Monday April 23rd, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

SIXIR Bararka iyo Maceeshad Bararku Daawo ma leeyihiin ??!!. Qalinkii: Saxafi Madax- Banaan Qoraa: Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.

0
Monday April 09, 2018 - 16:48:34 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    SIXIR Bararka iyo Maceeshad Bararku Daawo ma leeyihiin ??!!. Qalinkii: Saxafi Madax- Banaan Qoraa: Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.

    SIXIR Bararka iyo Maceeshad Bararku Daawo ma leeyihiin ??!!. Qalinkii: Saxafi Madax- Banaan Qoraa: Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIXIR Bararka iyo Maceeshad Bararku Daawo ma leeyihiin ??!!. Qalinkii: Saxafi Madax- Banaan Qoraa: Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.

Sixir bararka sarifka iyo Maceeshadda xalka ugu wanaagsan ee lagaga bixi karaa waxa weeyaan

qodobadan soo socda:- 1. Bankiga Dawladda oo loo magacaabo Gudoomiyeiyo Agaasime guud oo Ehlu

Cibaado ah kana fog Tuugadda iyo Balwadaha Maanka dooriya ee kala duwan sida qaadka,sigaarka,

qamriga, xashiishadda iyo zinada, 2. Gudoomiyaha iyo Agaasimaha la Magacaabay waxay meesha ka

saarayaan agaasime waaxeedyaddii hore u joogay si bankigu uu u noqdo bank ay ka hawlgalaan

Masuuliyiin Ehlu Cibaado ah oo ka fog balwadihii aan kor ku sheegay, 3-Xukuumaddu waa inay aamintaa

inay bankiga dhigato lacagta adag ee wadamadda Shisheeye inagu caawiyaan iyo wixii xakhal qalin ah,

 

4. Bankigu waa in loo sameeyo qayb sarif ah oo muwaadinkasta iyo ganacsade kastaa ay lacagta adag ka

sarifan karaan, lacagka Slsh loogu bedeli karo gacanta dambe, Sarifka bankiga ee gacanta horena uu

noqdo 7000 slsh, gacanta dambena 7200 slsh, Sariflayaashuna gacanta hore loo gooyo ama ay ku

sarifaan 7200 slsh, gacanta dambena 7500 slsh, Sariflaha qiimaha bankiga u hogaansami waaya lagala

noqdo ruqsadda sarifka, laguna xukumo sadex sano oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan

50,000,000 slsh, konton milyan slsh, una dhiganta 6944,44 usdollar lix kun sagaal boqol afartan afar dollar, afartan iyo afar

filis, 5. Ganacsatada, Muwaadiniinta wadanka ku sugan, qurbajooga , Xukuumadda madaxdooda iyo

hayadaha ajaanibku waa inay aamini karaan inay bankiga lacagahooda adag dhigan karaan, kana

samaystaan buug xisaabeed ama accoun book, 6. Bankigu waa inuu mushaharka M/wayne, M/wayne ku

xigeen, Golaha Wasiiradda, Golaha Barlamaanka, Golaha Garsoorka, uu ku siiyo mushaharooyinka Slsh,

7. Ganacsatadu waa inay Muwaadiniinta kaga iibiyaan Raashinka, Bagaashka, gawaadhida, guryaha,

guryaha kiradda lagu jiro, hotelada la seexdo ama laga cunteeyo, tigidhadda dayuuradaha , baasaboorka

iyo fiisayaasha ,Jagooyinka ama baloodhada wax lagu kala iibsado ama lagu kala kiraysto ay noqdaan

lacagta Somaliland, 8. Bankigu waa inuu shaqaale bankigi oo la aamini Karo dhigto Xawaaladaha

lacagaha adag lagu soo xawilo oo dadka biilayda ah biilkooda loogu bedelo slsh, 9. Ganacsataddu marka

ay doonayaan inay dibadaha wax ka soo iibsadaan waa inuu bankigu xidhiidh la leeyahay bankiyada

ganacsigeenu gaadho ama bankigu leeyahay kayd aad u wayn oo lacagta adagi ay taalo, ganacsaduhuna

aanu dhibaato kala kulmayn markuu dollar uu dibadda ugu safro uu doonayo, 10. Bankigu waa inuu ku

dhiirigeliyo kuna adkeeyo shirkadaha qaadka inuu lacagta itoobiyaanka ah ugu bedelo, 11. Bankigu waa

inuu ku dhiiri geliyo Wasaaradda Maaliyadda qaybaheeda kastamada iyo cashuuraha berriga inay

joojiyaan dollarka ay qaadaan una bedelaan slsh, 12. Bankigu waa inuu xareeyo lacagta shanta kun iyo

kunka shilin, wakhtiga loo baahdana la soo daayo, lacagta suuqa ka shaqaysaana ay noqoto shan boqol,

boqol, iyo konton shilin, 13. Bankigu waa inuu awood u leeyahay inuu dhiiri geliyo beeralayda oo uu

dhaqaale kabis beerahooda ah u samayn kara, wadankana ka mabnuuco khudrada, hadhuudhka,

galayda, digirta, digaaga iyo beedka dibadaha laga keeno si beeralayda loo dhiiri geliyo wadankuna isku

filaansho u gaadho,14. Bankigu waa inuu awood u leeyahay sidii loo dhiiri gelin lahaa xoolo dhaqatada

iyo kaluumaysatada loona qoondayn lahaa dhaqaale lagu kabo tacabka culus ee ay qaranka u hayaan,

15. Bankigu waa inuu awood u leeyahay inay shirkadaha E-dahab iyo Zaad lacagta ugu wayn ee la isu

xawili karaa ay noqoto 100 dollar, boqol dollar.

Shan iyo Tobankaas qodob haddii uu ka midho dhaliye M/waynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane

Muuse Biixi Cabdi oo uu noqdo M/wayne ku dhac leh, oo uu noqdo M/wayne go,aan leh, oo uu noqdo

M/wayne baahiyaha kala duwan iyo duruufaha ku gadaaman Shacabwaynaha Somaliland, Shaqaalaha

Dawliga, Shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay, Shaqaalaha Muwaadiniinteena u Shaqeeya

Hay’adaha Ajaanibka, Ciidamadda kala duwan ee Somaliland, Mudane M/wayne guul aad iyo aad u

Wayn ayey kuu noqonaysaa Wadan wuxuu horumar ku gaadhaa marka uu helo M/wayne garanaya

Inuu cod shacab ku soo baxay oo danta ganacsatadda ka hor marinaya danta Shacabwaynihiisa iyo

Ciidamadda Qaranka, wadankaasi wuxuu noqdaa wadan ka dhisan arrimaha asaasiga ah oo leh

Beero, Xoolo, Kaluumaysi , Ganacsi xawli ku socda iyo Ciidamo Awood leh oo aan la loodin Karin.


Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
WAREYSIYO