Wadadii rajada Berbera Corridor ee 4-ta haat loo qoondeeyey kuna soo ururtay 2-ba haat xagay ku danbeysay ? qalinkii A/rahman fidhinle UK Mashruuca Wadadii rajada ee Berbera Corridor ee la dhagax dhigay kal hore
28/02/2019ayaa mudadii ay socotay oo hadda dhan
22biloodlagu dhameeyey wax ka yar
40-Km oo keliya taas oo u muuqata in aanay marna ku dhamaaneyn waqtigii loo mudeeyey in ay wadadaasi ku dhamaatooo ku beegan September
2021.Waxaa nasiib daro ah in shirkad keliya lagu soo koobay in ay dhisto oo dhameyso wadada Berbera Corridor taas oo la sheegay in ay la daala dhacayso dhismihii wadada una muuqata in aanay marna ku dhamaystireyn Wadada waqtigii loo cayimay oo hore laba jeer dib loo sii dhigay.
Mashruuca wadada Berbera Corridor wuxuu ku bilaabmay rabitaanka dawlada Itoobiya oo rabtay inay Dekeda Berbera wax uga soo degaan maadaama aanay Dekedo laheyn. Waxaana loogu talo galay in ay noqoto wadadaasi marinka laga quudiyo Bariga Afrika taas oo noqonaysa Albaabka laga galo Bariga Afrika (Gate way).Dhamaadkii sanadkii2003Waxaa daraasad mug leh wadada ku sameeyey laba shirkadood oo kala ahaaLouis Bergeriyo shirkadaAfroconsultoo iyadu ka socotay dalka Itoobiya. Markii wadada la dhagax dhigay sanadkii28/2/2019,Waxaa goob-joogeyaal ka ahaa dawlada imaaraatiga, Itoobiya, Hayada Abu-dhabi Fund iyo shirkada qandaraaska la siiyey eeNEAL BIN HARMAL HYDROEXPERT (NBBII)Waxaana shirkadan la taliye looga dhigay shirkadaCONSER(consultant).
Shirkadan kor ku xusan ee qandaraaska qaadatay waxay bixisay qandaraasyo kale ( sub-contracts) Waxaana ay siisay shirkadaha madaniga ah ee kala ah.
1- Dawlada Hoose ee Hargeisa oo samaysatay shirkada (MEC). 2- ShirkadaEmisoma. 3- ShirkadaAl-Nafoora.
4- ShirkadaGuri-barwaaqoand mother care. 5- ShirkadaStart General Contractors. 6- ShirkadaAlmis-Coiyo ShirkadaAmal- JV.
Kharajka ku baxaaya wadada Berbera Corridor waxaa lagu qiyaasay ilaa iyo$111 Million dollartaas oo$90 Millionoo lacagtaas ah ay bixinaayo Sanduuqa Horumarinta Hayada Abu Dhabi Fund ee dawlada imaaraatiga.$21 Miliondollar waxaa bixinaaya dawlada ingiriiska, lacag dhan$30 Milion dollarwaxaa bixinaaya Midowga Yurub(EU), Waxaa iyaguna lacag aan yareyn oo aan la sheegin ku yaboohay in ay bixiyaanWorld Bank.
Dawlada Itoobiya, Somalilaan iyo imaaraatigu waxay ku heshiiyeen in layska kaashado oo la dhisoWadadaBerberaCorridor
ee dhererkeedu yahay937-km( Wajaale ilaa Addis Ababa) Wadadaas qaybteeda ugu dheer oo gaadhaysa696-KMayaaWorld Bankalacagtii lagu dhisaayey laga sii xasiliyey laakiin maanta iyada oo ay dhamaatay22-kii biloodee loo qoondeeyey in ay ku dhamaato wadadu ayaa waxaa rafanaaya dhismihii wadada qaybtii Somaalilaan loo qoondeeyey oo gaadhyasa ilaa iyo241-KM(Berberailaa Wajaale) taasoo ah waddada isku xidhaysaBerberaiyo dalka Itoobiya si maceeshada ka soo degta DekedaBerberaay mudo kooban ugu gaadho dalka itoobiya oo aan bad iyo Dekedo midna laheyn. Heshiiska mashruucani wuxuu ahaa in wadada loo dhiso qaabka wadooyinka waaweyn ee aduunka loo dhiso laakiin nasiib daro wuxuu ku soo ururay2-bahaat oo balacoodu yahay8-mitirmarka laga reebo 3m ee garabyada wadada dhacaaya.
Mashruucan dhismaha wadadii rajada eeBerberaCorridorwuxuu hoos uga dhacay xawaarihii uu ku socday dhismihiisu waxaana uu hada dhismihii wadadu marayaa xaaladkab-kab ah oo aad u cakiran ka dib markii7-dii shirkadoodee ka shaqeynaayey dhismahawadadaayku soo koobeenshirkad keliya,6-diishirkadood ee kalena meesha ka baxeen ee joojiyeen dhismihiiwadaddamarkay ku khasaareen ee ku jaah-wareereen maamulkii iyo maareyntii wadadaas ee ninka Carabka ahi lugta ku walaaqay. Mashruucan waxaa la dhagax dhigay bilowgii sanadkii28/2/2019,kaas oo aan weli la dhameyn40kii-KMee ugu horeeyey ee dhamaan lahaa horaantiisanadkan2020. Waxaana u qorsheysnaa Mashruuca in wadadu dhamaato bishaMay 2021, laakiin waxay dib ugu riixeen markii khilaaf badani yimi in ay ku dhamaan doonto bishaSeptember 2021umana muuqato in ay waqtigaas ay wadadu ku dhamaaneyso maadaama shirkadihii dhisaayey lagu soo koobay shirkad keliya oo la daaladhacaysa dhismaha wadadda. Waxaa iyana dhismaha wadada ku jiray ilaa iyo7-ba biriij(bridges) kuwaas oo aan iyagana ilaa iyo hada midna la dhameyn.
Waxaa Mashruucan rafanayaa uu ummadda reer Somalilaan u cadeynayaa oo daaha uga faydayaa in danaha ka dhaxeeya Somaalilaan, imaaraatiga iyo Itoobiya aanay aheyn dano cokan oo isku dheeli tiran ee ay yihiin dano dhinac ka raran. Maadaama aduunyadu tahay tartan iyo dano isxanbaarsan ma idinla tahay shacabow in dawlada UAE iyo Shirkada DPW ay Dekeda Berbera iyo Wadadda Berbera Corridor ay waqtigii lagu heshiiyey ee loo qoondeeyey ay ku dhameyn doonaan kana dhigi doonaan dhuunta ugu weyn ee quudisa Itoobiya iyo Bariga Afrika ? Jawaabta Su'aashan waxaan u daayey shacabka sharafta mudan ee reer Somaalilaan.
Waxaan ku soo qaroocayaa qormadan --- Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu gey-geyso!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-
Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London
Wadadii rajada Berbera Corridor ee 4-ta haat loo qoondeeyey kuna soo ururtay 2-ba haat xagay ku danbeysay ? qalinkii A/rahman fidhinle UK
Wadadii rajada Berbera Corridor ee 4-ta haat loo qoondeeyey kuna soo ururtay 2-ba haat xagay ku danbeysay ? qalinkii A/rahman fidhinle UK