Sunday January 24th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Saxaafadii Somaliland Oo laba Garab U Kala Jabtay iyo Xiisada Oo Meel Halis Ah Maraysa

0
Friday January 01, 2021 - 18:47:39 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Saxaafadii Somaliland Oo laba Garab U Kala Jabtay iyo Xiisada Oo Meel Halis Ah Maraysa

    Saxaafadii Somaliland Oo laba Garab U Kala Jabtay iyo Xiisada Oo Meel Halis Ah Maraysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxaafadii Somaliland Oo laba Garab U Kala Jabtay iyo Xiisada Oo Meel Halis Ah Maraysa

Mudooyinkii U Danbeeyay Waxa Khilaafaad Ka Dhex Oognaa Bahda Saxaafada Somaliland Qaybo Ka Mid Ah Iyo Maamulka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Kaasi Oo Salka Ku Hayay Hanaanka Qabsoomidda Shirwaynaha Ururka Oo Lagu Soo Dooranayo Hogaanka Sadexda Sano Ee Soo Socda Ee Ururkaasi,Iyo Nidaamka Saxafigu Doorkiisa Uga Qaadan Karo Doorashada Hoggaanka Sare Ee Ururkaasi.

Sida Ku Cad Magaca Ururka Waxa SOLJA Iska Leh Oo Ku Midaysan Saxafayiinta Somaliland Meel Kasta Oo Ay Joogaan, Ergaduna Waxa Ay Ka Iman Jirtay Suxufiyiinta.

 

Hadaba Arrimaha La Xidhiidha Khilaafka Waqtigan Ee Ururka Solja,Iyo Kala Qaybasanaanta Baaxada Leh Ee Ka Muuqata Saxafiyiinta Somaliland, Ayaa Khabiirada U Dhuun Daloola Dhaqdhaqaaqa Ururka Iyo Aqoonyahanka Kale Ee korka Kala Socdayba Waxa Ay Saadaal Aan Wanaagsanayn Ka Bixinayaan Dhismaha Iyo,Jiritaanka Ururkaasi SOLJA,Iyagoo Ku Tilmaamay In Khilaafka Xiligani Uu Yahay Kii Ugu Xooganaa Ee Soo Waajaha Ururka,mudadii uu dhisnaa.

Maadaama Saxafiyiintii Dalku U Kala Jabeen Laba Garab Oo Waawayn,Taasina Dabcan Burbur Aanu Kasoo Kaban Ku Keeni Karto Ururkaasi.

Saxafiyiin Ruuga Cadaa Ah Oo Ka Madax Banaan Labada Garab Ee Saxafiiyiintu U Kala Jabeen,

Si Dhowna U La Socday Xuddunta Khilaafkan, Ayaa Sheegay In Masuuliyadda Burburka Ururkaasi Uu Saldhig U Yahay Hoggaankii Xilka Soo Hayay Sadexdii Sano Ee Lasoo Dhaafay Ee Wakhtigiisu Dhamaaday,Kaasi Oo Halkii Laga Filayay Inay Xilka U Wareejiyaan Si Turxaan La,Aan Ah,Si Badhedh Ah Usoo Diyaarsaday Qorshayaal Dhagaraysan, Oo Ay Ku Doonayaan Inaanu Marnaba Gacantooda Ka Bixin Maamulka Ururka Solja, Taasi Oo Ujeedadu Tahay Inay U Dhiibaan Hoggaanka Xubno Ay Ku Dul Maamuli Karaan Oo Danahooda Gaarka Ah Kaga Dhex Fushan Karaan.

Suxufiyiintan Soo Jireenka Ahi Waxay Si Gaar Ah Dhibaatada Ugu Weyn Ee Soo Wajahday Ururkan Dhabarka U Saarayaan Gudoomiyihii Hore Waqtigiisu Dhamaaday Ee SOLJA,Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto.

Iyagoo Sheegay In Ninkaasi La Yidhaa Xuuto, Uu Doonayo Inuu Ka Arrimiyo Cidii Isaga Bedeli Lahayd Gudoomiyahana Ka Noqon Lahayd Ururka Solja, Iyadoo Labadii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Xuuto Iyo Xubno kale oo Ay Xulufo Yihiin Oo Daaha Dabadiisa Ku Jiraa Olole Weyn Ugu Jireen Sidii Gudoomiayaha Ururka Looga Dhigi Lahaa Nin Ka Mid Ah Shaqaalaha Idaacada Radio Hargeesa, Oo La Yidhaa Sekeriye Maxamed.

Garabka Suxufiyiinta Kasoo Horjeeda Ujeedada Gudoomiyihii Hore Ee Xuuto, Ayaa Dhinacooda Waxay Ku Doodayaan Inaanu Nin Dhalin Yaro Ah Oo Ka Tirsan Shaqaalihii Dawlada Hogaamin Karin Ururkii Ay Ku Midaysnaayen Saxafiiyiinta Somaliland,Ee Waajibkiisu Ahaa Inuu Wax Ka Qabto Gabood-Falka Loo Geysto Xuquuqda Suxufiga Iyo Saxaafada,Taasi Oo Inta Badan Kaga Timaada Dhinaca Xukuumada Marba Talada Haysa.

Saxafiyiinta Waayo-Aragga Ah Ee Ka Madaxa Banaan Labada Dhinac Ee Khilaafku Ka Dhexeyo, Ayaa Garawshiiyo Ka Muujinaya Dooda Ay Ka Qabaan Suxufiyiinta Hay’adaha Warbaahinta Madaxa Banaani,Gudoomiyaha gacan ku rimiska ah ee Cusub Ee Mr. Xuuto Iyo Xulufadiisu Dabada Ka Riixayaan,

Halka Ay Geesta Kalena Kashifeen Ruug-Cadaagan Saxaafadu, Xogo Cusub Oo Daaha Ka Faydaya,Ujeedooyinka Qarsoon Ee xuuto Uu Ku Raadinayo Inuu Ninkan Radio Hargeysa Qabto Hogaanka Ururka,Taasi Oo Ay Ku Sifeeyeen,Inay Salka Ku Hayso Laba Qodob.

 

Waa Tan Hore’e, Gudoomiyaha Hore Mr. Xuuto Waxa Uu Cabsi Weyn Ka Qabaa Hadii Uu Xilka Ururka Qabto ,Gudoomiye Ka Madax Banaan Isaga Iyo Xulufadiisu, In Hanti Dhowr La Geliyo,Maadaama Mudadii Uu Xilka Ururkaasi Hayay Uu Soo Galay Dhaqaale Aad U Xaddi Badan Oo Ay Bixiyeen Hay’adaha Samafalka,

Shirkadaha Waaweyn Ee Ganacsiga,Iyo Xukuumadihii Kala Danbeeyay,Taasi Oo Aanay Jirin Habayaraatee Wax Loogu Qabtay Saxafiyiinta Iyo Saxaafada Somaliland,Oo La Taaban Karo,Iyadoo Hantidaasi Dad U Xog Ogaal Ahi Xaqiijiyeen Inuu Xuuto Ka Dhigtay Wax Uu Gashado Hanti Ma Guurto Ah,Sharer Ganacsi, Qaybo Uu Ku Darsaday Iyo Qaybo Kale Oo Uu Accouno Ku Shubtay Uguna Tala Galay Inuu Ku Daboolo Ololaha Uu Doonayo Inuu Kaga Qayb Qaato Doorashada Golaha Wakiilada.

Dhaqaalahaasi Uu Lunsaday Gudoomiyihii Hore Mr. Xuuto Waxa Sii Dheer Oo Kale, Lix Bloog Oo Dhul Ah Oo U Dhiganta 60 Baloodh, Taasi Oo Mudadii Uu Joogay Gudoomiye Xuuto Ay Ku Wareejiyeen Dawlada Hoose Iyo Dawlada Dhexe,Dhulkaasi Oo Uu dawlada hoose ee caasimada iyo dawladda dhexe Kaga Qaatay In Laga Dhisayo Colagge-Yo Kor Loogu Qaadayo Aqoonta Suxufiyiinta Somaliland.

Hase Ahaatee Uu Oday Xuuto Ka Dhistay Sadex Guri Oo Mulkiyadooda Isagu Iska Leeyahay, Intii Kale Ee Dhulkaasina Uu Isagu Gacanta Ku Haysto.

 

 

Qodobka Kale Ee Uu Uga Jeedo Xuuto In Xubin Ka Tirsan Shaqaalaha Warfaafinta Uu Gudoomiye Ka Noqdo Ururka Ayaa Ah Talaabo Uu Doonayo Inuu Ku Shaabadeeyo Wasiirka Warfaafinta Arrin Aanu Wax Fara Gelin Ah Ku Lahayn, Colaadna Kaga Dhex Abuuro Saxaafada Madaxa Banaan Iyo Wasiirka,Iyadoo Sida La Ogyahay Gudoomiyihii Hore Mr.Xuuto Uu Dagaal Weyn Kula Jiray Wasiirka Warfaafinta Tan Iyo Mudadii Uu Xilka Warfaafinta Qabtay Wasiir Koore,Dagaalkaasi Oo Mr.Xuuto Kaga Fal Celinayay Lacag Sharci Darro Ah Iyo Qalab Xaddi Badan Oo Uu Ku Bartay Wasiiradii Hore Usoo Maray Wasaarada,Balse Uu Ka Diiday Wasiirka Warfaafinta Mudane Koore.



Cabdi cali toronto hargeysa


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO