Wednesday May 23rd, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

SIYAASADA ADUUNKA OO HALIS LUGAHA LA GASHAY IYO SOOMAALILAND OO AQOONSIGEEDII KHASAB KU NOQDAY XULAFADEEDA !!!!

0
Saturday May 12, 2018 - 08:05:32 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    SIYAASADA ADUUNKA OO HALIS LUGAHA LA GASHAY IYO SOOMAALILAND OO AQOONSIGEEDII KHASAB KU NOQDAY XULAFADEEDA !!!!

    SIYAASADA ADUUNKA OO HALIS LUGAHA LA GASHAY IYO SOOMAALILAND OO AQOONSIGEEDII KHASAB KU NOQDAY XULAFADEEDA !!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIYAASADA ADUUNKA OO HALIS LUGAHA LA GASHAY IYO SOOMAALILAND OO AQOONSIGEEDII KHASAB KU NOQDAY XULAFADEEDA !!!!
Inta badan wadamada siyaasada aduunka hogaamiya iyo xulafooyinkooda ayaa sitoosa ugu kala jabay siyaasada aduunka isla markaana qaarba dhinaca maslaxadoodu ku jirto wax u wadaan halka kuwa kalena kasoo horjeedaan , dhinaca kale wadamada yaryar ee xulafooyinka ku kala jira ayaa iyana qaarkood marba siyaasad ku biiraya si ay mustaqbalka uga dhigtaan gaashaan ay isku difaacaan iyo dhaqaaleba .

Hadaba weererka siyaasadeed iyo weerar celinta ayaa laysu adeegsanaa maydiyaha , dhaqaale iyo hanjebaad awood sheegasho halka mararka qaarkoodna maslaxada iyo qaboojintu meesha ka madhnayn . Hadaba geeska afrika ayaa intiisa badan dhinac isugu guurey marka laga reebo soomaaliland oo iyadu maanta haldhinac taagan .


Dalka itoobiya oo ahaa dal soomaaliland la safan ayaa waxaa qabsaday nin soomaali abbo ah oo aan talaabooyinkiisu raali gelinayn dalalka ingiriiska iyo maraykan iyo faransiiska laftiisaba kadib markii uu iibsadey qayb kamid ah dekeda jabuuti oo ladoonaayey in cunaqabatayn lasaaro maadaama ay dalkeeda u ogolaatay inuu jaynuhu saldhig ka samaysto taasoo aanay dhamaan reergalbeedku raali ka ahayn isla markaana joojiyey siyaasadii soomaaliya ay kula dhaqmayeen ee ahayd in waxwalba laga hormariyo maslaxada itoobiya .

Dhinaca kale dalka kenya ayaa isagu ka baxay gacantii ingiriiska kuna biiray gacanta turkiga iyo qadar ee la jirta soomaaliya inkastoo kiinyaatigu wato dano u gaara oo ah inuu qalalaasaha soomaaliya ka faa,iideysto oo xuduudiisa soomaaliya uu la wadaago jeexdo si uu xuduuda u marsado dhul cusub oo soomaaliya uu ka goosto si ay ugu suurto gasho inuu yeesho isagu badda labada dal isku haystaan , isla markaana maxkamada kala dhaxaysa dib kolka loo dhigo inta xuduudu dhamaanayso si loo xalaaleeyo soodinta badda , inkastoo ingiriiska iyo maraykankuna doonayaan in uu soomaaliya hilifaha u laabo inta xaaladeedu qasan tahay si loogu cadaadiyo in ay yeesho inay ku biirto fulafadooda lana gasho heshiisyo wasweyn .

Dhinaca kale dalka imaaraadka iyo sucuudiga ayaa u muuqda qaar la takoorayo marka loo eego dacaayadaha iyo siyaasadaha lagula kacayo ee iyaga ka dhanka ah kuwaasoo u muuqda in cidda kaliya ee ayka faa,iideen geeska afrika ay tahay soomaaliland yamana lagula dagaalansan yahay oo jasiirada suqadara oo ladoonaayo inay saldhig weyn u noqoto xulafadaas lagana kantaroolo badaha hindiya gacanka cadmeed iyo bada cumaan iyo hindiya oo uu siiyey madaxweynaha yamaneed uu kasoo horjeestey raysal wasaaraha dalkaasi oo isagu ah yamanta waqooyi ee dagaalka lagula jiro taasoo haddii uusan madaxweynaha ku raacin waxba kama jiraan ka dhigaysa bixinta saldhiga halkaana ay khasaare kale kala kulmi doonaan .

Hadaba maraykanka oo ah hogaamiyaha qoladan imaaraadka kana amar qaata siyaasad ahaan ingiriiska ayaa ka baxay hadda heshiiskii ay la galeen eeraan kaasoo u muuqdey mid awood siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba siinaya eeraan isla markaana u gogol xaadhaya in si badheedha loo garaaco eeraan si suncada looga dilo isla markaana looga joojiyo isbalaadhinta iyo korukaca awoodeeda ee ay heshiiskaa ka faa,iidey , isla markaana dib ugu celinaya waxay ahaan jireen dibna uga reebaaya betetanka ayla bilowday yuhuuda ayka ku garaacday gantaalo saldhigo ay yuhuudu leedahay .

Hadaba xulafadan waxaa khasab ku ah inay citiraafaan soomaaliland sida ugu dhakhsaha badan si ay ugu soo wareegaan saldhiga imaaraadku uga dhisayo soomaaliland si ay awoodooda ugu adkaystaan halkaas isla markaana khayraadka ugasoo saaraan sidii la sheegay 2019 ka . Halka maanta safaarada soomaaliland ee imaaraadka lasheegayo in korlooga qaaday halkii ay markii hore joogtey oo ahaa maktab isla markaana loo qalabeeyey sidii safaaradeed si loogu bixiyo baasaaboorada soomaaliland sifaarad ahaan . Isla markaa waxaa wadamadaas ku khasab ah inay dhimaan ama gooyaanba dhamaan taageerada dhaqaale ee ay siiyaan wadanada kasoo horjeeda ee siyaasadooda raacsanayn . Hadaba waxaa sidegdega u dhacaya isbedelada siyaasadeed ee aduunka iyo kuwa geeska afrika oo ah meesha ugu weyn ee taargedka siyaasadu saaran yahay lana kala hororsanayo istiraajiyadeeda iyo dhaqaalaheedaba .

Dhinaca kale putlaan iyo jubalan ayaa ciyaaraya siyaasad wakhti lumis ah oo ay kula shaqaysanayaa wadamada soomaaliland raacsan si ay isugu miisaamaan inaan soomaaliya dhinacna raacin inta ay hadafkooda gaadhayaan kaasoo ah inay khasab isku ogolaysiiyaan cidkasta oo dalka kula nool dibna ugasoo horjeesan karin mustaqbal dawlada farmaajona tahay mida hadafkooda xaqiijinaysa ahna tii loo doortay inuu fuliyo .

Hadaba maqaal aan hore u qoray ayaa ahaa in geeska afrika isugu biyo shuban doono soomaaliya taasoo kenya hore u raacday maantana ku biirtay itoobiya dhowaana yugandha iyo tansaniya ku biiri doonaan halka ay jabuutina hore ugu jirtey ayna ka hadhi doonto oo keliya soomaaliland , hadaba fiditaanka siyaasada soomaaliya loo marayo ee geeska afrika ayaa u baahan in cagta hoosteeda la geliyo inta aanay siyaasada eeraan dhinac kale ka boodin ayna adkaan doonaan sidii firsad danbe loogu heli lahaa lagu qabto .

QARE: MAXAMED AADAN

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
WAREYSIYO