Monday April 23rd, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Adduunka Waddamada Ugu Biyaha Yar: Qalinkii Abdirashid M. Jama Belel

0
Sunday April 15, 2018 - 17:58:26 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adduunka Waddamada Ugu Biyaha Yar: Qalinkii Abdirashid M. Jama Belel

    Adduunka Waddamada Ugu Biyaha Yar: Qalinkii Abdirashid M. Jama Belel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adduunka Waddamada Ugu Biyaha Yar: Qalinkii Abdirashid M. Jama Belel
Dalalka adduunka oo ay biyo-yaridu heysto waxaa ugu horreeya kuwa afrikaanka ah iyo guud ahaan kuwa kale ee soo koraya. Waddamada ku yaala
Bariga Dhexe iyo Wuqooyiga Afrika ayaa ah kuwo ay biyo-la’aantu aad u saameyso. Israa’iil iyo Jordan oo labadaba ku yaala Bariga Dhexe waxay ka mid yihiin waddamada ugu biyaha yar dunida. Arrintani waxa ay sababtay in israa’iiliyiintu ay dib u isticmaalaan
biyihii ay horey u cabbeen. Waddanka Jabuuti ee aynu jaarka nahay ma u malaynaysaa in uu noqday waddanka ugu biyaha yar adduunka. Biyaha ay isticmaalaan reer Jabuuti qaarkood waxay ka yimaadaan biyaha badda oo la macaaneeyey ama cusbada laga saaray, ayaga oo maalin walba soo saara 400 m3 oo biyo oo cusbada laga saaray. Kheyraadka biyaha ee Jabuuti waxaa lagu qiyaasay 10 milyan m 3 oo keliya, waxa kale oo xusid mudan in dhawaan Jabuuti uu waddanka Itoobiya ceelal uga ogolaaday in ay ka qotaan gudaha dalka Itoobiya. Qoraalka af-ingiriiska ah ee hoos ku qoran oo mardhaw la soo saaray waxa uu caddeynayaa in baadhis iyo saadaalin mardhaw la sameeyey ay sheegeyso in shanta waddan ee ugu soo horreysa ee tobanka sano ee soo socda ku biiri doona waddamaha ay biyola’aantu haysato ay shantooduba ku yaalaan qaaradda Afrika,
dhulka soomaalidu degtaana ku jiro waddamadaas. waxaa kaloo ka mid ah Kenya, Marooko, Ruwaanda iyo Koonfur-Afrika.


While the Middle East and North Africa are the regions most affected by water scarcity today, sub-Saharan Africa will be increasingly affected over the next half century, as its population doubles or even triples in size. Within the next ten years, all five countries projected to join the ranks of the water scarce are in Africa: Kenya, Morocco, Rwanda, Land of Somali People and South Africa. (Source: PAI & FAO) Namiibiya, Botuswaana iyo Burundi ayaa iyaguna ka mid ah dalalka ku yaala qaaradda Afrika oo ay biya yaridu haysato. Waddamada ku yaala bariga fog ee Aasiya ayaa ah
kuwa ay iyaguna biyo-la’aantu fara kulul ku hayso. Dalka Singabuur waxaa aad ugu yar biyaha, inkastoo dalkaasi ay xitaa ku yar yihiin kheyraadka kale ee dabiiciga ah. Dalalka Khaliijka (Sacuudi Carabiya, Qadar, Kuwait, Cumaan, Imaaraaadka iyo Baxreyn) iyo Yemen waxaa aad ugu yar kheyraadka biyaha macaan, waxayna arrintani ku qasabtay in ay biyaha dhanaan ee badda ay cusbada ka saaraan (desalination) si ay
u cabbaan.

Sacuudiga oo kaliya wuxuu maalin walba macaaneeyaa 3 milyan oo mitirkubo oo biyaha badda ah, ayada oo ay warshadda Al-Jubeyl kaligeed nadiifiso 1 milyan oo mitirkubo maalin walba. Cusbo ka saaridda biyaha badda (macaaneynta biyaha badda) waa howl qaali ah oo u baahan quwad koronto oo fara badan, balse nasiib wanaag dalalkaasi waxay leeyihiin shidaal ay u isticmaali karaan arrintaasi. Cusbo ka saaridda biyaha badda waa arrin aanan u fiicneyn degaanka.

Nasiib-darro dalalka dunida ee faqriga ka ah dhinacyada dhaqaalaha iyo warshadaha ayaa waxay, haddana faqri ka yihiin kheyraadka biyaha macaan, ayada oo ay ugu wacan tahay in dalalkaasi intooda badan ay ku yaala dhulalka ay cimiladoodu kulshahay oo ay roobabku ku yar yihiin.

Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
governance002@gmail.com
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
WAREYSIYO