Sunday January 24th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Doorka Saxaafadda ee Waqtiga Doorashada Dulmar

0
Tuesday December 29, 2020 - 19:35:47 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorka Saxaafadda ee Waqtiga Doorashada Dulmar

    Doorka Saxaafadda ee Waqtiga Doorashada Dulmar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorka Saxaafadda ee Waqtiga Doorashada Dulmar
Saxaafaddu waxay tiir dhexaad u tahay fur-furnaanta iyo xoojinta hanaanka dimuquraadiyadda dalwalba. Doorasho aysan saxaafaddu qeyb ka aheyn ma yeelato tartan
xiiso, xamaasad iyo isku soobax cod bixiye-yaal mug leh. Marka laga hadlaayo doorasho xor iyo xalaal ah ma ahan oo kaliya xoriyada cod-bixinta iyo aqoonta cod-bixiyeyaashu u
leeyihiin inay codkooda dhiibtaan laakiin waxaa qeyb ka ah helitaanka hanaan furan oo u suuragalinaya dadweynaha inay ka qeyb-qaataan doodaha furan ee siyaasada iyo sida loo helikaro xog buuxda oo ku saabsan xisbiyada tartamaya, dhuuxida barnaamijyada ay
xisbiyadu lasoo shirtagayaan iyo qiimeynta ama kala xulashada xogaha shaqsiyadeed ee musharaxiinta iyo meelaha ay ku kala tiirsan yihiin iyo waxqabadkoodii hore.


Saxaafaddu xorta ah waxay waqtigaan aduunka ka ciyaartaa door lagu ilaaliyo daah furnaanta hanaanka doorashada iyo guud ahaan saxida siyaasada dalka ayadoo si hordhac ah ama ka dabatag ah usoo bandhigta waxkasta oo meelka dhac ama horumar ah oo dalka kajira, anagoo
soo xigan karna oraahdii Jim Morrison ee aheyd "qofkii maamulaya saxaafadda ayaa
maamula maskaxda ummada”. Saxaafadda Soomaalida wallow ay ku shaqeeyaan daruufo adag oo xaga amniga, xoriyadda, dhaqaalaha iyo aqoontaba ah hadana waxay runtii muujiyaan dhabar adeyg weyn oo ay bulshadooda ku gaarsiiyaan warar iyo barnaamijyo
helitaankooda, dyaarintooda iyo soo bandhigidooda culeys lagasoo maray. Shaki kumajiro in la duro aqoonta iyo habraaca anshaxa suxufiyiinta Soomaalida qaarkood ayadoo loo sababeyn karo maqnaanshaha aqoonta ama bixinta ruqsada suxufinimo oo kalasaari laheyd
qofka istaahila inuu qeyb kanoqdo saxaafadda iyo midkale. Hadaba, qormadaan waxaan ku qaadaa dhigi-doonaa qodobo ay kamid yihiin milkiyada, waajibaadka iyo doorka hufan ee saxaafadda Soomaalida xiliga doorashada.

Qeybaha Saxaafadda iyo Milkiyadooda
 Saxaafadda dowladda: waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo kala; Qeybta 1-aad waa qeybta ku hadasha afka dowlada ama xisbiga markaas talada dalka haya kaasoo soo
bandhiga waxqabadka iyo guulaha dowladda. Qeybta 2-aad waa warbaahinta adeega dadweynaha oo kamadax banaan maamulka dowladda iyo siyaasadda kana shaqeysa
soo bandhigida barnaamijyada horumarineed ee kobciya aqoonta iyo wacyiga dadweynahasida taariikhda, dhaqanka, midnimada iyo wada noolaanshaha bulshada.
 Warbaahinta gaarka loo leeyahay: waa warbaahin faa,ido doon ah oo ka madax
banaan gacanta dowladda taasoo ay milkiyadeeda leeyihiin shaqsiyaad ama shirkado

kuwaa oo faa,idada kaseemaya ii dhehyada ama xayeesiimaha ganacsiga iyo baahinta afkaaraha ama waxbixinada quseeya siyaasiinta muxaafidka ama mucaaradka ah
hadba midkii kusoo jiita dhaqaale ama fakar siyaasadeed.
 Warbaahin ay leeyihiin xisbiyo siyaasadeed ama shaqsiyaad siyaasiyiin ah: waa nooc warbaahineed oo baahiya ama buun buunin u sameeya waxqabadka iyo
afkaaraha siyaasadeed ee xisbi ama siyaasi gaar ah islamarkaana dura qeybaha kale ee ay is-hayaan taasoo aan tusaale usoo qaadan karno warbaahinta Foxnews oo uu
milkiyadeeda leeyahay Rupert Murdoch kaasoo aad u taageera afkaaraha siyaasadeed ee dhanka midig ee dalalka Mareykanka iyo Australia.
Waajibaadka caamka ah ee saxaafadda waqtiga doorashadda Hadaba, sida caamka ah saxaafadda xorta ah waxaa xiliyada doorashada looga fadhiyaa
inay fuliyaan qodobada hoos ku xusan inkastoo fursadahaan qaarkood aysan waqtigaan
ka abuurnayn dalka Soomaaliya.
 Inay si cilmi kudheehan bulshada codka dhiibanaysa u gaarsiyaan una baraan
xuquuqda iyo miisaankooda cod-bixineed.
 Inay si joogta ugusoo bandhigaan dhaq-dhaqaaqyada ugu danbeeya ee ololaha doorashada dalka.
 Inay fursad siman siiyaan dhamaan musharaxiinta, inkastoo saxaafadda gaarka loo leeyahay ay midaan kuxiraan miisaanka qarashka musharaxa iyo sida ay iskula
jaan-qaadaan afkaarta siyaasadeed ee musharaxa iyo milkiilaha warbaahintaas.
 Inay hirgaliyaan madalo ay musharixiinta iyo siyaasiyiintu kula hadlaan kuna gaarsiiyaan fariimahooda cod-bixiyeyaasha.
 Inay abuuraan madalo ay dadweynuhu ugusoo gudbiyaan baahidooda iyo ra,yiga
ka dhex guuxaya gudiga doorashada iyo xisbiyada ama musharixiinta tartamaya.
 Martigalinta doodu cilmiyeysan oo loo qabto siyaasiyiinta tartameysa si dadku uga bogtaan shaqsiyada, aqoonta, codkarnimada iyo kalsoonida musharaxa taasoo qeyb kuyeelan karta go,aanka cod-bixiyaha, ayadoo laga fogaanayo adeegsiga
hadalada xanafta leh ee dhaawacaya sharafta shaqsi, midnimada dadka, qowmiyadaha ama caqiido gaar ah.
 Shaacinta maalinta, goobaha iyo waqtiga doorashada.
 Tabinta xog-xaqiiq kudhisan oo kusaabsan kala horeynta codka ayadoo laga
fogaanayo been abuur horseedi kara qalalaaso iyo xasilooni daro.
 Dabagalka iyo shaacinta guud ahaan hanaanka doorashada, gaar ahaan hufnaanta waxqabadka gudiga doorashada iyo gudiga amniga doorashada.
Maxaa looga fadhiyaa saxaafadda Soomaaliya xiligan lagu jiro doorasho?
Dabcan xoriyadda saxaafadu waxay muhiim u tahay soo bandhigida xog ka madax- banaan danta dhinac gaar ah waxayna horseedi kartaa horumarka hanaan dowladnimo hufan, cadaalad, bulsho kawarhaysa waxa dalkooda & caalamka kasocda iyo kobac
dhaqaale.Anagoo aan moogeyn culeysyada ay ku howl-galaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ayna tahay in lagu amaano, hadana waa inay ku baraarugaan in saxaafaddu tahay aalad

awood u leh dhisida iyo burburinta wadanka.Suxufigu waa inuu gartaa inuu qeyb kayahay xasiloonida dalka islamarkaana doorkiisa muwaadin-nimo si masuuliyad ku dheehan
tahay u qaataa. Dalku waxuu kujiraa waqti doorasho, ayadoo rabshadaha ka dhasha doorashooyinka loo qeybiyo laba nooc oo kala ah rabshado la abuuro doorashada kahor
oo ah kicin iyo cabsi galin lagu sameeyo deegaanka iyo xubnaha la tuhunsan yahay inay saameen kuyeelan karaan natiijada doorashada iyo rabshado la abuuro kadib shaacinta
natiijada doorashada. Labadaan qeybood-ba saameeyn ayey ku leedahay saxaafaddu qaasatan qaabka ay tabiso oraahyada iska soo horjeeda, shaqsiyaadka lagu marti
galinaayo barnaamijyada warbaahinta iyo cinwaanka loo adeegsanayo barnaamijyada kabaxa warbaahinta.
Waxaa mararka qaar la arkaa idaacad, TV ama website soo bandhiga warar, warbixin,
dood ama wareysi laga gaabsan karay oo muran iyo kala qeyb-sanaan baahsan ku reebta
maskaxda shacabka taasoo laga yaabo inay damqiyaan boogihii bogdasay ee bulshadan ay ragaadiyeen colaadaha soo noq-noqday.Waxaa suuragal ah in ahmiyada suxufiga ama
tifaftirahu markaas tahay inuu soojiito bulsho maalintaas kusoo xoonta lasocodka rugtiisa warbaahin balse uusan fakar dheer ku bixin saameynta, kala qeybinta iyo dhaawaca ay
bulshada u horseedi karto. Waxaa dhacda in TV-yada iyo idaacadaha qaar ay wareystaan
ama martigaliyaan siyaasiyiin ama shaqsiyaad lagu yaqaano adeegsiga erayada xanafta
leh, kala geynta bulshada ama dhaawicida midnimada ummuda Soomaaliyeed ayadoo aysan jirin xakameyn lagu sameynayo erayada uu shaqsigu adeegsanayo ama laalid lagu
sameeyo hufnaanta xogta uu adeegsanayo shaqsiga taasoo dadka waxgaradka ah ku duri
karaan aqoonta iyo anshaxa wariyaha iyo guud ahaan warbaahinta wax tabinaysa. Warbaahintu waxay leedahay habraac anshax adag oo ay tahay inuu u hogaansamo shaqsi
kasta oo raba inuu isticmaalo darajada uu rabo ha yeesho, waana warbaahinta mida wax hogaamisa ee ma ahan shaqsiga martida ku ah barnaamijka. Waxaa marar badan la arkaa
shaqsi barnaamij marti ku ah oo aan la xakameyneyn erayada uu adeegsanayo, waqtiga uu hadalkiisu socdo, ku talax-taga shaqsi ama maamul ka maqan goobta oo dhinac difaaca
uusan goobtaas joogin iyo doodo anshax baalmarsan oo buuqa dhinacyada aan waxba
laga maqli karin kuwaa oo isku qaata doorkii su;aasha iyo jawaabta halka wariyihii dhex- dhexaadinayey laga dhigo dhageyste. dabcan xoriyadda saxaafadda waxay muhiim u
tahay bulshada, saxaafaduna waa inay muhiim u aragtaa inay xoriyadaas si loo taageero
loona adkeeyo inay masuuliyad adag iska saarto xoojinta midnimada iyo xasiloonida bulshada ayadoo soo bandhigaysa warar iyo barnaamjiyo dhaxal-gal u ah bulshada oo
xaqiiqda ka turjumaya. Muhiimada waxay tahay inay warbaahinta iyo suxufiguba masuuliyad iska saaraan oo rog-rogaan mowduuca ay baahinayaan waxtarkiisa iyo waxyeeladiisa.

Xiligaan oo dalku dhex maquuranayo doorasho aysan inta badan shacabku qeyb kanoqon doonin, waxaa wanaagsan in saxaafaddu ku hadasho codka shacabka oo bilowdo olole
lagu dhiiragalinayo doorasho xalaal ah oo ay maslaxada umada kujirto iyo sidookale olole kadhan ah doorashooyinka dadban ee dalka kusoo laabta ayadoo culeys kusaareysa
dhamaan siyaasiyiinta inay la imaadaan isbadal awooda shacabka dib loogu celinayo sannadka 2025-ta. Saxaafadu waxay abuuri kartaa jawi iskugu jira canaan iyo

cambaareyn kuwajahan dhamaan dhinacyada iskaleh gaarsiinta doorka doorasho qof iyo
cod ah iyo dhameystirka dastuurka dalka kuwaa oo muhiim u ah horumarka siyaasadda
dalka laakiin ma ahan inay saxaafadu kudhex milanto haradanka siyaasada dalka.
Saxaafadda tayada leh ee madaxa banaan waxaa lagu sifeyn karaa sida garsoore dhex-
dhexaad ka ah haradanka siyaasada oo aan sinaba uga gaban soo bandhigida xaqa iyo
xaqiiqda.
Gunaanad
Waxaa xusid mudan inay dalkaan soo mareen suxufiyiin u istaagay soo bandhigida
xaqiiqda waqti aad u adag ayagoo ka doortay in halkii loo meerin lahaa warar been abuur
ah inay xaqiiqda sheegaan naftoodana ku waayaan, anagoo Alle uga baryeyna janno.
Suxufiyiinta maanta jooga waxay ku shaqeynayaan waqti kayara amni, dhaqaale iyo
fursad fiican kuwii shalay naftooda u huray bulshadooda, waana inay qaataan door aan
meel uga dhaceyn dhiiga suxufiyiintii naftood hurayaasha ahaa oo lagu hormarinayo
dalka laguna saxayo habraaca doorashada dadban ee loo madlan yahay 2021 qudheeda
ayadoo la baraarujinaayo lalana xisaabtamayo guud ahaan bulshada, ergada wax
dooranaysa, musharxiinta xildhibaanada iyo xubnaha u taagan xilalka sar sare ee dalka.
Hadaba, maadaama sida uu sheegay Malcolm X. ay saxaafaddu leedahay awood "ay
danbiile uga dhigto qof aanan danbi laheyn, danbi la,aana uga dhigto qof danbiile ahaa”
saxaafadda Soomaalida waa inay ka feejignaadaan in laga weeciyo soo bandhigida
xaqiiqda ama si qaldan uga faa,ideystaan awoodooda suxufinimo gaar ahaan waqtigan
doorashada, anagoo qormadan kusoo gunaanadeyna oraahdii uu Nicholas Lewis kula
dardaarmay suxufiyiinta ee aheyd " Noqoqofka qoranaya warbixintiisa, awooda aad
leedahay waxay kujirtaa qalinkaaga, hana u ogolaalin inuu qofkalekuu
meeriyoqormadaada”.

Waad kumahadsan tahay aqrintaada.

W/Q: Hamdi Wardhere Mohamed
Email: zudeys9@gmail.com
Facebook: Xamdi Wardheere
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO