Monday April 23rd, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO MARKII UGU HOREYSEY ERGO U DIRAY PUTLAAN MUXUUSE KA DOONAYAA ?

0
Monday April 16, 2018 - 08:21:28 in Maqaallo
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO MARKII UGU HOREYSEY ERGO U DIRAY PUTLAAN MUXUUSE KA DOONAYAA ?

    MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO MARKII UGU HOREYSEY ERGO U DIRAY PUTLAAN MUXUUSE KA DOONAYAA ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO MARKII UGU HOREYSEY ERGO U DIRAY PUTLAAN MUXUUSE KA DOONAYAA ?
Maqaalo badan oo aan hore usoo qoray ayaan soomaaliland ugu sheegay in meesha citiraafkooda laga haystaa tahay putlaan ee aanay ahayn muqdisho iyo dadka kursiga maqaarsaarka looga dhigo oo ah kuwo waxa ay qabanayaan hore loogusii sheego wax cusubna samayn karin , koonfurta soomaaliyana meesha siyaasadeeda laga hagaa ama laga kantaroolaa tahay butlaan isla markaana cidkasta oo xukunka dalka lasaarayo iyadu keenta marka laga reebo cabdirashiid cali sharmaarke oo kusoo galay siyaasada sifo aanay iyagu keenin ahna sababta kadanbaysey inqilaabkiisa iyo shiikh sharaaf oo isagu kumeelgaadh ahaan ku fuulay kursiga markii ladoonay in madaxweyne rasmi ah laga dhigana ay putlaan iyo wadamada lasocdaa si hawlyar kursiga uga hoos qaadeen .


Hadaba shirkii ugu horeeyey ee soomaaliya iyo soomaaliland kawada qayb galeen isla markaana lagu kala jaray labada dal , kadib markii meesha laga saaray waxay iskusoo ahaan jireen ee midnimo kusheegta ahayd laguna kala celiyey halkii ay lixdankii kala joogeen intaanay isu iman kahor hadahadalka loogu baaqaynayna loo tixgelinayo waxay ku heshiiyaan hadda waxay soosaaraan labada dal ee aan loo tixgelinayn waxay iskusoo ahaan jireen ayaa cabdirahmaan faroole oo madaxweyne ka ahaa butlaan goobtana fadhiyey ku dhawaaqay hadal siyaasadeed oo weji kale aadloogu qaatay kaasoo ahaa HADDII SOOMAALIYA IYO SOOMAALILAND WADAHADLAYAAN WAXAA WADA HADLAYA SOOMAALILAND IYO BUTLAAN OO WAXKA DHEXEEYAAN . hadalkaa oo ahaa mid siyaasadeed oo aad u qotodheer loona qaatay markiiba inuu sheegayo in laga wadahadlo dadka ay isku abtirsiinka yihiin ee soomaaliland ku nool aanse ahayn ayaan cidina meeshii ka qaadin soomaaliland oo u arkaysey inay haysto madixii soomaaliya inkastuu la dadaaley laftiisu hadana siyaasada afaf badan inloo sameeyo ayayku fiican tahay oo haddii mid fashilmo ama laba fashilanto aanay kuwa kale fishilmi doonin . Hadaba hadaan tafsiil ka bixiyo hadalka faroole ayaa u dhacaayey in soomaaliland iyo putlaan oo kala xukuma soomaaliya iyo soomaaliland ay wadahadlaan si ay ugu heshiiyaan in soomaalilandna xornimadeeda loosiiyo faragelintana looga daayo butlaan ahaan ee gudaha soomaaliland iyo in aanay soomaaliland wax faragelin ah ku samaynin koonfurta soomaaliya iyo dadka ayku shuqaynayso ee usoo horkacaya wadanada aan dhulkooda looga baahnayn siyaasad ahaan ee iyaga salaanka loogasoo dhiganaayo .

Hadaba arinkaasu maaha mid waxka suurto galeen inkastuu ahaa midkii ugu dhowaa ee soomaaliland citiraafkeeda ku heli lahayd danteeduna ugu qabsoomi lahayd maantana citiraaf la,aan aanay kusoo gaadheen . Hadaba caleemasaar isimeed oo siyaasadaysnaa laguna qabtay butlaan hadda ayaa waxaa ka qayb galay kana hadlay boqor aw maxamuud buurmadow iyo madax dhaqameed soomaaliland ah , isla markaa hadalkii uu ka jeediyey buurmadow ayuu ku sheegay in ka qaybgalka shirkan ay ku qaramaysan yihiin soomaaliland isla markaana uusoo diray madaxweyne muuse biixi cabdi . Hadaba diristaa madaxweynaha ee laga dhawaajiyey ayaa u baahan in loo sameeyo tafaasiil wejiyo badan waxayna kala noqoneysaa .1 : in soomaaliland garwaaqsatay in butlaan citiraafkeeda ku fadhido wadahadalna la furayso sidii uu ka dhawaajiyey madaxweyne cabdirsxmaan faroole sidaana laysugu faataxaynayo koonfurta soomaaliya . 2 : In ay tahay abhin ay soomaaliland abhinayso butlaan in ay ciidankeeda kala baxdo soomaaliland kanadeyso faragelinta iyo shuqa shuqaynta taasoo markhaati looga dhigaayo illaahay inay diideen wixii ka dhacana aakhiro butlaan dumada ku qaadi doonto sidaana uu ku bilaabmayo dagaal rasmiya oo laysugu awood sheegto kaasoo isna soomaaliland ku faaiidi doonto awood ahaan siyaasad ahaan iyo xagga rabiba . 3 : In ay tahay in ciidamada keliya la kala qaado inta wadahadalku isutag iyo kalatag mid uunku dhamaanayo siyaasaduna jiitankeedii iska jiridoonto . Hadaba markaan eegno wadcigan hadda taagan iyo xaalada soomaaliya iyo butlaan ku jiraan dhinacyada siyaasada iyo dhaqaalaha iyo haddii dagaal bilaabmo oo soomaaliland soomaaliya gacmaha la gasho sidayku danbayn doonto ayaan u arkaa in butlaan wixii soomaaliland usoo jeediyo hawlyaraan u qaadanayaan maadaama waxkastoo yimaadaaba ugasii dari doono siyaasada soomaaliyana gacmahooda ka bixi doonto noloshooduna qaabaqoseyn ka laalaadsami doonto maadaama aanay haysan cid siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ku taageerta oo aduunku ka khatoobey koonfurta soomaaliya oo butlaan hormuudka tahay .

Sikastaba arintu ha ahaatee madaxweyne muuse biixi wuxuu cagta saaray wadadii ugu haboonayd siyaasad ahaan iyo dagaal ahaanba kuwaasoo uu labadaba guulo kasoo hoynayo mid if iyo mid aakhiroba , isla markaa shacabka soomaaliland kuwada taageersan yihiin .

QORE: MAXAMED AADAN AXMED
SIYAASI MADAX BANAAN .

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Beelaha Subeer Awal Iyo Habar jeclo oo Isko Raacay Siyaasada Somaliland Iyo In Kursiga La Saaro Musharax Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo: Abwaanka Weyn ee CADAAWE oo Gabay Cusub Soo Saaray Loogu Magac Daray BLACK ADAM Iyo Muranka Weyn ee Ka Dhex Taagan Beesha Adan Madoobe
WAREYSIYO