MUSE BIIXI MA JIBBO QABIILBAA KU DHACDAY
Caadifidda beelaysani waa dareen kalsooni darro oo qofka ku qarsoon kaas oo mar keli ah dibedda ugu soo booda. Kalsooni darrida qofka ku jirta ee naftiisa, iyo reerkiisa ku saabsani wejiyo badan bay yeelan kartaa, halka ay ku aroorto iyo nuxurkeedana inta badan qofka ay ku jirto uunbaa og, in kasta oo dadku wax kasta iska sheegaan. Caadifadda beelaysanina waa fal celis uu qofka kaga jawaabayo fikradaa marka horeba ku qorasoonayd. Waxa jira dad aad u yaqaanna habdhaqanka beel walba oo sii odorosa habdhaqankooda.
Intii madaxweyne Muse Biixi la doortay waxyaalo yaableh oon hore u muuqan ayaa soo baxay. Nin aad u taqaanay nin afgaaban oo meel walba hadal ka shubaya oo laga yaabo maalintii inuu dhowr mafrish isu maro oo talooyin bixinaya oo dadka wax u sheegaya oo reerkiisa ka hadlaya, koox intay mafrish furatay jaad bilaasha dadka siinaya oo intaa ka sheekaynaya beeshooda oo beelo kale ka hadlaya, qof ku faanaya qabyaaladda nidaamka dawladda oo odhanaya shaqaalaha intaasiba waa anagaMadaxtooyo in isku wada reeri isku urursadeen, qof xil loo magcaabayo oo ilaa magaciisa afraad la sheegayo si loo garto cida uu yahay, dhalinyaro u dabaal degaysa guusha kubbada kooxda gobolkooda uu ku hadaaqaya guusha yaa leh- …….. leh.
Ta ugu darani waa madaxweynihii oo isna u muuqda in caadifaddai ku dhacday. Fiqi tolkii kama janno tago. Marar badan waxaad is odhanysaa malaha madaxweynaha ayaaba jilbada ugu weyni haysaa. Madaxweyne inankiisa derejo ku xidhaya, weli Somaliland masoo marin. Cigaal iyo Siilaanyaba wiilal bay lahaayeen, midna intii ay xukunka hayeen wiilashiisu cag ma soo dhigin dalka. Ma caddayn karo in iyagu ku amreen inaanany iman dalka iyo in wiilashu qa’aankaa qaateen. Waxa jiray nin Cigaal ay ilma adeer ahaayeen oo Wasaarada Maaliyadda shaqaale ka ahaa oo aad shaqadiisa ugu wanaagsanaa jeclaana inuu dadka shaqada ku caawiyo laakiinn aan ujeeddo kale lahayn. Cigaal ayaa loo sheegay warka inankaa inaaderrkiis ahaa loo sheegay. Cigaal inta uu wasiirkii maaliyada oo ahaa, Maxamed Saciid Gees u yeedhay ayuu oo ku yidhi inanka Cabdiraxman Buluqbuluq iska dhigaya ee wasaaraddaada jooga degdeg shaqada uga jooji (Buluqbuluq wuxuu ahaa Cabdirxmaan Jaamac Barre oo Siyaad Baare inaadeerkii ahaa). Astaamaha statesmanka lagu yaqaan waa kuwaa – ilaahay qabriga ha kuu nuuro.
Khudbadii uu madaxweyne Biixi ka jeedayay Agabar waxay bannaanka u soo saartay halka ay caadifadan qabiilku salka ku hayso, taasoo dad badani ay garan la’yeen. Hadalada madaxweynaha waxa ku jirtay "inamadeenii ciidanka ahaa ee bari tegay magaceenii kor bay u qaadeen”. Waa iska caddahay in caadifadani ku salaysan tahay magacdoon. Laakiin ma magac dhulka yaalay baa jiray marka hore.? Suaashaa jawaabteeda qofkan caadifidaysan uun baa og.Aan dalkan hareeraha iska taagno oo wada ilaashano inta doorashada laga gaadhayo.
Abokor Baaruud
MUSE BIIXI MA JIBBO QABIILBAA KU DHACDAY
MUSE BIIXI MA JIBBO QABIILBAA KU DHACDAY