Wednesday May 23rd, 2018
Burcoonline
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Xukuumadda Somaliland oo Sharraxday Jabka Soomaaliya Kaga Dhacay Duulaankii ay ku soo Qaadeen Ciidanka Qaranka

2
Tuesday May 15, 2018 - 20:32:38 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 3157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Sharraxday Jabka Soomaaliya Kaga Dhacay Duulaankii ay ku soo Qaadeen Ciidanka Qaranka

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka xukuumadda Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa jawaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka xukuumadda Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa jawaab

Hargeisa (Burcoonline) 15.05.2018 Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka xukuumadda Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa jawaab sharraxay weerarka gardarada ah ee dawladda cagajiidka ah ee Soomaaliya ku soo qaadeen ciidammada qaranka Somaliland oo ay jab kala kulmeen duulaankoodii saaka.

Siday Faafisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa Wasiirka Warfaafintu sidaas ku sheegeen war-murtiyeed uu galabta soo saaray oo u dhignaa sidan:-

"Tan iyo intii uu Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi xilka ula wareegay hab dimuqraadiya oo ku salaysan hal qof iyo hal cod, taliska cagajiidka ah ee Muqdisho wuxuu muujiyey niyad jab, waxaanu bilaabay daandaansi iyo xasarad ku wajahan mijaxaabinta nabad gelyada iyo Xasiloonida ka jirta JSL iyo guud ahaan gobolka.

Sida ay haddaba beesha caalamka iyo dhammaan umadda af Soomaaliga ku hadashaa ka warqabaan tan iyo bilowgii sanadkan Soomaaliya tiraba 25 jeer bay ku soo xadgudubtay dadka iyo dalka JSL.

Haddaba sida laga yaabo inaanay dadwaynaha reer Somaliland ka warqabin ciidanka maamulka cagajiidka ah ee soomaaliya ayaa shalay oo ay bishu ahayd 14-kii May dhanka koonfureed ee magaalada Tukaraq kaga soo qaaday weerar ciidankanka Qaranka JSL ee uu fadhigiisu yahay jiidda hore. Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL waxa la gaadhsiiyey dhirbaaxo kulul oo cashar u noqon karta maamulka Soomaaliya ee daandaansiga ka wada deegaannada Somaliland.

Iyaga oo ka faa’iidaysanaya maalinta dabaaldegga xuska sannad guuradii 27 aad ee qaranimada Somaliland ayay haddana saaka abbaaro todobadii subaxnimo weerar dhanka bari iyo dhanka koonfureedba kaga soo qaadeen ciidanka Qaranka JSL. iyaga oo aan ku xisaabtamin in ciidanka Qaranka JSL dhinacna uu dabbaaldeg ka wado dhinacna uu heegan u yahay difaaca qaranka, waxaana halkaa lagu gaadhsiiyey ciidankii nacabka khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Dagaalkaas oo soconayey 5 saacadood waxaa nacabka laga gubay tikniko badan, iyada oo gacanta lagaga dhigay shan baabuur iyo hal taangi, waxa kale oo gacanta lagaga dhigay maxaabiis farabadan, waxaana dib looga qabsaday halkii ay ka soo hinqadeen.

Haddaba, waxaanu caalamka nabadda jecel u sheegaynaa in aanay waxba ka jirin wararka ku-tidhi ku-teenka ah ee uu Taliska taagta daran ee Soomaaliya warbaahinta ku sheegay in ay Somaliland weerarka ku horaysay.

Ugu danbayntii, dawladda Somaliland waxa ay caddaynaysaa in ay soo dhawaynayso deris wanaagga iyo nabad kuwada noolaanshaha dalalka deriska. Hayeeshee mar kale u dulqaadan mayso daandaansi, xasarad iyo xad gudub joogto ah oo lagula kaco dadka iyo dalka JSL.

Wa bilaahi Tawfiiq.”



Bidvertise..

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan Horumarka Iyo Waxqabadka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Sameeyay Gobolka Saraar Iyo Degaanada Hoos Yimaada
Halkan Ka Daawo: Barnaamij FULL Waxqabadka Iyo Horumarka Xukummada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ka Geysatay Gobolka Togdheer Intii ay Xilka Haysay 2010-2017
WAREYSIYO