Wednesday May 23rd, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Ajanabi ka mudnaaday Muwaadin dalkeena laga helaa:

0
Monday May 14, 2018 - 15:33:05 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ajanabi ka mudnaaday Muwaadin dalkeena laga helaa:

    Ajanabi ka mudnaaday Muwaadin dalkeena laga helaa:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ajanabi ka mudnaaday Muwaadin dalkeena laga helaa:

Ajanabigii ka mudnaaday muwaadinka

"Sheekadan wada akhri si dareen wadaniyadeed u dareento waa hubaal in qalbigaagu wax iska bedeli hadii dhiig islaanimo kugu jiro”

Barkhad-Ladiif M.Cumar

Goobtu waa Cisbitaalka guud ee Hargeysa, gaar ahaan qaybta dhalaanka iyo hooyadda, waxa soo gashay hooyo sidatay ilmo yar oo aad u ooyeysa oo qaylinaysa oo haraga iyo saantubaisku dhigay, muuqaalka hooyadda iyo ilmaheeddaba indhaha ma siin kartid duruufta iyo waayaha ka muuqda, waxa ay soo dul istaagtay dhakhtarkiishaqadda ku qornaa, markiiba waxa uu u sheegay in kaadh soo goosato, haseyeeshee iska daa kaadh ay goosatee xiitaa mahaysato kiniinka loo qori doono wax ay ku iibsato, waxay hooyadii ku dooday "hooyo lacag ma haysto, ilmahana aad buu u xanuunsanayaa, aabaheedna waa askari jooga jiida hore.”

Dhakhtarkii waxa uu u tilmaamay inay maamulka cisbitaalka usoo bandhigto inuu ka aqbalo iyo in kale, maadaama oo aanu awood u lahayn inuu bilaash ku daweeyo, nasiib daro inta ay noqnoqonayso hooyadan oo kolba ay xafiis raadinayso wakhtiguba kuma sugayo, waxay wadataa ilmo yar oo shubmaya xaaladeedda caafimaadna aad u adag tahay, inta badan hooyooyinka aan waxba haysan ama awoodi Karin dhakhtarka way ku adagtahay inay dhakhtarka keento, haseyeeshee qof qof baa marka ilmuhu aad u xanuunsaday ku calool adaygaya oo ku bakhtiyaa nasiibinaya in kolay wax loo qaban lahaa hadii ay cisbitaalka dawladda geyn lahayd, maadaama oo cisbitaalka guud yahay kii dhaqaalaha dawladu ku baxayey.

Daqiiqado kooban intii hooyadan muwaadinka ah cisbitaalka dhex taagnaydwaxa soo gashay hooyo ajanabi ah oo reer Itoobiya ah gaar ahaan Oromo, ilmaha ay wadato iyo iyaduba xanuun iyo diif xanuun midkoona kama muuqdo, waxay u gashay dhakhtarkii, markii uu eegay markiiba dawooyinbaa loo qoray waxlacag ah oo ay bixinaysana maan arag intii aan meesha joogay, waxaaan waydiiyey dhakhtarkii sababta hooyadan Ajanabiga ah sida wanaagsan loogu shaqeeyey iyadoo aan lacag bixin ama la waydiin, waxa uu dhakhtarkii markiiba igu jawaabay inay Hooyadan Itoobiyaanku sidato waraaq dawooyinkeeda, baadhitaankeeda iyo wixii ku baxayaba la bixinayo, waxaana waraaqda ka sidataa hay’adda UNHCR wixii kharash ah ee ku baxaya iyada lama qaadayo ee Hay’adda bixinaya cisbitaalkuna wuu ku dalacanayaa, marka hadii madax xanuun dareento si fudud bay baadhitaankeeda caafimaad u maraysa.

Waxaan waydiiyey bal ka waran hooyadan tabcaanka ah ee ilmuhu ka xanuunsayo ee ilmaha ay sidato aabaheed difaaca dalka ku maqan yahay, waxa uu igu jawaabay in isaga laftiisuba dhibaatada haysata la dareemayo,haseyeeshee uu cisbitaalka shaqaale ka yahay oo aanu nidaamka jira waxba ka bedeli Karin, balse uu kaliya awoodo inuu u tilmaamo cida wax ka qaban karta baahiyadeeda oo ah maamulka cisbitaalka, kaasi oo diidi kara ama ogolaan kara in bilaash lagu daweeyo, wuxuu ii sheegay in mararka qaar uu isku ciil kaambiyo marka uu arko hooyo sidan oo kale u tabcaan ah oo aanu waxba u qaban Karin iyo qof kale oo Ajanabi ah oo waraaq yar sidatana si fiican loogu shaqaynayo ay si weyn u damaqdo naftiisa.

Waa la awoodda:

--------------

Dawladu way awooddaa in hooyada werwersan ee aabihii dhalayna jiida hore joogo ee boqolka doolar wax ka yar mushaharka loo siinayo, ubadkiisuna aanu haysan daryeel caafmaad iyo daryeel waxbarasho, hadii mushaharka la siiyo ilmaha la is yidhaahdo ku daweena kuma filna, hooyo Ajanabi ahna waraaq hay’adood oo ay sidato wax walba loogu dhameeyey, miyeyna awoodin in askari kasta qoyskiisa waraaq caafimaad oo bilaash ah la siiyo si aanu uga warwarin ubadkiisa.

Waad aragtaan dawladda waxa baabuur qaali ah ee ay madaxdu wadato, iyadoo ubadkii iyo dhalaankii dalkuna noloshaa ku nool yahay, maanta ninka madax u ah dadka noocaas ah ee xil usoo doontay maradiisa way ku oloshay oo waa wax if iyo aakhiraba alla kula xisaabtami doonno, inta waxaas oo baabuur ah waliba nooca ugu qaalisan oo shiidaalka ugu badana ku baxayso wadanka dhexdiisa lagu wadanayo waxa ka haboon inta la xaraasho oo baabuur qiimo dhex dhexaad ah oo jaban lama waayina la soo iibsado, kuwana danyartaasi waliba ka xishoonaysa inay cid barido lagu daryeelo oo cashuurtooda loo tashiilo qofba qofka uu ka sareeyo la xisaabtamo oo laga fikiro caruurtaasi askarta in caafimaadkooda iyo waxbarashooda meel la iska dhigo, qoys kasta waraaqcaafimaad oo bilaash ah la siiyo oo cisbitaalka ay u tagtaba ku tixgaliyo waraaqdaasi, waayo askari waa shakhsiga kaliya ee wadankeena saacaadihiisa si fiican u wada shaqeeya, halka shaqaalaha dawlada ee kale marka la isku soo ururiyo sadex saacadood aanay ka badnayn inta ay shaqaynayaan, laakin askarigu habeenkii ma seexdo inta aynu raaxaysanayno oo dhaxantaasi buu ina waardiyeynaya, maalintiina ma hadh galo oo qaraxdaasi ayuu taagan yahay si aynu nabad iyo farxad ugu dhex shaqaysan lahayn.

Aynu daryeelno askarteena oo madax ilaa mijo aynu taageerno ubadkooda si ay shaqadooda warwar la’aan u gudan karaan.

 
 


 
 
 
 
 

Barkhad-Ladiif Cumar

AttachmentsMay 13 (1 day ago)
toabdi,To:,huseinali_noor,a.damuud,a.sencer.g,Eng,aabaxle,abafgaab,A/Hakim,abdi_almis,Abdi,abdishakur22,TOOXYARE,Adam,adan,Adan,adan,admin,admin,afatah01,afrika2022,Ahmed,ahoodo27,Ali,alaale143
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Ajanabigii ka mudnaaday muwaadinka


WQ:Barkhad-Ladiif M.Cumar,Em:barkhadladiif@hotmail.com.

Goobtu waa Cisbitaalka guud ee Hargeysa, gaar ahaan qaybta dhalaanka iyo hooyadda, waxa soo gashay hooyo sidatay ilmo yar oo aad u ooyeysa oo qaylinaysa oo haraga iyo saantubaisku dhigay, muuqaalka hooyadda iyo ilmaheeddaba indhaha ma siin kartid duruufta iyo waayaha ka muuqda awgeed, waxa ay soo dul istaagtay dhakhtarkiishaqadda ku qornaa, markiiba waxa uu u sheegay inay soo bixiso hawlihii ku xidhnaa ee baadhitaankeeddu ugu horeeyo, haseyeeshee iska daa kaadh iyo baadhitaanay soo goosatee xiitaa mahaysato kiniinka loo qori doono wax ay ku iibsato, waxay hooyadii ku dooday "hooyo lacag ma haysto, ilmahana aad buu u xanuunsanayaa, aabaheedna waa askari jooga jiida hore.”

Dhakhtarkii waxa uu u tilmaamay inay maamulka cisbitaalka usoo bandhigto inuu ka aqbalo iyo in kale, maadaama oo aanu awood u lahayn inuu bilaash ku daweeyo, nasiib daro inta ay noqnoqonayso hooyadan oo kolba ay xafiis raadinayso wakhtiguba kuma sugayo, waxay wadataa ilmo yar oo shubmaya xaaladeedda caafimaadna aad u adag tahay, inta badan hooyooyinka aan waxba haysan ama awoodi Karin dhakhtarka way ku adagtahay inay dhakhtarka keento caruurta, haseyeeshee qof qof baa marka ilmuhu aad u xanuunsaday ku calool adaygaya oo ku bakhtiyaa nasiibinaya in kolay wax loo qaban lahaa hadii ay cisbitaalka dawladda geyn lahayd, maadaama oo cisbitaalka guud yahay kii dhaqaalaha dawladu ku baxayey.

Daqiiqado kooban intii hooyadan muwaadinka ah cisbitaalka dhex taagnaydwaxa soo gashay hooyo ajanabi ah oo reer Itoobiya ah gaar ahaan Oromo, ilmaha ay wadato iyo iyaduba xanuun iyo diif xanuun midkoona kama muuqdo, waxay u gashay dhakhtarkii, markii uu eegay markiiba dawooyinbaa loo qoray waxlacag ah oo ay bixinaysana maan arag intii aan meesha joogay, waxaaan waydiiyey dhakhtarkii sababta hooyadan Ajanabiga ah sida wanaagsan loogu shaqeeyey iyadoo aan lacag bixin ama la waydiin, waxa uu dhakhtarkii markiiba igu jawaabay inay Hooyadan Itoobiyaanku sidato waraaq dawooyinkeeda, baadhitaankeeda iyo wixii ku baxayaba la bixinayo, waxaana waraaqda ka sidataa hay’adda UNHCR wixii kharash ah ee ku baxaya iyada lama qaadayo ee Hay’adda bixinaya cisbitaalkuna wuu ku dalacanayaa, marka hadii madax xanuun dareento si fudud bay baadhitaankeeda caafimaad u maraysa.

Waxaan waydiiyey bal ka waran hooyadan tabcaanka ah ee ilmuhu ka xanuunsayo ee ilmaha ay sidato aabaheed difaaca dalka ku maqan yahay, waxa uu igu jawaabay in isaga laftiisuba dhibaatada haysata la dareemayo,haseyeeshee uu cisbitaalka shaqaale ka yahay oo aanu nidaamka jira waxba ka bedeli Karin, balse uu kaliya awoodo inuu u tilmaamo cida wax ka qaban karta baahiyadeeda oo ah maamulka cisbitaalka, kaasi oo diidi kara ama ogolaan kara in bilaash lagu daweeyo, wuxuu ii sheegay in mararka qaar uu isku ciil kaambiyo marka uu arko hooyo sidan oo kale u tabcaan ah oo aanu waxba u qaban Karin iyo qof kale oo Ajanabi ah oo waraaq yar sidatana si fiican loogu shaqaynayo ay si weyn u damaqdo naftiisa.

Waa la awoodda:

--------------

Dawladu way awooddaa in hooyada werwersan ee aabihii dhalayna jiida hore joogo ee boqolka dollar wax ka yar mushaharka loo siinayo, ubadkiisuna aanu haysan daryeel caafmaad iyo daryeel waxbarasho, hadii mushaharka la siiyo ilmaha la is yidhaahdo ku daweena kuma filna, hooyo Ajanabi ahna waraaq hay’adood oo ay sidato wax walba loogu dhameeyey, miyeyna awoodin in askari kasta qoyskiisa waraaq caafimaad oo bilaash ah la siiyo si aanu uga warwarin ubadkiisa.

Waad aragtaan dawladda waxa baabuur qaali ah ee ay madaxdu wadato, iyadoo ubadkii iyo dhalaankii dalkuna noloshaa ku nool yahay, maanta ninka madax u ah dadka noocaas ah ee xil usoo doontay maradiisa way ku gubatay oo waa wax if iyo aakhiraba alla kula xisaabtami doonno, inta waxaas oo baabuur ah waliba nooca ugu qaalisan oo shiidaalka ugu badana ku baxayso wadanka dhexdiisa lagu wadanayo waxa ka haboon inta la xaraasho oo baabuur qiimo dhex dhexaad ah oo jaban lama waayina la soo iibsado, kuwana danyartaasi waliba ka xishoonaysa inay cid barido lagu daryeelo oo cashuurtooda loo tashiilo qofba qofka uu ka sareeyo la xisaabtamo oo laga fikiro caruurtaasi askarta in caafimaadkooda iyo waxbarashooda meel la iska dhigo, qoys kasta waraaqcaafimaad oo bilaash ah la siiyo oo cisbitaalka ay u tagtaba ku tixgaliyo waraaqdaasi, waayo askari waa shakhsiga kaliya ee wadankeena saacaadihiisa si fiican u wada shaqeeya, halka shaqaalaha dawlada ee kale marka la isku soo ururiyo sadex saacadood aanay ka badnayn inta ay shaqaynayaan, laakin askarigu habeenkii ma seexdo inta aynu raaxaysanayno oo dhaxantaasi buu ina waardiyeynaya, maalintiina ma hadh galo oo qaraxdaasi ayuu taagan yahay si aynu nabad iyo farxad ugu dhex shaqaysan lahayn.

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
WAREYSIYO