Wednesday May 23rd, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Khaladaadka Ugu Waaweyn Ee Lugu Dhaco Maalinta Xuska 18 May W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

0
Thursday May 10, 2018 - 23:03:26 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khaladaadka Ugu Waaweyn Ee Lugu Dhaco Maalinta Xuska 18 May W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

    18-may waa maalin u astaysan maalintii qaranimada Somaliland misana waa maalin ku tilmaaman astaan quruxbadan oo hadal haynteedu ka dhigto shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

18-may waa maalin u astaysan maalintii qaranimada Somaliland misana waa maalin ku tilmaaman astaan quruxbadan oo hadal haynteedu ka dhigto shacabka

18-may waa maalin u astaysan maalintii qaranimada Somaliland misana waa maalin ku tilmaaman astaan quruxbadan oo hadal haynteedu ka dhigto shacabka mid ay hiyiga la kacaan, misana niyad jab ku aha dadka kunool somaliya oo aan tageersanayn misan guul u arkahaynin gobonimadan Somaliland gaadhey.

Hadaba waxaan qoraal yar oo kooban kaga hadli doonaa khaladaadka(Gafefka) ay ku dhacado dawladu maalintan oo kale misan tan ka daran ee ay ku dhacaanshacabku, Aan kale sheego oo aan midmid u guud maro aniga oo kala horeysiinaaya

DAWLADA

1. Balanqaadyo u badan been iyo buun-buunin, kuwaas oo fulintoodu aanay inta badan dalka ka hirgelin ama ay ku dambeeyaan kuwo aan sidii loogu han-weynaa aan u wada hirgelin.

2.Diyaar garaw aan dhamaystirnayn, taas oo keenta in ay u dhacdo si ka gaadhsiis ah, oo aan quruxdii iyo qiimi ay u qalmaysey aan loo sameyn.

3. Martisharaf aan lugu casuumin, inta badan waxa maalintaas isku camira oo keliya xubnaha dawlada iyo ururada madanigga ah, kuwaas oo aan wax la taaban karo kusoo kordhin madasha xusku ka dhacaayo iyo dalka gudihiisaba, laakiin muhiimada loo baahanyahay ayaa ah in ay kazoo qayb galaan masuuliyiin kale oo ka kala socoda dalalka caalamka, si ay u arkaan qiimaha ay maalintani u leedahay Qaranka Soomaaliland.

4. Kalamado Dhiirigelin ah oo aan meesha laga sheegin

5. Olole lugu dhexdaro

DADWEYNAHA (SHACABKA)

1. Is dhexgal raga iyo dumarka oo aan diintu ogolayn

2. Dumarka oo ka taga asturnaantii

3. Degmooyinka oo aan u diyaargaroobin xuska

4. Dugsiyada iyo ardayda oo dayaca qaybtoodii

5. Balanqaadyada beenta ah oo ay rumaystaan

In kasta oo ay jiraan khaladaadyo iyo denbiyo la galo maalintaas xuska ah oo aad u waaweyn misana kuwan kawaaweyn ayaa tan xaga dawlada ugu weyn tahay in goobtaas lagaga dhawaaqo mashaariic wadanka laga fulinaayo misana lugu dhawaaqaa in Khubaro khibrad u leh sida aqoon raadiska loola tashan lahaa iyo in lacag aad u badan lugu bixiyo sidii waddamada caalamka looga dhaadhicin lahaa aqoonsiga Somaliland, iyada oo sanaddo aan fogayna la sheegayey in Somaliland lacag aad u badan ku bixisay sidii niman khubaro iyo fanaaniin caalamka ah oo dhiirigaliya losoo kiraysan lahaa.

Tan Ololaha oo kolba xisbiga haya talada misana ugu awooda weyn goobta la iskugu imanaayo uu kaga faaidaysto danihiisa ololenimo oo shacabkaas aadka ufarha baddan dhegta kaga rida Magaca Xisbigiisa iyo Ujeedooyinka uu leeyahay Mustaqbalka taas oo aan meesha looga baahnayn maalintaaas.

Anigu waxaan ahay muwaadin dhashay isla maalintii Somaliland xoriyada iyo maddax banaanida ka qaadatay somaliya, waxaan la gu’u tirsadaa Somaliland, misana sanad walba oo la xuso waxaan ahay kan ugu horeeya, waxaan ka qaybqaadanaayey xusas faro badan mar anigoo dugsiga ka socoda mar anigoo jaamacada ka socoda iyo anigoo iskay u madaxbanaan, Si fiican u garan maayo Madaxweyne cigaal oo waxaan ahaa wiil aad u yar oo dhigta dugsiga hoose , laakiin waxaan si fiican u garanayaa qaar ka mid ah khudbadihii Daahir riyaale kaahin(Madaxweynihii Hore) iyo Axmed Maxamud silanyo, Madaxweyne kastaa waxa uu maalinta uga faaidaystaa OLOLE iyo Taageero samaysasho.

Somaliland waxay ka dhacaysay xuskani muddo 28 sano gaadha, mar kaliya dawladihii inasoo maray kumay fikirin keena Oo ku casuuma waddamada caalamka niman katirsan gaar ahaan kuwa islaamka, oo tusa in arintaniaanay ahayn mid siyaasad ku lug leh laakiin tahay mid shacabka kasoo go’oday

Dhanka kale shacabku waa dad muslim ah diin ahaan iyo dhaqankeena wanaagsan kuma fiicna is dhexgalka raga iyo dumarka misana in dumarku maddaxa iyo jidhkooda qaawiyaan waa mid diintu inag diiday oo sharciga islaamku xaraantimeeyey, Khaldaadka ugu baddan ee dadku kudhacana waa mida ug horeeysa.

Fiiro-gaar ah:Xuska 18may ee sanadkan 2018, waa xuskii kowaad ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kusoo beegmay, waxaan aniga iyo shacabkuba ka filaynaa Madaxweynaha in uu wax ka bedeli doono qaababkii hore ee xuska maalintani u dhici jirtay,si midho-dhal rasmi ah looga gaadho.

TALO:

Si xuskaas looga gaadho horumar misana u noqodo mid waxa aynu doonayno in ilahay inooga rumeeyo, waa in aynu ka foga’anaa khaldaadkaas aan soo sheegay, misana ku dhaqanaa sharciga islaamka iyo dhaqankan suuban oo dhawrnaa xuquuqda qofkasta, misana taageernaa maddaxda oo maddaxduna run inooga sheegaan Haddalkooda.

Wabilahi tawfiiq.

Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Qoraa / Saxafi madax banaan

E-mail:Xamse18@gmail.com

www.wiyeeryare.blogspot.com

www.twitter.com/wiyeeryare

www.facebook.com/wiyeeer

Hargeysa -Somaliland



Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
WAREYSIYO