasi iyo ahmiyadda uu u leeyahay Dalka, gaar ahaana
deegaanka laga daah-furay. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo hadal u jeediyey


Odayaasha Tuulada Lafta Boqor ee Mashruucan lagu Daah-furay, ayaa u soo jeediyey inay mashruucan sida ugu wanaagsan uga faa'idaystaan, maaddaama oo wax lagaga qabanayo Dhulka ay Cuntada kala soo baxayaan. Guddoomiyaha Beeralayda Lafta Boqor iyo Xubno ku hadlay Magaca Odayaasha deegaankaas, ayaa soo dhaweeyay in Mashruuc soconaya shan sannadood laga fulinayo deegaankooda, si loogu daryeelo Dhulka ay wax soo-saarka ka samaynayaan. Odayaashu waxay u Mahad-celinayeen Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland oo ay sheegeen in muddadii Masuuliyiinta cusub loo Magacaabay ay rejo badani gashay Beeralayda. intaasi ka dib, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha, Maayarka Gabiley iyo Masuuliyiintii la socday ayaa kormeer ku sameeyay Xarunta Kaydka Siidhka oo hore Wasaaradda Beeruhu uga hirgelisay duleedka Magaalada Gabiley iyo weliba goobo ka mid ah goobaha laga fulinayo Mashruucan lagu daryeelayo Biyaha iyo

Ciidda ee Gobolka Gabiley.

ugu dambayn, Weftiga Agaasimaha Guud hoggaaminayey waxa hadhimo- sharafeed Magaalada Gabiley ugu sameeyay Maayarka Gabiley Maxamed-amiin

Cumar Cabdi.
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
Halkan Ka Daawo:Siraad Nuux Cawaale Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Wareejisay Guuri Cusub Oo Loo Dhiisay Qoyskii U Iska Del Delay Marxuum Qaasim Yusuf Axmed Iyo Deeq Lacagana Gudoonsisay Qoyskaasi
Halkan Ka Daawo: Wasiirul Dawlaha Caafimaadka Somaliland Md Maxmaoud Galaal oo Ku Boriyay Dadweynaha Ku Dhaqan Degaanka KARIN Inay Qaatan Kaadhka Cod Baxinta+ Kabahana La Dul Maray Xisbiga WADDANI Iyo BallanQaadka Beenta Askarta Loo Sameeyay
WAREYSIYO