Tuesday January 26th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Ururkii ( Solja) ayaa loo doortay Hogaan cusub xilli uu Xanuun sanayo ururka Saxafiyiinta JSL

0
Thursday December 31, 2020 - 22:53:04 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururkii ( Solja) ayaa loo doortay Hogaan cusub xilli uu Xanuun sanayo ururka Saxafiyiinta JSL

    Ururkii ( Solja) ayaa loo doortay Hogaan cusub xilli uu Xanuun sanayo ururka Saxafiyiinta JSL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururkii ( Solja) ayaa loo doortay Hogaan cusub xilli uu Xanuun sanayo ururka Saxafiyiinta JSL Waa qormo ka duulaysa ujeedooyinkii qumanaa ee loo aasaasay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Iyo Sababihii uu ciinka udaaqay Cuduradda ku dhacay ee lagu baaqayo in lala tacaalo, Ururkan oo là aasaasay Sanadkii 2003 ayaa waxaa aasaasay Suxufiyiin magac kudhex leh geedisocodkii Saxaafadda xorta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Ururkan oo lagu aasaasay Magaalada Hrgysa ayaa soo jiitay Suxufiyiintii Ku kala sugnaa Gobolada waawayn ee Somaliland, sababta ugu wayn ee loogu wada qancay dhismaha Ururka Solja ayaa ahaa in layidhi wuxuu utaagan yahay ujeedooyin waawayn oo gororaya kobcinta horumarinta Xoriyadda Suxufiyiinta iyo ilaalinta Xuquuqda aasaasiga ah ee Suxufiyiinta guud ahaan Somaliland, Ururku bilawgii hawlihiisa shaqo wuxuu umuuqday urur utaagan ujeedooyinkii loo aasaasay, oo waliba ku ad adag, wuxuu haaneeday kalsoonida Suxufiyiin badan, wuxuu hoystay Sumacad shilis oo kala jirta gudaha iyo debedda wadanka , Madaxda ururka Solja iyagoo Marar badan gudanaya waajibaadkooda xil gudasho , waxaa soo wajahay culaysyo kakan oo kaga imanaya Xukuumadihii kala duwanaa ee ukala danbeeyay ee talada dalka JSL , hasayeeshee Culaysyadaas iyo xaaladaas waxaa kala soo dabaashay Madaxdii talada Ururka Solja ukala danbaysay, Ururkan waxa soo Maamulay hakor isbedelka Gudoomiye Xuuto, iyo Gudoomiye Sakariye oo maanta lagu doortay Magaaladda Hargeysa Suxufiyiin kale oo aan ka xusikaro Weriye Faysal Cali Shiikh , Weriye Muuse Aadan , Weriye Mustafa Shiine Weriye Xasan Maxamed Yuusuf kuwaasoo aan ka gaban jirin inay cod dheer ku sheegaan xaqa suxufiga iyo ilaalinta xuquuuqda xoriyadda hadalka, si ay uga tagaan Taariikh isku eeg, oo maalin uun si wanaagsan loo xusikaro, Inkastoo qaladaad sharci iyo ilduuf masuuliyadeed jirijireen haddana Taariikhda ururkan waxaa ku xusan in Ururka Solja ay madax kasoo noqday rag waaqici ah oo danahooda gaarka ah had iyo gooraale kadoor bidijiray ilaalinta Maslaxada Guud ee Ururka Solja, iyo dhawrista ujeedooyinka ururku ujiro, bal aan mid ama laba kamid ah Madaxdii ururka aan Eray ka kooban ka dhaho, waxaan xasuustaa weriye Mustafe Shiine oo maanta ah Nin siyaasiya balse ka mid ahaa weriyeyaashii soo qabtay Hogaanka ururka Solja, waxyaabo dhacay oo mudan in lays yara xasuusiyo , Mustafe shiine wuxuu ahaa Gudoomiyaha Ururka Solja sidoo kalena wuxuu ahaa Gudoomiyaha Wargayskii afka Dawladda ku hadlijiray ee la odhan jiray Maandeeq, Mustafe wuxuu lakulmay dhacdo kamida dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee uu lakulmo mid kamid ah Madaxdii ururka Solja ukala danbaysay tan iyo markii ururka Solja la aasaasay 2003, Waa dhacdadii xamaasadda badnayd ee Dhaxalsiisay Mustafe Kala doorasho laba arimood oo mid waliba lahayd muhiimad la fahmi karo, mustafe wuxuu kala doortay "inuu saxafiyiinta ka difaaco tacadiyo ka dhan ahaa gudashada shaqadooda, kuwaasoo kaga imanayay xagga Dawladda gaar ahaan Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin iyo inuu Xilka uu Dawladda kahayo uu iska ilaashado geesta kalena uu afka xidho, oo indhaha kalaabto, Dhibaaatada haysata weriyayaasha uu Odayga uyahay ee Somaliland kaga hawlgala sifa sharciga ah, dhibaatadas oo isku si uwada haysatay wariyayaasha ushaqeeya Dawladda iyo kuwa kale ee ushaqeeya Warbaahinta gaarka loo leeyahay, Mustafe oo ahaa nin dhalinyaro ah oo sida la rumaysan yahay ahaa nin Madaxtooyada laga ixtiraamo xilligaas ahaana Gudoomiyaha Wargayska afka Dawladda ku hadla, ayaa go'aansaday isagoo sarkaal dawladeed ah oo lacag fiican qaata Inuu si adag u canbaareeyo falal fool xun oo lagula kacay Weriyayaal, falalkaasoo gaadhay xatta in gacanta loola tago hablo weriyayaal ah kuwaasoo qaarkood lagu eedeeyay afhayeenkii Madaxweynaha Somaliland ee xilligaas, Mustafe Shir jaraa'id buu qabtay wuxuu ku dhaliilay talaabooyinka ay qaaday Xukuumadu ee ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa Madaxbanaanida Suxufiyiinta , iyo inay dagaal cad kula jirto Xoriyada hadalka , laakiinse mustafe Shiine markiiba waxaa laga Eryay shaqadii uu Dawlada kahayay, waxaanuu kuhelay Sumacad, Sheekada Mustafe shiine waxaan usoo qaatay inaan dadka dareensiiyo inuu ahaa Nin garanaya sababta uu uyahay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Markii Sanadkii 2010-kii uu talada wadanka lawareegay Xisbiga kulmiye, waxaa isbedel ku yimi Siyaasadii wadanka sidoo kale waxaa isbedel hogaamineed kuyimi Hogaaminkii Ururka Solja laakiin Siyaasadii Ururku wali waa tabteedii oo isma bedelin, uKaalay Xilligii Gudoomiyaha Solja loo doortay Suxufiga wayn ee ruug cadaaga ah ee Xassan Maxamed Yuusuf iyo kaaliyayaashiisii magaca lahaa sida alle haw naxariisto'e Weriyihii Maxamed Rashiid, qofkii ogaa wuxuu xasuustaa ururka Solja xiligaa warkiisu wuu caddaa, Xil gudashada hogaankiisuna Ilays ifaya ayuu ahaa, weriye kasta oo ku nool kana shaqaysta gudaha iyo debdeda Somaliland wuxuu ahaa awood jirta oo qarankiisa jecel oo shacabkiisu jecel yahay, Dhaliilo way jiraan waanay jirayaan Lkn doorka Ururku wuxuu ahaa mid ka turjumaya qiyamka Suxufiyiinta , marwalbana hadii ururku ka gaabiyo wixii sunne ah kamuu gaabin jirin waajibaadkiisa ku aadan difaacidda Xoriyadda hadalka iyo ilaalinta Xuquuqda Suxufiyiinta Somaliland. Iyadoo sidaasi jirto haddana Dawladdu kamay daali jirin dadaalkeedii ahàa inay meel ku ogaato Ururka Suxufiyiinta ee Solja , Waxa jiray Weeraro habeenimo oo xeeladaysan oo taxane ahaa lagu kala furfurayo laguna kala shakisiinayo Hogaanka ururka solja oo ka imanayaa dhinacyo badan oo ujanjeedha xagga Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo gadaasha ay ka joogaan xubno saamayn leh oo Xukuumadda kujiraa , Sida dad badan xasuusto Hogaanka Solja ayaa muddo markuu joogaba wuxuu toos udhexgalaa xaalad kale haddana xaalad kale , Ugu danbayntii waa laysu awood sheegtay ilaa Lagu dirqiyay Madaxdii ururka qodobo aanay oomateed uhaynin, wixii markaa ka danbeeyay ururkii Suxufiyiinta ee Solja waxaa ku dhacay wax u eeg inqilaab, Waxaana si farshaxamaysan jidkii uu kusocday loo leexiyay hanaankii ururka Solja , Yaa leexiyay ? Xukuumadii kulmiye ee uu Madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wasiiro katirsan ayaa Xilli xilliyada kamid ah waxay u istaageen inay meel iska saaraan awooda badheedhaha badan ee Suxufiga reer Somaliland meeluu joogaba , waxaanay heshiis la galeen mulkiilayaasha warbaahinta oo ubadan Tafatirayaashii wargaysyada Ka hawlgala Magaalada Caasimada ah Hargeysa si loo weeciyo geedigii soo taxnaa ee Ururka Markaa kadib Maxaa Dhacay? Waxaa dhacay wixii dhacay ee laga wada dheregsanaa ee ahaa waxan soo socda , Iyadoo laga duulayo qaab dhismeed cusub ee lagu dhaxal wareejinayo aayaha ururka Solja si awooda Suxufiga meesha loo saarayo loona geeyo meel cidla Ciirsila ah ayaa xubno muhiim ah oo katirsan Xukuumadii Siilaanyo guntiga uxidheen sidii Loosoo afkarilahaa awooda saraysa Iyo Madaxbanaanida ururka Solja kadib markii Xukuumaddu Faa'iidooyin ka aragtay haddii gacan kuhaynta ururka Laga faro maroojiyo Weriyayaasha danlaydu ku yartay ay hiil unoqonkarto iyaga sidookalena meesha ay kasaari karto khilaafaadka soo noqnoqda ee madaxda Ururka iyo Dawladda, dhex mara, Qorshahaasi wuxuu noqday mid guulaysta Waxaana laga dul guuray oo laga tashaday Weriye kasta oo aan lahayn Meherad Afdheer oo warbaahineed oo shaqaysa, waxaa toos uwada macaamilay Mulkiilayaashii warbaahinta gaarka loo leeyay oo ubadan wargaysyadii tirada badnaa ee Kasoo bixi jiray Hargaysa, Waxaa lakala jaray qofkii shaqeeyaha ahaa iyo qofkii loo shaqeeyaha ahaa, waxaa afka laga xidhay badanaa warbaahintii oo Lacag fiican Dawladdu Uqoondaysay bilkasta, waxa ururkii Afduub iyo gacan dawladeed loogu wareejiyay Gudoomiyaha labada door soo hogaamiyay Ururkaas ee Xuuto, oo ahaa Tafatiraha wargayska waaheen ee Somaliland , waa ninkii ugu horeeyay uguna danbeeyay ee mulkiille ah ee ururkaa Wakhtiga ugu badan soo maamulay, waxaa dhacday in weriyihii Wax kaqora Xukuumadda Somaliland toos shaqada laga eryo, xatta haduu ka shaqeeyo wargays, ama Tv ama Website , sababtoo ah hadii aan sidaa lasamaynin waxaa lacagta laga jarayaa meheradda, Waxaa dhacday Warbaahintii inay kuwada hadasho af wada dawladaysan, weriyihii loo baahnaana uu kudanbeeyo bilaa camal, weriye kasta oo wax fahamsanaa waxaa booskiisii buuxiyay Weriye Layli ahi oo hal abuur yar, oo oo ufekeraya sida uu ufekerayo , ninka uu ushaqeeyo, Waxaa dhacday in Mulkiilayaal warbaahineed oo tiro badan Dawladdu xilal u magacawdo, si ay warbaahintoodu ugu hadasho afka Dawladda, Waxaa dhacday in laxidhixidho weriyayaal badan, waxaa dhacday in Somaliland laga waayo weriye ku dhiirada inuu faalo wax ku ool ah Qoro, weriye kasta oo godlanaa markii lagujiyay ayuu gaagaxay, Dhinaca bulshada waxaa lumay xiisihii badnaa ee looqabay wararka wargaysyadu qoraan, kuwaasoo subaxkasta Caasimadda Hargaysa ku quraacan jirtay, waxaa dhacday in hoos udhacaa kuyimi Qiimihii warbaahinta loo nisbeeyo keliya suxufiyiinta, oo farta gaar loogu fiiqo, oo suryo kasta laga caayo, waxaa dhacday in weriyeyaasii waayaan cid iyo meel ay udacwoodaan, kii laxidho iyo kii shaqada laga eryo, Weriye kasta oo maalin la xidhay wuxuu ku danbeeyay inaanu dib waxba uma qorin, weriyihii aan la xidhin isna wuu baqay, waayo wuxuu ogyahay in cid udoodaysaa inaanay jirin, cid caruurtiisa caano ugaynaysaa aanay jirin , hadday Urur lahaanjireen oo Solja la odhan jiray maanta aanay joogin cid ehel u ah oo eraygooda laga haybadaysto waayo af lamasruufay xishoy, Waxaa dhacday in weriyayaal Badan dalka iskaga tageen , kadib markii ay dareemeen In wax waliba is bedelayaan oo qaarkood Somaliland uqaadeen colaad kadibna lagu kallifay inay dalka debediisa kasoo diriraan iyo kuwo kale Muqdisho ushaqo taqaan , waxaa dhacday in marar badan oo wax laga waydiiyay Gudoomiye Tuuto xalaadaas uu sheegay inaan ururka Solja masuul ka ahayn Weriye kasta oo ka baxa Xayn daaba Somaliland, hadalkaasoo aan kujiran Xeerka Saxaafadda Somaliland iyo Ka ururkaba , Falalkaasi waxay Somaliland Dhaxal siisay in saaxadda lagu arko Mulkiilayaal warbaahineed oo qalinkoodii lagaga bedeshay Macaash lana saqiiriyay magacii iyo Halgankii umadnimo ee ay kujireen, loona eekaysiiyay Mashaariicaystayaal, hantiilayaal ah, Waxaasiba waxay dheceen lixdii sanno ee udanbaysay, ee uu hogaanka ururka solja uu hayay Gudoomiye Mohamed Abdi Jama Xuuto Bahdilaada soo wajahday ururka Solja kumay iman dhaqaale la'aan , inkastoo aanay jirin qaadhaan ururku kutiirsan yahay oo ka yimaada Suxufiyiinta Somaliland haddana wuxuu ururku kab aan buurnayn ka helaa Miisaaniyadda Qaranka ee Somaliland, waxaa kale oo la rumaysan yahay inuu Ururka Solja Hantiyay Taageero dhaqaale tii ugu badnayd ee Beesha caalamku geliso horomarinta Saxaafadda JSL, taasoo aanay jirin cid awood uleh inay Xisaab geliso Cidii maamushay Xadiga dhaqaalahaas, Sida ay iisheegeen weriyayaal wax ku ool ah oo soo qishay nuqulo lagu daabacay diiwaano caalami ah oo lagu kaydiyo Horumarka iyo halisaha Suxufiiyinta Gobolka Geeska africa oo ku abtirsada wadamada taageera Kobcinta aqooneed iyo isdhexgalka Ururada utaahan danaha Suxufiyiinta , iyo sida lagu faafiyay faalooyinka shisheeye Warbaahinta Soomaaliya waxaa ku cad in in Ururka Solja uu qayb kanoqday ururada Aqbalay in ay qayb ka ahaadaan Ururka midawga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee fadhihiisu yahay Magaaladda Muqdisho, Taasoo sahashay in ururada Saxaafadda Soomaaliya ay Canbaarayso Talaabooyin ka dhan ah Suxufiyiinta Somaliland oo lakulmay Tacadiyo iyo Xadhig , islamarkaana Solja ay ka gaabsatay inay Arimahaa wax faalo ah kabixiso xidhiidhka Ka dhexeeya Solja iyo nusaj, Gudoomiyahii ururka Suxufiyiinta Somaliland ee " SOLJA " Maxamed Cabdi Jaamac (Xuuto) oo iska casilay Solja isla markaana cidlankaga dhaqaaqay ururkii Solja ayaa lasoo dhaweeyay inuu baneeyo Solja , xilli ay Solja laga werwerayo mustaqbalkeeda, sababtoo ah wuxuu shaqadii kategay iyadoo sanadka 2020 Somaliland hal wargays oo ama laba joornaal. Si joogto ah usoo.baxaan , balse wararka lagu daabacaa aanay meel.fog gaadhin , suuq iyo shacbiyad na aanay hasanin, oo ay xatta tahli kari waayeen inay la falgalaan Internet ka iyagoo uguuraya Isticmaalka Warbaahinta baraha bulshada sida Facebook, Twitter iyo Instagram Maan odhan wargaysyadii way xidhmeen lkn waxaan idhi journal qalinkiisu Saamayn ku leeyahay bulsha Somaliland Maanta majiro, waxaanse sababta uga tegeyaa akhristaha qormadan, Hadaad iiga baahato inaan kula wadaago Wargaysyada xidhmay ee la waayay waxaa kamida Wargayskii uu madaxda ka ahaa Maxamed Cabdi Jaamac (Xuuto) maalintii uu lawareegay Hogaaminta ururka Solja ee JSL Wargayska Waaheen umuu xidhmin dhaqaale la'aan wuxuuse uxidhmay Saamayn la'aan wuxuuse laqabaa dhaliishaa Wargaysyo Badan oo uxidhmay Saamayn la'aan, sikale hadaan udhigo wargaysayada kasoo baxa Hargaysa waxay ahaayeen kuwo ay nooleeyaan oo midhiin uyihiin weriyayaal mararka qaarkeed cashadu ujarto, lknse Qalinkoodu leeyahay in qudhaanjo , wargayskastaa wuxuu ahaa wargays jira oo isbixiya xilli dhaqaalaha Somaliland sidan uu yahay maanta kahooseeyo, wuxuuse kujiray waa Qalinkii Suxufiga kahor intii Xukuumadda iyo mulkiiluhu isku si uwada handaraabin , Fadlan akhriste iswaydii xagay kadhaceen Wargaysyadii caan ahaa ee qalinkooda sida fiinta looga qaylin jiray ee saamaynta togan iyo taban ba lahaa, ee Somaliland lagu majeeran jiray, qofka is leh maxay ahaayeen waa wargaysyadii iska daa gudaha'e xatta balse dalalka jaarka ah qaarkood qalinkooda looga soo caban jiray Madaxtooyadda Somaliland , sida Itoobiya iyo Jabuuti ,kuwaasoo Macne buuran iyo sumcad saraysa kulahaa gobolkan Geeska Africa, Muddo xileedkiii Maxamed Abdi Jamac (Xuuto) inkastoo waxaas oo guuldarro ahi dheceen haddana wuxuu ku guulaystay in Solja yeelato Dhismihii koobaad ee kamida hantida ururku yeelandoono, taasoo uu ku amaanan yahay sidoo kale waxaa xirgalay Kuliyad waxbarasho oo ugaara Saxaafadda oo ay dhawaan ka qalin janiyeen Weriyayaal doora oo muhiim ah, Xafiisyo qalabaysan oo Kubaaan shaqada, Dareenka Maanta iyo dib usixida Solja Qaar kamid ah Suxufiiyinta Somaliland oo aan isleeyahay waxay ka duulayaan Xaaladaas ayaa todobaadankan walaac kamuujiyay mustaqbalka ururka Solja hadal ay kasoo saareen ayaa iigu muuqday mid werwerkiisa leh , Saxafiyiinta ka walaacsan mustaqbalka Solja ayaa aaminsan inay Warbaahinta Somaliland xidhmi lahayd hadaan alle usoo dirin warbaahinta Baraha bulshada oo shacabka Somaliland dhaxal siisay in qofkastaa noqon karo weriye , Weriyayaashan ayaa Door shariif ah ka qaatay iyagoo isticmaalaya Warbaahinta casriga ah ee Baraha bulshada inay waxa kasocda dalka iyo Caalamkaba bulshada gaadhsiiyaaan oo uhagar baxaan oo magac ku yeeshaan muddo gaaban , Waa Weriyayaal dalkooda jecel.balse Baraha bulshada kaga badnaaday Guuladarooyinkii Tirada badnaa ee aan soo xusay ee Nugleeyay Saxafiyiin badan, oo maanta kaga maqan Saxaafadda niyad jab Suxufiyiinta Somaliland qayb kamida oo warka kasoo saaray hanaanka uu kusocdo Qabanqaabada shirwaynaha ururka Solja ayaa umuuqday Weriyayaal waaqica ka dabqaadanaya oo halgan ugu jira wax ay kutilmaameen dib usixitaan ururka Solja , Kaasoo lix sanno hor ka baxay gacanta weriyayaasha , una gacan galay xubno ka tirsan mulkiilayaasha warbaahinta Maxaliga ah, waxay ahayd talaabo gurucan oo ay fududaysay xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo kadib markay gacan wayn ka Gaysatay isbedelkaa Kuyimi sawirkii Solja ee Quruxda badnaaa ee laga dhex arki jiray ujeedooyinka hufan Nuxurka diidmada shirka ee Suxufiyiintaas waxaan umalaynayaa inay salka ku hayso mustaqbalka ururka in laga Sifeeyo talo kasta oo katimi hogaankii dhaxal siisay ururkii saxafiyiinta Somaliland inuu yeesho gododka bahallo galeenka ah iyo dhufaysyo ay ku gabbadaan cid kasta oo taqaanna garab ku daaqa. Sida ku cad xeerka ururka, iyo magaca ururka waxaa lahaanshaha Solja iska leh Suxufiyiinta Jamhuuriyadda Somaliland, Ururka Solja malaha warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo warbaahinta Dawladdu leedahay midna, Ururku wuxuu ujiraa oo u aasaasan yahay u adeegista Weriyayaasha Madaxabanaan ee Kahawlgala qaybaha warbaahineed ee saaxadda kajira oo ay Udub dhexaad uyihiin warbaahintaa aan Kor kusoo xusay ee ka kooban labada nooc ah, kuwaasoo dhamaantood ah weriyayaal Madaxbanaan, oo ku shaqeeya Siyaasada hadba Xarunta warbaahineed ee tooska khusaysa Shaqadiisa,. Inkastoo Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ee ( SOLJA ) laga leexiyay Dhabbaha Sugan dharaartii mabda' looga dhigay Xasarad, xeerjajab iyo dhinac u janjeedhka gurracan, haddana Wax kastoo qaloocday waa la toosinkaraa , ama lama toosinkaro hadaan larabin in la toosiyo , Maanta ayaa in kabadan 100 suxufi Caasimada ubadan waxay oo Doorteen Gudoomiye Cusub iyo Guddi fulineed oo cusub , waxaa iyaguna qaadacay Weryayaal Hargaysa iyo gobolada ka shaqeeya , Waxaa la doortay Weriye lagu magacaabo Sakariye, Kaasoo aan anigu aqaano , kartidiisa Aqoontiisa iyo Deegaankiisaba Waa nin ku banaan inuu xilkaas qabto., lknse Sxbo.badan oo garab iyo gaashaan unoqonlahaa ayaan rumaysnayn inuu ku yimi Si sax ah , oo kusoodaya inay Iyaguna Gudoomiye dooranayaan ama urur samaysanayaan, Waxayse runtu tahay Suxufiyiinta Somaliland way wada og yihiin in Solja Xanuunsanayso oo Dawo Caafimaad ubaahan tahay haddii aan Cududda lakala diray laysku soo duwin , xaalka Solja waa allaw sahal. Iyo inaan laysu joojin oo qolo waliba Is maamusho, Gudoomiye Sakariye Wuxuu dib uhelikaraa kalsoonida saaxiibadii marka uu Solja ka Xoreeyo Cidkasta oo Solja laga Samaysatay Sida gacan togaalaynta Xukuumadda iyo Mulkiilayaasha iyo Waxkasta oo cadaw u ah Suxufiyiinta Suxufiyiinta Somaliland markasta waxay ubaahan yihiin Urur ay hiilkiisa isku halaynkaraan By Qalinkii Cabdisataar Sabri
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO