Monday April 23rd, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Maxad Ku Yaala Magaalada MUQDISHO Oo Soo Bandhigay Daraasad Laga Sameeyey Tahriibayaasha Soomaliyeed

0
Thursday April 12, 2018 - 16:45:55 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxad Ku Yaala Magaalada MUQDISHO Oo Soo Bandhigay Daraasad Laga Sameeyey Tahriibayaasha Soomaliyeed

    Maxad Ku Yaala Magaalada MUQDISHO Oo Soo Bandhigay Daraasad Laga Sameeyey Tahriibayaasha Soomaliyeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxad Ku Yaala Magaalada MUQDISHO Oo Soo Bandhigay Daraasad Laga Sameeyey Tahriibayaasha Soomaliyeed

Mahcadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage oo xaruntiisu tahay Muqdisho ayaa daraasad dhinacyo badan taabanaysa kasoo saaray tahriibka oo dhallinyarada Soomaaliyeed ku haya dhibaato ba’an.

Daraasadda Machadka ayaa lagu sheegay inay sabab u tahay tahriibka colaadaha, shaqo la’aanta iyo arrimo kale, waxaana uu machadku sheegay in colaaddii soo billaabatay sannadkii 1991-kiia ay dad badan oo Somali ah baday inay dad kala qoxooti ku noqdaan.

Sidoo kale, Machadka ayaa daraasaddiisa ku sheegay in goobaha ugu badan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka tahriibaan ay ka mid yihiin Somaliland iyo Puntland, isagoo xusay in Muqdisho iyo deegaannada Koonfurta ku yaalla ay aad ugu yar yihiin dadka tahriiba.

"Dadkii aan wax ka weydiinnay tahriibka ayaa waxay 68% noo sheegeen in tahriibku uu yahay mid ay ku badan yihiin ragga, halka dumarku ay ku yar yihiin, kuwaasoo ka tallaaba dalal badan dhibaatooyin badanna kala kulma,” ayaa lagu yiri daraasadda Heritage.

Mahcadka ayaa intaas ku daray in magaalooyinka ugu tahriibka yar ay tahay Kismaayo, halkaasoo la sheegay in dadka ka tahriiba ay aad u yar yihiin, marka loo eego magaalooyinka kale ee Muqdisho iyo Baydhabo.

Waddamada ugu badan ee Soomaalidu ay u tahriibaan ayuu machadku ku sheegay inay ka mid yihiin Koonfur Afrika iyo waddamo ku yaalla Yurub oo xilliyadii dambe aad uu u soo kordhayay u tahriibiddooda iyadoo lasii maro waddamo kale.

Dhanka kale, Machadka ayaa wrabixintiisa ku xusay in fududeynta tahriibka ay qayb weyn ku leeyihiin waaliddiinka oo ku bixaya lacago fara badan si ay caruurtooda u gaaraan wadamada Yurub ama kuwo kale ee dhaqaalaha leh.

"Tahriibka lagu tago waddamada waxaa ku baxda dhaqaale u dhexeeya 10,000 illaa 20,000 oo doollarka Mareykanka ah, waxaase jira dhibaatooyin kale oo ay la kulmaan dadka tahriiba sida inay gacanta u galaan kooxaha loogu yeero maga-fayaasha oo madax-furasho ka qaata,” ayaa warbixinta lagu yiri.

Machadka Heritage ayaa wuxuu sheegay in tahriibka uu leeyahay hal faa’iido oo ah in marka ay dhalliyaradaasi tagaan dalalka ay doonayaan ay qoysaskii ay tageen u soo diraan lacago badan, taasoo sanad walba lagu qiyaasay 1.4 bilyan sida warbixinta warbixinta lagu xusay.

 

Haddaba, Ka Akhriso Wabixinta uu Machadku Kaga Hadlay TAHRIIBKA lifaaqa PDF ka ah.












Waxaa faafiyay Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda, 2018, Muqdisho, Soomaaliya

Qoraaga: Mahad Waasuge waa cilmibaare ka tirsan Machadka Heritage

Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda waa xarun cilmi baaris oo madax bannaan,
dhexdhexaad ah, aan macaash doon aheyn oo fadhigeedu Muqdisho yahay.

Bogga hore: Doonni sidda tahriibayaal oo ku qallibantay xeebta Liibiya. Xuquuqda sawirka: @Reuters Xuquuqda © Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda Qoraalka waxaa lagu faafiyey hannaanka Oggolaanshaha Creative Commons Ganacsi iyo
macaash looma isticmaali karo https://creativecommons.org/licenses/by-nc-nd/3.0/

Kala soo bax qoraalka bogga www.heritageinstitute.org

Tusmo

Nuxurka Qoraalka ........................................................................................................................... 1
Hordhac........................................................................................................................................... 2
Habka Cilmibaarista Loo Sameeyey ................................................................................................ 4
Waxyaabaha xaddiday cilmibaarista........................................................................................... 6
Qeexitaanka Tahriibka .................................................................................................................... 7
Heerka uu Gaarsiisan Yahay Tahriibka............................................................................................ 7
Sababaha Keena Tahriibka.............................................................................................................. 9
Shaqo la’aan iyo Culeysyo Dhaqaale........................................................................................... 9
Sarraynta Qabiilka ................................................................................................................. 11
Daljoogta iyo Qurbajoogta .................................................................................................... 12
Shaqooyinka Qaar oo Laga Faano ......................................................................................... 14
Tayada Waxbarashada .............................................................................................................. 14
Tiknolojiyadda iyo Saameynta Dhalinyarada ............................................................................ 16
Amniga....................................................................................................................................... 18
Shabakado Dadka Tahriibiya ..................................................................................................... 19
Rajada oo Hooseysa iyo Maamullo Tabaryar............................................................................ 19
Sababo Kale ............................................................................................................................... 20
Dalalka Loo Tahriibo iyo Sida Lagu Gaaro..................................................................................... 20
Fududeynta iyo Kharashka............................................................................................................ 23
Caqabadaha Lala Kulmo Xilliga Tahriibka ..................................................................................... 26
Tahriibka Kadib ............................................................................................................................. 27
Waxtarka Qoysaska Laga Tahriibay .............................................................................................. 28
Fursadaha Yar ee Dalka Ka Jira ..................................................................................................... 29
Waxyaabaha Laga Gaabiyay.......................................................................................................... 31
Gunaanad...................................................................................................................................... 32
Talooyin tixgelin mudan................................................................................................................ 32

1

Nuxurka Qoraalka Mid kamid ah natiijada ka dhalatay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya waa barakaca baahsan ee Soomaalida. Tan iyo 1990-kii,
boqollaal kun oo muhaajiriin Soomaali ah ayaa tallaabtay xadka una cararay dalalka deriska, Afrika, Bariga Dhexe, Yurub, iyo
Waqooyiga Ameerika. Sanad kasta waxa ay Soomaalidu ugu safraan dalal kale farsamooyin kala duwan, oo uu ka mid
yahay tahriibka oo lagu fasiri karo safar qarda-jeex iyo qar-iska tuurnimana ay la socoto, iyaga oo sii dhex mara dalal badan
inkasta oo tirada tahriibka gasha sanadba sanadka kale uu ka duwan yahay. Dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan
ragga, ayaa nasiib darro, qeyb weyn ka ah safarkaas khatarta badan ee tahriibka. Xog uruurin laga sameeyay 2,685 qof, 31 wareysiyo qoto-dheer iyo 14 dood wadaag ayaan ka samaynay toddobo magaalo oo
kala ah Kismaayo, Baydhabo, Muqdisho,
Gaalkacyo (koonfurta), Beledweyne,
Boosaaso, iyo Burco. Cilmibaaristan waxa
aan ku ogaannay in sababta ugu weyn ee
keenta tahriibka ay tahay shaqo la’aanta
haysata dhalinyarada. Sababaha kale ee
tahriibka keena ee aan ku ogaannay
daraasaddan waxa kamid ah:
 Xaaladda dhaqaale oo liidata
 Waxbarashada oo aan tayeysneyn
 Saameynta dhalinyarada kale
 Amni xumida ka jirta qaybo kamid
ah dalka
 Shabakado wax tahriibiya oo
abaabulan

 Iyo rajo xumo ka dhalatay
maamullada heer qaran iyo heer
gobol oo itaalkoodu yar yahay
Dadka aan waraysannay, in ka badan kala
bar (68 boqolkiiba), ayaa ku jawaabtay in
tahriibku aad ugu badan yahay (34
boqolkiiba) ama ku badan yahay (34
boqolkiiba) magaalooyinkooda. Yurub ayaa
ah meelaha loogu tahriibka badan yahay. In
ka badan kala bar (54 boqolkiiba) dadka xog
uruurintan laga sameeyay ayaa sheegay in
xubno ka tirsan qoyskooda ay u tahriibeen
Yurub. Magaalada Baydhabo waxaa saddex
meelood meel (32 boqolkiiba) dadku
sheegeen in xubno qoyskooda ah ay u
tahriibeen Sacuudiga sababtoo ah – sida uu
inoo sheegay qof kaqayb galay dood
wadaag – "lacagta lagu tago way yar tahay,
khatarteedu aad uma sarreyso, muddo yar
ayaana lagu gaari karaa.” Dhalinyaro badan
oo Beledweyne, Muqdisho iyo Kismaayo ka
tahriiba ayaa u safra Koonfur Afrika iyo dalal
kale oo Afrika ku yaalla, iyada oo uu
Mareykanku yahay hiigsigooda ugu
danbeeya. Cilmibaarista waxa ay sidoo kale
ogaatay in dadka tahriiba ay u badan yihiin
rag. Joqraafi ahaan magaalooyinka halka ay
ku yaallaan ayaa saameyn xooggan ku leh
meelaha laga tahriibo iyo dalalka lasii maro.
Shabakado wax-tahriibiya oo dalka iyo
dibaddaba jooga ayaa fududeeya tahriibka,
balse waalidiinta iyo qoysasku waxa ay qeyb
ka qaataan bixinta kharashka ku baxa
tahriibka oo ay ku jirto madaxfurasho. Si loo
gaaro Yurub iyo Mareyykanka, waxa ay u
baahan tahay maalgelin culus. Inta badan
dadkii aan wareysannay waxa ay qiyaaseen

2
in tahriibka Yurub uu u baahan yahay lacag
u dhexeysa US$10,000 ilaa US$20,000.
Kaddib marka ay tahriibayaasha Soomaalidu
gaaraan Liibiya ama Yemen, dallaaleyda
fududaysa tahriibka ayaa lasoo xiriira
waalidiinta waxa ayna ka dalbadaan madax
furasho. Waalidiin badan ayaa iibiya
hantidooda ama lacago kasoo uruuriya
qoyskooda, qaraabada iyo saaxiibbada.
Magafe (tahriibiyaha madaxfurashada
qaata) lacagtiisa ma ahan mid laga
gorgortamo.
Halka natiijo ee wanaagsan ee tahriibka
guuleysta uu leeyahay waa in qoyska lacago
loo soo diro. Qurbajoog badan oo ay ku
jiraan tahriibayaal ayaa si joogto ah lacago
ugu soo dira qoysaskooda dalka ku nool,
waxaana lacagahaasi sanadkii ay gaarayaan

ilaa US$1.4 bilyan. Maaddaama dibad-
aadiddu faa’idadan leedahay, dhalinyaro

badan oo Soomaali ah ayaa tahriiba ama
qorsheynaya in ay tahriibaan.
Fursadaha yaalla dalka oo yar iyo nolosha
wanaagsan oo laga filayo in ay suuragal ka
tahay dibadda haddii la safro, ayaa ku
dhiirri-gelineysa dhallinyarada
Soomaaliyeed in ay qaataan go’aanka
tahriibka. Dadaallada lagu yareynayo
tahriibka ayaa ah kuwo aan muuqan.
Cilmibaaristan waxa ay ku talinaysaa in la
abuuro fursado shaqo iyo waxbarasho,
wacyigelin, hagaajinta amniga, xoojinta
ilaalada xuduudaha, tayeynta hay’adaha
dowladda, iyo abuurista jawi nololeed oo
wanaagsan. Dadaalladan oo isbiirsaday
waxa ay yareyn karaan tahriibka
dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hordhac
Kadib markii ay Soomaaliya xornimada ka
qaadatay Talyaaniga iyo Ingiriiska,
dowladdii ugu horreysay oo ay ku
midoobeen gobolladdii waqooyi iyo koonfur
ayaa la dhisay bishii Juulaay sanadkii 1960-
kii. Dowladihii rayidka ahaa ee talada
qabtay waxa ay wajaheen caqabado badan
oo ay kamid ahaayeen kuwo siyaasadeed,
dhaqaale, aqoon yari, iyo musuqmaasuq.
Muddo ka yar toban sano kaddib
xornimadii, waxaa la dilay Madaxweyne
Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Ciidamo
militari ah ayaana taladii inqilaab kula
wareegay sanadkii 1969-kii.
Bilowgii hore waxa uu militariga horumarro
wanaagsan ka sameeyay qeybo kala duwan
oo ay kamid ahaayeen ololihii baahsanaa ee
kor loogu qaadayay barashada akhriska iyo
qoraalka Af Soomaaliga iyo dhisidda
kaabayaasha dalka. sikastaba ha ahaatee,
doonidda hogaamiyayaasha Soomaalida ee
ahaa in ay mideeyaan dhammaan
deegaannada Soomaalidu degto ee Geeska
Afrika waxa ay keentay in uu qarxo dagaalkii
Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray
sanadkii 1977-dii. Ciidamada Soomaaliya
waa laga guuleystay kaddib markii Midowgii
Soofiyeeti uu la saftay Itoobiya. Dagaalkan
waxa ka dhashay in qaxooti badan kasoo
qaxaan deegaanka Soomaalidu degto ee
Itoobiya una soo hayaamaan Soomaaliya.
1


1
Joakim Gundel, "The Migration-Development
Nexus: Somalia Case Study”, Centre for Development
Research, Copenhagen, Denmark, International
Migration Vol. 40 (5) (2002): 257-264.

3
Guuldarradan waxa ay noqotay billowgii
burburka hay’adaha dowliga ah ee
Soomaaliya sanadihii 1980-aadkii.
Bartamihii sanadkii 1988-dii, dhaqdhaqaaqii
la magic baxay Dhaqdhaqaaqa Wadaniga ee
Soomaaliya (SNM) ayaa duullaan ku qaaday
taliska xukuumaddii Siyaad Barre ee
magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Jawaabta dowladdii militariga waxa ay
noqotay burburinta Hargeysa iyo dilka
kumannaan muwaadin. Duqeyntaasi waxa
ay sababtay in ka badan 600,000 oo
Soomaali ah in ay u qaxaan Itoobiya.
2
Bishii
Janaayo ee sanadkii 1991, jabhadda USC
ayaa Muqdisho la wareegtay xukunkii
militariga ahaana tuurtay.
Dagaalladdii sokeeye iyo dowladdii dhexe
oo meesha ka baxday waxa ka dhashay in
xaaladda Soomaaliya sii xumaato.
Dagaalladii qaraaraa ee u dhexeeyay
beelihii dagaallamayay waxa ay sababeen
dhimashada dad badan, burbur, iyo barakac
aad u baahsan. Boqollaal kun oo Soomaali
ah ayaa ku khasbanaaday in ay naftooda la
cararaan, dalalka deriska ahna qaxooti ku
noqdaan. Soomaali badan ayaa safarkooda
sii watay una hayaamay dalalka Afrika,
Bariga Dhexe, Yurub iyo Waqooyiga
Ameerika. Inkastoo qulqulka Soomaalida
sanadba sanadka kale ka duwanaa, haddana
sanad kasta Soomaali ayaa u tahriibta
dunida inteeda kale.
Tahriibka waxa ugu badan dhalinyaro.
Sababaha ugu weyn ee ku xambaara
dhalinyarada in ay tahriibaan ayaa ah

2
Ibid.

arrimo amni, colaado, dhaqaale xumi iyo
arrimo bulsho. Inkastoo xaalad amni oo
laysku halleyn karo ay ka jirto deegaanno ay
ka mid yihiin Soomaaliland iyo Puntland,
haddana saboolnimo baahsan ayaa ka jirta,
fursadaha waxbarasho iyo shaqo oo
markoodii horeba yaraanna, si cadaalad ah
looma wada helo. Shaqo iyo fursad la’aanta
waa dhibaatooyin guud ee ka jira miyiga iyo
magaalooyinka. Taasna waxaa ka dhashay
kooxo abaabulan oo tahriibiya dadka iyo

shabakado fududeeya islamarkaana dhiirri-
geliya tahriibka dhalinyarada.

Balse nasiib darro, qaar badan oo
dhalinyaradaasi kamid ah, ma gaaraan halkii
ay doonayeen, inta badanna waxa ay u
dhintaan baahi iyo harraad ama doomaha
ay ku tahriibaan ayaa kula quusa Badda
Mediterranean, Khaliijka Cadan ama Badda
Madow. Yurub ayaa ah meesha ugu badan
ee loo tahriibo. Soomaalida qaar waxa ay u
tahriibaan Mareykanka iyaga oo sii mara
dalalka Latin America, islamarkaana
isticmaalaya waddooyin kala duwan oo ay
kusii dhex maraan dalalkaasi. Si lamid ah
tahriibayaasha kale, tahriibayaasha
Soomaalida waxa ay wajahaan jirdil, kufsi,
dhac, iyo xabsi aan sharci ahayn. Inta badan
kooxo abaabulan ayaa afduubta
tahriibayaasha kuwaas oo madaxfurasho ka
dalbada qoysaskooda.
Doodo iyo wacyigelinno ku aaddan kaalinta
dhalinyarada ee arrimaha bulshada,
dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa kusoo
kordhayay Soomaaliya. Sidoo kale,
qurbajoogta soo laabanaysa ayaa ka qeyb
qaadanaya howlaha hay’adaha dowladda

4
iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Balse
dib-usoo-celinta qaxootiga Soomaalida ee
Kenya iyo go’aanka dalkaas uu ku xirayo
Dhadhaab oo ah xerada qaxooti ee ugu
weyn dunida3

, iyo sidoo kale boqollaalka
Soomaalida ah ee lagasoo celinayo
Mareykanka, waxa ay sii kordhin kartaa
shaqo la’aanta iyo tahriibka.
Inkastoo dib-usoo-celinta Soomaalida ay
culeys tahay, haddana qurbajoogta soo
laabaneysa, dadaallada dowlad-dhisidda iyo
xasilinta, maalgashiga ganacsiga oo si
tartiib-tartiib ah u kobcaya, iyo helitaanka
adeegyada waxbarasho iyo caafimaad oo
soo hagaagaya ayaa ah ifafaalooyin
wanaagsan oo yareyn kara tahriibka
baahsan ee dhalinyarada.
Iyada oo la eegayo waxyaabahan, waxa aan
bilownay cilmibaaristan iyadoo ay
ujeedadeennu tahay in aan fahamno
caqabadaha dhaqaale iyo amni oo ay
wajahayaan dhalinyada Soomaaliyeed ee
tahriibaya. Waxa aan sameynay
cilmibaaristan si aan sharraxaad uga bixinno
sababa keena tahriibka Soomaaliya, sidoo
kalena usoo jeedinno talooyin waxtar u leh
siyaasadaha iyo mashaariicda lagu xallinayo
tahriibka.


3
BBC (2015), "Kenya's Deputy President William
Ruto has called on the United Nations to close the
Dadaab refugee camp and relocate more than
500,000 Somalis”, 11 April. Available at:
http://www.bbc.com/news/world-africa-32269944

Habka Cilmibaarista Loo
Sameeyey
Cilmibaaristan waxa ay baaritaan ku
sameysay tahriibka Soomaaliya. Diiradda
waxa la saaray fahamka sababaha ugu
waaweyn ee ku xambaara dhalinyarada
Soomaaliyeed in ay tahriibaan iyo sidoo kale
sida tahriibka loo fududeeyo, natiijada ka
dhalata iyo tallaabooyinka ay tahay in la
qaado si loola tacaalo sababaha keena
tahriibka.
Cilmibaarista waxa laga sameeyay toddobo
magaalo oo joqraafi ahaan meelo kala
duwan ku yaalla shacab badanna ku nool
yihiin kuwaasoo kala ah Kismaayo,
Baydhabo, Muqdisho, Gaalkacyo
(koonfurta), Beledweyne, Boosaaso, iyo
Burco. Magaalooyinkan waxa ay hoos
tagaan maamullo kala duwan oo kala ah
Puntland, Galmudug, HirShabeelle,
Maamulka Gobolka Benaadir, Koonfur
Galbeed, Jubaland iyo Burco ee hoos tagta
jamhuuriyadda iskeed isku magacowday ee
Soomaaliland. Cilmibaarayaasha Machadka
Heritage ayaa u safray magaalooyinkan
waxa ayna soo uruuriyeen xogta muddadii u
dhexeysay 22 Juulaay iyo 25 Oktoobar
sanadkii 2016. Cilmibaarayaasha waxa ay
isticmaaleen hab isku dhafan: xog uruurin,
wareysiyo dad xog-ogaal ah, dood wadaag

koox kaqeyb gashay, iyo darsidda cilmi-
baarisyada laga qoray arrimaha tahriibka.

Magaalooyinka ka baxsan Muqdisho,
Machadka Heritage waxa uu la kaashaday
lix jaamacadood iyo machad cilmibaaris

5
kuwaas oo kala ah: Jaamacadda Kismaayo
ee ku taalla Kismaayo, Jaamacadda
Koonfurta Soomaaliya ee ku taalla
Baydhabo, Jaamacadda Gaalkacyo ee ku
taalla koonfurta Gaalkacyo, Jaamacadda
Boosaaso ee ku taalla Boosaaso,
Jaamacadda Hiiraan ee ku taalla
Beledweyne, iyo Xarunta Latalinta iyo
Cilmibaarista ee fadhigeedu yahay Burco.
Jaamacadahan waxa ay soo xuleen
cilmibaarayaasha xog uruurinta
dadweynaha sameeyay, waxa ayna
casumeen dadka xog-ogaalka ah ee aan
wareysannay iyo dadka kale ee ka qeyb
qaatay dood wadaagga.

Ilaa 31 wareysi ayaa lala yeeshay dad xog-
ogaal ah ee ku kala nool toddobada

magaalo. Wareysiyada waxaa qeyb ka ahaa
dhalinyaro horey u tahriibtay ama uu tahriib
ka fashilmay, waaliddiin, mas’uuliyiin heer
federaal iyo heer maamul goboleed,

ganacsato iyo hay’adaha aan macaash-
doonka ahayn ee ka shaqeeya arrimaha

dhalinyarada. Sidoo kale 14 dood- wadaag
ayaa la sameeyay. Labo dood wadaag ayaa
laga sameeyay magaalo kasta. Magaalo
kasta, dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar

ayaa lagu casuumay mid kamid ah dood-
wadaagyada, waxa ayna ka hadleen

aragtiyadooda ku aaddan tahriibka.
Ganacsato iyo hay’ado, maamullada
degaanada, waaliddiin iyo aqoonyahanno
ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay dood
wadaag kale ee lagu faaqidayay fursadaha
shaqo iyo waxbarasho ee ka jira
magaalooyinka, kaalinta waalidiinta, iyo
siyaabaha loo xallin karo tahriibka. Guud

ahaan 125 qof ayaa ka qayb qaadatay
wareysiyada iyo dood wadaagyada.
Cilmibaarayaasha Machadka Heritage ayaa
sameeyay dhammaan wareysiyada, waxa

ayna sidoo kale xiriiriyeen dood-
wadaagyada.

Dad gaaraya ilaa 2,685 qofood ayaa sidoo
kale aragti uruurin laga sameeyay
toddobada magaalo; 516 waxa ay ku
sugnaayeen Muqdisho; 360 waxa ay
joogeen Kismaayo; 363 waxa ay
deggenaayeen Baydhabo; 362 waxa ay ku
noolaayeen koonfurta Gaalkacyo; 361 waxa
ay ahaayeen reer Boosaaso; 360 waxa ay
joogeen Burco; 363-na Beledweyne ayay ku
sugnaayeen. Ilaa afartan iyo labo
cilmibaarayaal la tababaray ayaa soo
wareystay dadka iyaga oo isticmaalaya
qalab elektroonik ah, waxa ayna xog
uruurinta ka socotay magaalo kasta saddex
maalmood oo xiriir ah marka laga reebo
Muqdisho oo afar maalin oo xiriir ah ay
daraasadda wadeen cilmibaarayaashu.
Inta ay socotay xog uruurinta,
magaalooyinka waxa loo qeybiyay xaafado,
cilmibaarayaashana waxa loo diray in ay
xaafado gaar ah xog uruurinta ka
sameeyaan maalin waliba, iyada oo ay
kormeerayeen cilmibaarayaasha Machadka
Heritage. Dadka aragti uruurinta lala
sameynayay waxa loosoo xulayay si nasiib
ah, hal qof oo ay da’diisu ka weyn tahay 18
sano ayaa laga wareysanayay shantii guriba.
Muqdisho waa ay ka duwaneyd. Maadaama
gobolka Benaadir uu ka kooban yahay 17
degmo, xog uruurinta waxa laga sameeyay
dhammaan degmooyinka. Mid kamid afarta

6
waax ee degmo kasta leedahay ayaa si
nasiib ah loo doortay, 30 qof oo deegaanka
ah ayaana waaxdaas laga wareystay.
In ka badan kala bar (59 boqolkooba) dadka
noo jawaabay waxa ay ahaayeen rag, halka
41 boqolkiiba ay ahaayeen dumar. In ka
badan afar meelood saddex meel dadka la
wareystay (82 boqolkiiba) waxa ay
da’dooda ka hooseysay 45 sano; 47
boqolkiiba waxa ay da’dooda u dhexeysay
18 ilaa 30 sano; 35 boqolkiiba waxa ay
da’dooda u dhexeysay 31 ilaa 45 sano; 15
boqolkiiba waxa ay da’dooda u dhexeysay
46 ilaa 60 sano; 3 boqolkiiba ayaa da’doodu
ka weyneyd 61 sano.
Marka la eego dhinaca waxbarashada, 26.9
boqolkiiba dadka aan xog uruurinta ka
sameynay ma soo marin nidaam
waxbarasho oo rasmi ah. Tiro wax yar ka
badan kala bar (51.5 boqolkiiba) ayaa
dhigatay iskuul hoose ilaa dhexe (22.9
boqolkiiba) halka 28.6 boqolkiiba ay
dhigteen iskuul sare. Sidoo kale 21.6
boqolkiiba ayaa dhigatay jaamacad. Inta
badan dadka noo jawaabay (36 boqolkiiba)
waxa ay ahaayeen shaqo la’aan, halka 15
boqolkiiba ay ka shaqeynayeen ganacsiyada
gaarka loo leeyahay. 17% waxa ay ahaayeen
arday. Tiro isla eg oo ah 9% ayaa la
shaqeynayay dowladda iyo hay’adaha aan
macaash-doonka ahayn, halka 14 boqolkiiba
ay sheegeen in ay qabtaan shaqooyin aysan
tilmaamin nooca ay yihiin.

Waxyaabaha xaddiday cilmibaarista
Inkasta oo cilmibaaristan ay soo
bandhigeyso xog ballaaran ee habab kala

duwan sida aragti uruurin, wareysiyo qoto-
dheer iyo dood-wadaagyo lagusoo

uruuriyay, haddana waxa jira dhowr arrin
oo xaddideysa daraasaddan.
Kow, ma aanan awoodin in aan
daraasaddan ka sameyno 18-ka gobol ee
Soomaaliya. Daraasaddan waxa ay ku
koobneyd toddobo magaalo. Magaalooyin
kale oo aad muhiim u ah, islamarkaana
tahriibku ku badan yahay qeyb kama ahayn
sababo la xiriira wakhtiga la heystay oo
yaraa, iyo caqabado maaliyadeed iyo kuwo
amni awgood. Sidaas darteed, inkasta oo
cilmibaaristan ay faham waafi ah ka
bixineyso tahriibka Soomaaliya, natiijada
daraasaddan waxa ay ku kooban tahay
aragtiyada dadkii fikrad uruurinta laga
sameeyay, kuwa la wareystay iyo kuwa ka
qeyb qaatay dood wadaagyada la sameeyay
muddada aan kor kusoo xusnay mana ka
turjumeyso Soomaaliya oo dhan.
Tan labaad, aragti uruurinta waxa lagu
sameeyay taleefannada casriga ah. Inkasta
oo cilmibaarayaasha la siiyay tababar ku
filan ee la xiriira habka xog uruurinta loo
sameynayo, haddana isticmaalka
taleefannada si xog loo soo uruuriyo, waxa
ay ku cusbeyd qaar kamid ah
cilmibaarayaasha. Taasina waxa ka dhashay
in su’aalaha qaar aanan si buuxda looga
jawaabin.

7
Sidoo kale, jaamacadaha aan iskaashannay
ayaa soo xulay cilmibaarayaasha aan
tababarnay. Qaar kamid ah ma lahayn
khibrad hore ee la xiriirta in aragti uruurin
loo sameeyo cilmibaaris. Tanina waxa ay
saameyn ku yeelan kartaa tayada xogta
lasoo uruuriyay.
Ugu danbeyn, waxa aan cilmibaaristan
sameynay dabayaaqadii sanadkii 2016
taasoo micnaheedu yahay in xogta lasoo
ruuuriyay ay dib dhacday maadaama 2018
la daabacay.
Qeexitaanka Tahriibka
Hijrada ama socdaalka dibadda lagu aado
waxa lagu qeexaa in ay dad ka tagaan halkii
ay ku noolaayeen una hayaamaan meel kale
iyaga oo ay ujeedadoodu tahay in ay
deegaanka beddeshaan.

4 Qeexitaankan
waxa uu tilmaamayaa in dibad-u-dhoofka,
oo tahriibku ka mid yahay, uu leeyahay labo
sifo oo kala ah in xuduudda laga tallaabo iyo
in deegaanka la beddesho.
5


Sida aan horay u xusnay, tahriib waa eray
caan ah oo ay Soomaalidu aad u
isticmaasho. Waxa loo adeegsadaa safarka
dhallinyaradu ku dhoofto oo khatarta
badan, sida safarada ay ku doonaan in ay
Yurub gaaraan iyaga oo sii maraya meelo

4
Kyaing Kyaing Thet, "Pull and Push Factors of
Migration: A Case Study in the Urban Area of
Monywa Township, Myanmar”, World of Statistics,
P. 2.
5
Pieter Kok, "The Definition of Migration and Its
Application: Making Sense of Recent South African
Census and Survey Data”, South Africa Journal of
Demography, 7 (1) (1999): P. 19.

kale sida Itoobiya, Suudaan, iyo Liibiya 6
ama kuwa u tahriibka Sacuudiga iyo
Koonfurta Afrika iyada oo ay maraan Badda
Cas iyo dalal Afrikaan ah. Sidaas si ka
duwan, tahriibka dhinaca cirka ah ee
dukumintiyo iyo warqado safar la isticmaalo
waxa inta badan loo yaqaannaa dhoof.
7
Warbixintan waxa ay erayga tahriib u
isticmaalaysaa dhammaan hababka kala
duwan ee sharci darrada ah ee la
adeegsado si Soomaaliya looga safro loona
gaaro dalal kale. Dhammaan noocyada
tahriibka, sida loo fududeeyo, sababaha
keena, natiijada ka dhalata, iyo siyaabaha
loo xallin karo ayaa la faaqiday.
Heerka uu Gaarsiisan Yahay
Tahriibka
Si loo fahmo aragtida dadka xog uruurinta
laga sameeyay ee ku aaddan heerka uu
gaarsiisan yahay tahriibku, dadka la
wareystay waxa la weydiiyay in tahriibku uu
ku badan yahay ama ku yar yahay
magaaladooda marka la barbar dhigo
magaalooyinka kale. In ka badan, kala bar
(68 boqolkiiba) ayaa ku jawaabtay in
tahriibku aad ugu sarreeyo
magaalooyinkooda, (34 boqolkiiba) ama uu
ku sarreeyo (34 boqolkiiba). Dhinaca kale,
32 boqolkiiba ayaa rumeysneyd in tahriibku
uu yar yahay (24 boqolkiiba) ama uu aad u
yar yahay (8 boqolkiiba). Tirada aadka u
badan ee ku jawaabtay in tahriibku sarreeyo

6
NiMo-Ilhan Ali, "Going on Tahriib: The causes and
consequences of Somali youth migration to Europe”,
Rift Valley Institute, 30 (9) (2016): P. 12-13.
7
Ibid.

8
waxa ay muujineysaa in dadaallada
nabadeynta, dowlad dhisidda iyo
horumarinta aanay ku guuleysanin yareynta
tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Iyada oo uu tahriibku sidaasi u sarreeyo,
haddana uma saameeyo gobollada
Soomaalida si iskumid ah. Magaalooyinka
Beledweyne, Burco iyo Boosaaso ayaa ahaa
magaalooyinka ay ku noolaayeen dadka ugu
badan ee ku jawaabay in tahriibku aad u
sarreeyo. Wareysiyada iyo dood
wadaagyada aan ka sameynay Burco,
Beledweyne iyo Boosaaso waxa ay
waafaqsanaayeen natiijada xog uruurinta.
Inkasta oo nabad la isku halleyn karo ay ka
jirto Soomaaliland iyo Puntland, dadka aan
wareysannay waxa ay sheegeen in tahriibku
aad ugu badan yahay.
Magaalooyinka Baydhabo, Muqdisho,
Gaalkacyo iyo Kismaayo waxa ay dadka aan
wareysannay rumeysnaayeen in tahriibka
aanu magaalooyinkooda ku badneyn
inkasta oo ay magaalooyinkan ku yaallaan
deegaanno aanu ammaankoodu fiicneyn.
Dad badan waxa ay aaminsan yihiin in

magaalada Muqdisho tahay halka loogu
tahriibka badan yahay. Balse heerka
tahriibka Muqdisho waxa uu ka yaraa
magaalooyin ku yaalla Soomaaliland iyo
Puntland sida ay natiijada cilmibaarista
muujineyso. Magaalada Kismaayo waxa ay
dad badan ee aan ka wareysannay
muujiyeen in tahriibku aanu caqabad
muuqato ka ahayn magaalada.
Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo
waxa kasoo baxday natiijo isku dhafan.
Inkastoo ay dhalinyaro badan ka tahriibeen,
haddana tahriibku kama ahayn caqabad
weyn. Natiijadan waxa ay burineysaaa
arigtida ah in amni xumidu tahay sababta
ugu weyn ee Soomaaliya looga tahriibo.
Dadka aan ka wareysannay Beledweyne
ayaa ahaa kuwa kaliya ee sheegay in amni
darradu ahayd sababta ugu weyn oo ay u
tahriibaan.
Natiijo kale oo xiiso badan waxa ay kasoo
baxday su’aal ahayd in xubno kamid ah
qoysaska dadka cilmibaaristan lagu
wareystay ay tahriibeen. In ka badan kala
bar (55 boqolkiiba) dadka aan xog uruurinta
ka sameynay waxa ay sheegeen in
qoyskooda qof kamid ah uu tahriibay. 45
boqolkiiba xubin qoyskooda kamid ah ma
tahriibin. Magaalooyinka Beledweyne iyo
Burco ayaa ahaa kuwa ugu badan dadka aan
wareysannay oo ay xubnaha qoyskooda
horey u tahriibeen. Dadka aan ka
wareysannay Baydhabo, Muqdisho,
Boosaaso, Gaalkacyo, iyo Kismaayo waxa
sidoo kale waxa ku jiray dad xubno
qoyskooda kamid ah tahriibeen.

9
Wiilasha ayaa laba jibbaar ka badnaa
hablaha tahriiba. Tiro aad u badan (72
boqolkiiba) tahriibayaasha qoysaska dadka
aan wareysannay waxa ay ahaayeen wiilal.
28 boqolkiiba ayaa sidoo kale ahaa gabdho.
Tani waa mid la fahmi karo marka la eego
khatarta iyo duruufaha ku xeeran tahriibka.
Magaalada Burco ayaa ahayd magaalada
dumarka ugu badan ka tahriibeen marka la
barbar dhigo magaalooyinka kale, balse wali
ragga ka tahriiba Burco ayaa ka badnaa
dumarka. Arrinkan waxa lagu fasiri karaa in
ay calaamad u tahay sida dhalinyarada, rag
iyo dumarba, rajo beel u yihiin iyo fursad
yarida ka jirta magaalada.
Sababaha Keena Tahriibka
Waxaa jira dhowr arrimood oo sabab u ah
tahriibka Soomaalida. Waxa kamid ah
arrimo dhaqaale, kuwo siyaasadeed iyo
kuwo bulsho. Natiijada cilmibaaristan waxa
ay muujineysaa in sababaha keena tahriibka
ay ka mid yihiin shaqo la’aan iyo
dhibaatooyin dhaqaale, waxbarashada oo
ay tayadeedu liidato, aaladaha
tiknoolojiyadda oo isticmaalkooda batay iyo

saameynta (hiyi-kicinta) saaxiibbada, amni-
darada, shabakado dadka tahriibiya oo xoog

leh, iyo rajo xumo laga qabo maamullada
dalka. Waxyaabaha kale ee ku xambaara
Soomaalida in ay tahriibaan waxa kamid ah
wacyigelin ku filan ee la xiriirta khatarta
tahriibka oo aan jirin, heyb sooc, iyo xarumo
madadaallo oo aanan jirin.

Shaqo la’aan iyo Culeysyo Dhaqaale
Markii la weydiiyay sababaha ugu waaweyn
ee keena tahriibka, tiro aad u badan (69
boqolkiiba) ayaa ku jawaabay fursad la’aan
iyo dhaqaalo xumo, kuwaas oo u sii kala
baxayey, 48 boqolkiiba tilmaamay shaqo
la’aan iyo 21 boqolkiiba farta ku fiiqay
dhaqaale xumo. 31 boqolkiiba ayaa sidoo
kale sababaha tahriibka ku qeexay amni
darro, waxbarasho tayo leh oo aan jirin, iyo
saameynta dhalinyarada kale. Natiijooyinka
cilmibaaristan waxa ay muujinayaan
baahida loo qabo fursado in la abuuro.
Dadka ku jawaabay in shaqo la’aantu ay
tahay sababta ugu weyn ee loo tahriibo,
magaalooyinka Muqdisho (21 boqolkiiba),
Burco (20 boqolkiiba) iyo Boosaaso (18
boqolkiiba) ayaa ugu sarreeyay marka la
barbar dhigo magaalooyinka kale sida
Gaalkacyo (13 boqolkiiba), Baydhabo (13
boqolkiiba), Kismaayo (8 boqolkiiba) iyo
Beledweyne (7 boqolkiiba). Natiijadan
waxaa lagala soo dhex bixi karaa in sababta
ugu weyn ee looga tahriibo Soomaaliland
iyo Puntland, oo iyagu heysta amni ka fiican
magaalooyinka ku yaalla koonfurta, in ay
tahay fursadaha shaqo oo ku yar
dhalinyarada.
Intaas waxaa dheer, tahriibayaal badan
ayaa kasoo jeeda qoysas sabool ah, waxa
ayna u tahriibaan si ay u caawiyaan
qoysaskooda. Si nolol meel-dhexaad ah ay
ugu noolaadaan, waalidiinta qaar ayaa ku
fikira in tahriibku dhaqaale ahaan u
wanaagsan yahay qoyska. Maadaama shaqo
la’aantu badan tahay, dhaqaale xumina ay

10
jirto, mid kamid ah ka qeyb galayaasha
dood-wadaag ayaa ku dooday in
dhalinyaradu ay door bidayaan in ay badda
ama saxaraha ku dhintaan si ay u gaaraan
Yurub intii ay guryaha iska fadhin lahaayeen
iyagoo camal la’aan ah. Qoysaska qaar ma
awoodaan in ay lacagta iskuulka lagu dhigto
ka bixiyaan caruurtooda. Sidaas darteed,
dhalinyaro badan ayaa aaminsan in
tahriibku yahay qaab ay qoysaskooda
dhibaatooyinka dhaqaale uga saari karaan.
Wiil dhalinyaro ah ee aan ku wareysannay
Gaalkacyo ayaa sharraxaad ka bixiyay
sababta uu rabay in uu u tahriibo. Waxaa uu
yiri, "waxa aan isku dayay in aan tahriibo,
sababtoo ah waxa aan rabay in aan caawiyo
nafteyda iyo qoyskeyga.”
Shaqada iyo in qoysasku ay helaan nolol
maalmeed, waa ay isku xiran yihiin. Tusaale
ahaan, haddii qoys ka kooban shan qof uu
hal qof kaliya ka shaqeeyo, inta kale ee
qoyska waxa ay dareemayaan cadaadis
badan maaddaama dhammaantood ay ku
tiirsan yihiin hal qof oo shaqeeya. Haddii
labo ama saddex qof qoyskaasi u
shaqeyneyso, cadaadiska wuu yar yahay.
Sidaas darteed, shaqo abuurka waxa uu
keenayaa in ay nolol fiican ku noolaadaan
qoysaska. Inkastoo dowladda dhexe iyo
maamullada dalka aanay fursad shaqo u
abuuri karin dhammaan muwaadiniinta
Soomaaliyeed, haddana si loo yareeyo
tahriibka sii kordhaya waxa lagama
maarmaan ah in fursado loo abuuro
dhalinyarada.
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee
sanadkii 1991, shaqo la’aanta aad ayay u

sarreysay. Sida lagu xusay Halbeegga
Horumarka Bini’aadamka ee Barnaamijka
Horumarinta Qaramada Midoobay ee la
daabacay sanadkii 2012, boqolkiiba
67dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay
da’doodu u dhexeyso 14 ilaa 29 sano waxa
ay ahaayeen shaqo la’aan. "Dumarka ayaa
shaqo la’aantoodu ahayd 74 boqolkiiba
waxa ayna ka sarreysay ragga oo ay shaqa
la’aantoodu ahayd 61 boqolkiiba.”8
Tanina
waxa ay micnaheedu tahay in Soomaaliya
ay tahay mid kamid ah dalalka ugu shaqo
la’aanta badan dunida. Dowladda,
hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo
ganacsatada waxa ay abuuraan fursado.
Balse fursadahan aad ayay u yar yihiin
marka la barbar dhigo tirada dadka shaqo
la’aanta ah.
Hal sabab ee ka qayb qaadanaya shaqo
la’aanta sii xumaaneysa, waa kororka
ardayda ka qalin jebineysa dugsiyada sare

iyo jaamacadaha kuna biiraya suuqa shaqa-
la’aanta iyo sidoo kale maamullada dalka oo

aanan hayn qorshe caawinaya
dhalinyaradan sidii ay shaqo u heli
lahaayeen.
Magaalada Burco, tusaale ahaan, waxa ay
inta badan dadkii aan ka wareysannay noo
sheegeen in tahriibku ku badan yahay Burco
marka la barbar dhigo Hargeysa, sababta oo
ah fursadaha yaalla Hargeysa ayaa ka
badan kuwa ka jira Burco. Sidaas oo kale,
fursadaha dhalinyarada dhameysay
jaamacadaha ee ku nool Boosaaso aad ayay

8
United Nations Development Programme (UNDP),
"Somalia Human Development Report: Empowering
Youth for Peace and Development”, (2012).

11
u yar yihiin. Mid kamid ah dhalinyarada
jaamacadaha dhameeyay ayaa cabbiray
xaaladda shaqo ee magaalada. Waxa uu yiri,
"waxaan arkay shirkad xayeysiisay lix shaqo.
In ka badan 500 tartame ayaa soo
codsaday. 178 qof ayaana noqdeen kuwa
laga soo xulay, si loo sii kala saaro.”
Sheekooyinkan oo kale waxa ay
muujinayaan sida shaqo la’aanta iyo fursad
yarida ay xiriir adag ula leeyihiin tahriibka
Soomaaliya.
Sida loo shaqaaleysiiyo shaqo doonka ayaa
sidoo kale ah mid wax badan ka khaldan
yihiin. Inta badan shaqooyinka dowladda,
hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo
ganacsiga si karti iyo aqoon ku salaysan
laguma bixiyo. Xulashada ku saleysan
qabiilka, oo ay wehliso in la doorbido
qurbajoogta, waxa ay u diideysaa
dhalinyarada gudaha wax ku baratay in ay
shaqo helaan. Soomaalida oo u arka
shaqooyinka qaar kuwo aan u qalmin ayaa
sidoo kale sii xumeysay, xaaladda shaqo
la’aanta.
Sarraynta Qabiilka
Tan iyo sanadkii 2000, awood qeybsiga
Soomaaliya waxa uu ku saleysnaa
halbeegga 4.5. Waa hannaan ay afar
beelood kuraasta baarlamaanka ka
helayaan saamiyo isla’eg, halka kala bar
tiradaasina ay helayaan beelo badan oo isku
dhafan. Nidaamkaas oo kale ayaa sidoo kale
loo qeybiyaa xubnaha golaha wasiirrada iyo
xafiisyada kale ee muhiimka ah. Marka la
eego heer federaal, nidaamkan waxa uu
saameeyay shaqaalaha rayidka ah. Waxana

ay tani keentay in dad badani u arkaan in
qaabka loo qoro shaqaalaha rayidka uu
yahay mid aan cadaalad ahayn, waana mid
kamid ah sababaha dhalinyarada qaarkood
fursado uga raadiyaan dibadda.
Qabiilka uu shaqo codsaduha ka dhashay
saamayn muhiim ah ayuu kuu leeyahay in
uu qofkaasi shaqo helo iyo in kale. Dad
badan ayaa aaminsan in beelaha lagu
abtirsado ay xiriir toos ah la leeyihiin in aad
shaqo ka hesho xafiisyada dowladda.
Shahaadooyin iyo aqoon oo aanay garab
socon qaraabo iyo beelo saameyn leh wax
micno ah ma lahan. Mid kamid ah ka
qeybgalayaasha dood-wadaag lagu qabtay
Burco ayaa waxa uu yiri waxa aad u baahan
tahay xildhibaan ama siyaasi saameyn leh si
aad shaqo u hesho. In qabiil dadka lagu
shaqaaleysiiyo waxa sidoo kale isticmaala
shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo
hayadaha aan macaashdoonka ahayn.
Aqoonta, shahaadada, iyo khibradda waxa
ay mararka qaar leeyihiin tixgelinta
hooseysa marka ay timaado shaqo qorista.
Masuuliyiin badan oo xafiisyo fadhiya, ayuu
mid kamid ah dadka la wareystay yiri, waxa
ay rumeysan yihiin in shaqo siinta
qaraabada ay tahay mas’uuliyad saaran.
Burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalladdi
beelaha ee xigay ayaa kaalin ka qaatay in
qabiil laysku shaqaaleysiiyo. Ganacsade ka
qeyb galay dood-wadaag lagu qabtay
Muqdisho ayaa sheegay in ganacsatadu
aanay qof kasta shaqo siin karin, waxa uuna
ku daray "in uu shaqaaleysiiyo Xasan oo ay
qaraabo yihiin ayaa hantidiisa badqabkeeda
uga fiican in uu shaqaaleysiiyo Cali oo ah

12
xirfad yaqaan.” Inkastoo xaaladdan aanay
sax ku ahayn ganacsi kasta, haddana waxa
ay muujineysaa kalsooni yarida lagu qabo
dadka ka dhashay beelaha kale. Run
ahaantii, ma jirin dib-u-heshiisiin dhab ah
oo la sameeyay tan iyo burburkii dowladdii
militariga, ganacsatadana waxa ay qabaan
walwal loo-qaateen ah.
Sikastaba ha noqotee, qaar badan oo aan
wareysannay ayaa rumeysnaa in haddii
fursadaha shaqada si cadaaad ah lagu
helayo, in tahriibku yaraan lahaa. Fursadaha
shaqo ee guud ahaan dalka waa ay yar
yihiin, maamul xumida fursadihii yaraa ee la
heli karayna waxa ay ku xabmaartay
dhalinyaro badan ee wax baratay in ay nolol
tan dalka dhaanta ka raadsadaan dalal kale.
Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay sidoo
kale cabasho ka muujiyeen itaal darrida
dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada
ee aan awoodin in ay isbeddel ku
sameeyaan shaqaalaha rayidka ah
islamarkaana shaqada ka ceyriyaan
shaqaalaha aanan imaanin xafiisyada.
Dadka aan ka wareysannay Muqdisho waxa
ay ku celceliyeen in loo baahan yahay in
shaqada laga ceyriyo shaqaalaha rayidka ee
ka shaqeeya meelaha kale, goobta
shaqadana u yimaada kaliya in ay mushaar
helaan warqadda xaadiritaankana saxiixaan.
Isbeddel dhinaca shaqaalaha rayidka waxa
uu fursad siin karaa dhalinyaro
aqoonyahanno ah. Laakiin in la beddelo
dhaqanka shaqaaleysiinta ee qabiilka ku
saleysan ayaa ah mid adag una baahan ku
dhiirasho siyaasadeed, sharciyo, hay’ado

maamul oo si wanaagsan u shaqeeya iyo
hoggaan.
Mudnaan siinta qabiilka ma ahan kaliya
dhibaatada dhinaca shaqada ka heysata
dhalinyarada Soomaaliyeed. Qurbajoogta
soo noqotay ayaa sidoo kale shaqooyinka
kula tartama kuna ciriirya dhalinyarada
dalka wax ku bartay.
Daljoogta iyo Qurbajoogta
Toddobadii sano ee lasoo dhaafay,
Soomaali badan ayaa dalka dib ugu soo
laabtay, kuwaas oo intooda badan ka yimid
Yurub iyo Mareykanka. Qurbajoogta soo
laabatay waxa ay sanadba sanadka ka
danbeeya si muuqata ugu biirayeen
laamaha dowladda iyo ganacsiga. Bishii
Oktoobar 2013, Wasaaradda Arrimaha
Dibadda Soomaaliya waxa ay sameysay
Waaxda Arrimaha Qurbajoogta.
9
Wakaaladda Qurbajoogta Soomaaliland
ayaa sanadkii 2010 laga yegleelay
Soomaaliland.

10 Sidoo kale Wasaaradda
Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee
Puntland waxa ay lahayd waaxda
qurbajoogta tan iyo sanadkii 2010.
11
Saameynta qurbajoogta Soomaaliya waxa
ay aad uga dhex muuqataa dowladda. Heer
federaal marka la eego, madaxweyne
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul
Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyo
Gudoomiyihii golaha shacabka, Maxamed

9 Maimuna Mohamud, "Diaspora Return to Somalia:
Perceptions and Implications”, Heritage Institute for
Policy Studies, Issue (7), June (2016).
10 Ibid.
11 Ibid.

13
Sheekh Cusmaan ‘Jawaari’ waxa ay kasoo
laabteen dalalka Mareykanka iyo Norway.
Sidoo kale 38 boqolkiiba xubnaha golaha
shacabka baarlamaanka ayaa ah qurbajoog
heysata laba jinsiyadood.

12 Inta badan
xubnaha golaha was
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
WAREYSIYO