Miirashada Masuulka La Mahadshay Shaqadiisa Iyo Mooganaanta Reer Burco
Isuduwahan Wuxuu Kamid ahaa masuuliyiinta la majeerto ee kasoo mudhbaxay shaqadii loo igmaday ee uu ku hagayay kuna Hogaaminayay Waxbarashada Gobolka Togdheer,
Mudadii uu joogay xafiiska wasaarada Waxbarashada G.Togdheer oo dhamayd labo sono, Isuduwihii Wasarada waxbarashada Gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Caynaashe Oo Maanta loo bedelay Berbera waxay ku xasuusan Doonaan Reer Togdheer oo u qabtay.
1.Isbedel shaqo uu ku sameeyay horumarinta Wasaarada Taasoo kamid noqotay wasaaradaha la majeerto ee ku yaala Gobolka.
2.Tayaynta iyo Kor uqaadista Waxbarashada oo sababtay in Gobolka Togdheer Hogaamiyo Waxbarashada dalka Oo Dhan Sanadadii Udanbeeyay,
3.Wuxuu ahaa isuduwihii ugu horeeyay ee marti geliya shirweynihii qorshaha shanta sano lagu hayay wasaarada waxbarashada oo laga kala yimi dhamaan gobolada Dalka.
4.Wuxuu ahaa isuduwaha kaliya ee mutaysay in lagu wareejiyo uuna qaato gaadhigii wasiirka waxbarashada,
5.Kuma koobnayn kaliya shaqadiisu wasaarada waxbarashada ee Wuxu kamid ahaa mudanta wax laga waydiiyo talada Iyo qorshayaasha Hawlqabad ee Gobolka waana isuduwaha kaliya aan laga reebin ee lagu dari jiray Gudi Kasta oo heer gobola oo hawl qabad loo magacaabo, waxaana kamid ahaa Gudiyadii Covid19, Ciyaaraha, Abaaraha iyo kuwo kale taasoo ku kasbaday hawl qabadkiisa,
Hadaba maanta ayaa la bedelay isuduwihii wasaarada waxbarashada Gobolka Togdher Maxamuud xasan Caynaashe loona Bedelay Gobolka Saaxil oo kamida Gobolada ubaahan in laga horumariyo xaga waxbarashada,
Balse su,aasha Meesha taal ayaa noqonaysa goorma ayaa wax ka bedel lagu samayndoonaa wasaaradaha Fadhiidka ah ee aan ka shaqayn Gobolka Togdheer iyo isuduwayaasha aan la bedelin ee qaarkood dhaxaltooyada iyo meherad ay leeyihiin ka dhigtay boosaska wasaaradahaas oo ay mudada dheer haysteen.
Gebagebadii Qofka kasta oo bulshadiisa wax uqabtay wuxuu inaga mudan yahay inaynu uga markhaati kacno wuxuu inoo qabtay kuna siino maamuus iyo mahadnaq.
waad mahadsantahay isuduwe Caynaashe waxan rajaynaynaa inaad Halkaa aad tagtayna uhagarbixi doontid.
Qore:Xabiib cige
Xabiibcige@gmail.com
FALLO:"Miirashada Masuulka La Mahadshay Shaqadiisa Iyo Mooganaanta Reer Burco
Miirashada Masuulka La Mahadshay Shaqadiisa Iyo Mooganaanta Reer Burco