MUSE BIXI MA DABINKII ISMACIIL CUMAR GEELLUU KU DHACAY
Booqashada Muse Biixi ku tegay Jabouti oo ahayd mid aad loo sii qorsheeyey oo xilliga iyo weliba xubnaha weftiga madaxweynaha ay cayintay dawladda Jabouti maxay ahayd ujeedada ka damabsyaa. Waxaynu ognahay in dawladda Jabouti ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay DP World gobolka geeska Africa ugu eryi lahayd si aan dekedo la taratma kuweedu uga soo bixin gobolka oo dhan. Arrintaa waxa ay dhowaaan la soo qaadeen weftigii madaxweynaha Puntland oo weliba ugu ballan qaadeen inay dekadedda Garacad u dhisayaan haddii uu DP World eryo. Madaxweyne Deni isagu waa nin siyaasi ah oo arrintaa iska garatay waxaanu kaga falceliyey inuu DP World heshiiskii dekedda Bosaaso u sii sharciyeeyo oo golaha shacabka ka ansixiyo.
Dhowaanahan dalwadda Jabouti waxay ka qaylinaysay dekedda Berbera iyo xidhiidhka soo cusboonaaday ee Ethiopia iyo Eriteeria oo caqabadii ugu weyneyd in in Ethiopia isticmaasho dekedaha Ereteria oo ahayd TPLFtii xukumaysay gobolka Tigree la qaaday.
Iyada shaki kuma jiro in dalwadda Jabouti ay Muse Bixi u soo bandhigayso inuu DP World eryo, halkeediina Jabouti la wareegto dekedda Berbera. Booqashada Muse loogu warwareejinayo dekedaha Jabouti ayaa taa markhaati ka ah. Werwerka ugu weyni waxa weeye Muse ma yahay nin iska garan kara arrintan. Marka aad eegto hab dhaqankiisa maamul iyo khudbadihiisa iyo weliba socodkiisa waxa kuu soo baxay in Muse talo badani hoos mari karto.
Shacabka Somaliland waxan ugu baaqayaa inay indhaha furaan oo iyagu sidii caadada u ahayd ilaashadaan qaranimadooda iyo danahooda.
Abokor Barud
Baruda2006@gmail.com
MUSE BIXI MA DABINKII ISMACIIL CUMAR GEELLUU KU DHACAY
MUSE BIXI MA DABINKII ISMACIIL CUMAR GEELLUU KU DHACAY