Monday May 21st, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

AKHRISO:Abwaanka Caanka Ah Ee Hure Walan Wal Oo Gabay Ku Karbaashay Dawlada Somaliya

0
Tuesday March 13, 2018 - 20:04:36 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO:Abwaanka Caanka Ah Ee Hure Walan Wal Oo Gabay Ku Karbaashay Dawlada Somaliya

    Sirmagaydo Abwaan Hurre walanwal ayaa Tiriyay Maanso ladhaho Sirmagaydo oo ka hadlaysa Gooni isutaaga somaliland xamarna lahadlaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sirmagaydo Abwaan Hurre walanwal ayaa Tiriyay Maanso ladhaho Sirmagaydo oo ka hadlaysa Gooni isutaaga somaliland xamarna lahadlaysa.
Waa Maansadii labaxday Sirmagaydo ee soo baxday (12/01/1999) Maansadu waxay dabasocotay maansadii labaxday seeman ee tiriyey faarax (kabawayne) maansadaasoo kasoo horjeeday jiritaanka Somaliland.
Waxaanay ku bilaabatay sidan:
Darmaan seemaneey sahaaga
sabooy saran seeristaada
Taariikheey siinaddaada
Suugaaneey himiladaada
Beriyo saakuub warkooda
Ilaah baa laga sugaaye
Haddana saadaaladooda
Hadduu hal abuur nin seelo
Sakiiriyo dalab u yeelo
Satika waxaa fura abwaane
Habeen hore goor laseexday
Saqdhexe filin lay horkeenay
Silsilad curataan dhegaystay
Saleebaanoow godkeeda
Haddaan kaasiiyo sheeko
Waxay ku sabaysay dhaanto
Libaaxii surad dusheeda
saraar godon hiirtu gaysay
waxay sannad kana aslaysay
Sibraarkii maydabtiisa
Sanaag lagu qalay candhooley
Galooftiibay sidkaysay
Ibaa laga saaray shiisha
Dalluuntii laygu saydhay.
Intaan sarif iyo tusaale
Salliga nebigiyo tilmaan dheh
Malaa kuuma sarin sanaane
Sacbaa kugu qodaya raafe
Haddaan kuu saafo weedha
Samoow oday waa sarbeebe
Haddaan saaxiib imooday
Laxdii horratiyo sabeenta
Isdhalay salbadh oo dhigiisa
Wankii ka sanqadhay gadaasha
In saalax wareeray miihi
Salleeli nin ii maleeyay
Siduu rabo ima marsiiyo
Sabuux nabadarada igaadhay
Sun baygiyo fiixda reebay
Damacu ima saarufsiiyo
Gartiyo runta kama sinaysto
Shisheeye nimuu sabaaro
Dibnaa sonkor loogu daadsho
Iiimaan salaafay miihi
Macuno sababkiyo xumaysta
Hunguri suul ima jaqsiiyo
Soo haah kuma gali dagaalka
Saamaa ku dido lajiido
Caruur surma seegta miihi
Sokeeyiyo ma hurtadiisa
Darbaa lagu saajiraaye
Madduun miihi saba garaaca.
Samoow - wa - samoow - samoow - wa
Saaxiib filimiyo riwaayad
Suxuun iyo kamanno been ah
Soomaali ku heemisteeda
Sunteedii baan qabaaye
Sinjigu iwanneehin maayo
Samoow - wa - samoow - samoow - wa
Saaxiib saaciyo magoolka
Sagaaraa lagu dabaaye
Halkii sirma gaydadeeda
Horyaalada lagu sukuumay
Halkii lagu surudub yeelay
Halkay ku karaamo seegtay
Ku celi saakana agoonta
Nin yidhi saaciidimaayo,
Inta sarriyo tusaale
Salliga nebigiyo tigraardheh
Malaa kuuma sarinsanaaye
Sacbaa kugu qodaya raafe
Haddaan kuu saafo weedha,
Wuxuu yidhi socoto dhaadhi
Xog moog waa loo saraaye
Samoow - wa samoow samoow - wa
Hadday kollay sumal xadayso
seen yaaliyo gabay maqlayso
maxaa sebigiyo dhallaanka
Sagaashan jirkiyo duqayda
Waraabaha loogu sooray
Maxaa sikhigiyo ugaaska
Indheer garadkiyo sarkaalka
Dhamaan surka looga gooyay
Maxaa surmigiyo haraadka
Sadaaddiyo dayra dhaafka
Manqada sammad loogu daadshay
Maxaa guryihii lasaantay
Suudhkiyo dahabkiyo xariirta.
Siriirtii lagu dingiigay
sabuulkiyo saraca beerta
Dabloo sudhay gumaradeeda
Maxaa hodankiyo saboolka
Usaamaysay fara madhnaantu
Ninkii sixin quudanaayay
Ku noolaanjiray sabiibta
Muxuu sacada uleefay
Maxay kaarihiyo suuga
Sawaarikhdiyo gantaalka
Hadh galay sulub ugu badheedhay
Muxuu soodhku u targaafay
Saanadda madficiyo rasaasta
Maxaa sawjadaa hugooda
Suufkoodiyo Siliska qoorta
Siyaakhada loo xaraashay,
Samoow - wa samoow samoow - wa
Hablii aad sabarka moodddey
unnaaridda ugub dhexdooda
Ee aad sanqaroorka moodday
Fardii seyidkiyo taleexi
Hablii suunida biciidka
Lahaanjiray sayn haldhaaga
Hablii sarajoogistooda
Lamoodaayey dhebeigi saaxil
Hablii sawraca qureeshta
Lahaanjiray midabka suurta
Hablii tamartiyo sariigta
lahaa saamiga halyeyga
hablii sumuciyo gammaanka
lasiin jiray boqolka geela
Hablii saddex qayd xiddaysan
Dhacliyo boqor baarka soohan
Subeeciyad iyo cunnaabi
Xidhnaan jiray abu sarmaanta
Hablii samirkiyo xishoodka
weliga saahiday lamoogay
ka seeran jiray xumaanta
Maxaa sumcaddoodii doorshay
Sawaaxiligiyo uraagu
U Guursaday samayadooda,
Samoow - wa samoow samoow - wa
Malaa kuuma sarin sanaane
Sacbaa kugu qodaya raafe
saaxiib oday waa sarbeebe,
Hadduu qofka jabo sakaarka
mudduu suudaaliyaaye
Bal eeg saadada gumawday
Suquun barigiyo asayda
Bal eeg sodohdiyo dhabeesha
Marwada suudhiyo basaasta
Bal eeg waxa soobir qaawan
Seygiyo ooryaha iswaayay
Bal eeg sekedaha gandooda
Suqduudada dhagaxa tuuran
Bal eeg suuqyada madaw ga
Siraadkii baxaayay meeyey
Bal eeg saryankiyo ugaadha
Kasuun go'ay degelladeeda


Samoow - wa samoow samoow - wa
Saaxiib waad naga maqnayde
Sarwaantaan kugu dhacayne
Markay solantaye dubmaysey
Markay saalbadu hugmaysay
seeraartadu laba dhacaysay
Markay soognayd doraatto
Sardhiyo laga quustay jiifka
markay xaydha wayn siniintay
laraacday sankee jalwaydey
markii saxariirku haystay
lamiineey soo naheeda
Suryada baas lagu horjooga
Silcaysay ninkii dhexjoogay
Sawsawlii kuma cesheene.
Samow oday waa sarbeebe
Salkaa weel laga unkaaye
Saaxiib siddii qabaxda jooji
Maandhaw haka selelin wayda
Hadday suurtaye hatoosin
Adeer soo dadab hankaaga
Senguhu yuu kula taraarin
Ka laab suxulada habaaska
Saruu qaad hmiladaada
Dadkii soo maray Barmuuda
Markuu sandahnaa hamoodin
kuwuu suxufigu tilmaamay
Kal hore saadaalinaayay
Lahaa haku saxan aqoonta
Sifii ganay maad ogayne
Sursuur haku gelin afkaaga.
intaa sarif iyo tusaale
Abwaan siminaaradii dheh
Hadhaw bay saxar tirtaaye
kunnoqo sababaha wadeeco
Hadiyo jeer sarar jabkeeda
U Sahanay sahalka mooddey

Haday talo kaa surmawdo
Sibraysaad saari waydo
Facaagana aad saluugto
Sooyalkaa lagu hirtaaye
Wuxuu yidhi soojireenku
Ninkaad soo jooga kawaydo
Soo jiifsaa laga helaaye
Bulshooy seefaha kugooya
Seedaha ku jaree ku gooya
Seedaha ku jaree ku heera
Haddaan summadooda sheego
Waxaa ummadyahay ku seegan
Marnaba aad sanann wayday
Samooyinka maaligooda
Carrooyinka seesay hoose
Makhluuqaadkana samaystay
Suubaanta ka uumay aadan
Naflaydana deeqda siiya
Subxaan rabbi ka nasahan sarreeya
Xumaan ka nasahan sareeya.
Haddaba sakhlaynka eebe
Qofkaanu ka suulin maanka
Da'diisuna ay sugnaato
Wuxuu alle saaray waajib
Salaad faraliyo cibaado
Soon iyo sako iyo yaqiin cad
Sujuudduna maalin hoogta
Astaan shaqigiyo saciidka
Waysadu kala soocda weeye.
Biyaa sakaraadka weeye
Qabriga saadkiisa weeye
Difaaca su'aasha weeye
Rafaadka iyo suunta jeeran
Sengaha lagu dhaafo weeye
Sallada laga fuulo hoohi
Hoosada soomal haadka weeye
Intii sakatiliyo naarta
Gaashaanta saciira weeye
Sabuun daahirisa laabta
Soofaha qalbiyaasha weeye
Sallaan aan ciirin weeye

Haddaba suurkiyo xisaabta
Salaantii nuuri wayday
Siday noqon mooyideede
Adduun waa saacufaaye
Ha aamin in sabashadiisa
Addoomuhu waa sadcaale
Siddiiq haka dhigan iblaysa
Jidkii mara saalixiinta
Miyaan suubanihi keenin
Miyaa layna siin digniino.
Bulshooy rabbi waa samiice
Bahiir sidriyada ogaaye
Markii suuradii quraanka.

Waxaa Qoray Abwaan Cismaan ibraahim warsame (Hurre walanwal)
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
WAREYSIYO