Sunday January 24th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Faarax Macalin Waxaa Uu Ka Xunyahay Horuumarka Somaliland Iyo Xidhiidhka Saaxibtinimo Ee Wadamada Jaarka Ah

0
Saturday January 09, 2021 - 17:26:18 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faarax Macalin Waxaa Uu Ka Xunyahay Horuumarka Somaliland Iyo Xidhiidhka Saaxibtinimo Ee Wadamada Jaarka Ah

    Faarax Macalin Waxaa Uu Ka Xunyahay Horuumarka Somaliland Iyo Xidhiidhka Saaxibtinimo Ee Wadamada Jaarka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faarax Macalin Waxaa Uu Ka Xunyahay Horuumarka Somaliland Iyo Xidhiidhka Saaxibtinimo Ee Wadamada Jaarka Ah
Somaliland waxay horuumar wayn ka samaysay dhinaca siyaasadda arrimaha dibeda mudadii uu xukunka hayay madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse
Biixi Cabdi, iyada oo laga duulayo sidii qadiyada Somaliland looga dhaadhicin lahaa wadamada jaarka la ah Somaliland iyo kuwa kale ee calaamkaba,taasoo
horuumar laga gaadhay.

Xidhiidhka wanaagsan ee Somaliland la samaysay wadamada jaarka ah, waxay abuurtay colaad hor leh oo ka timid dowladda Soomaliya iyo shaqsiyaad saamayn
leh siyaasada, kuwaasoo ka xumaaday horuumarka siyaasadeed ee Somaliland samaysay muddooyinkii u danbeeyey,taasoo keentay in Soomaliya ay xidhiidhka u
jarto wadamada Gini iyo Kenya. Shaqsiyaadka sida tooska ah uga horyimid horuumarka Somaliland ee dhinaca
siyaasadda arrimaha dibeda waxaa ka mid ahaa Faarax Macalin oo horay u soo
noqday gudoomiye kuxigeenka baarlaamka Kenya, haatana ah afku xoogle khalad
iyo sax ba ku taageera madaxweyne Farmaajo, isaga oo ka cararay dalkii uu u dhashay ee Kenya.
Faarax Macalin, waxaa uu beryahan eedayn u jeedinayey dowladaha Kenya iyo
Jabuuti ka dib markii labadaa dal uu booqasho rasmi ah ku tegey madaxweynaha
Somaliland bishii la soo dhaafay, safaradaasoo ku soo dhamaaday guul iyo xidhiidh hor leh, gaar ahaana xidhiidhka cusub ee u dhexeeya Somaliland iyo
Kenya.


Faarax Macalin waxaa uu bixiyey waraysiyo kala duwan iyo qoraalo ka dhan ah xidhiidhka dowlada Somaliland iyo dalka Kenya, isaga oo si indho la’aan ah u
taageeray xidhiidhkii ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay u jartay dalka Kenya, kaasoo aan waxba u soo kordhin soomali, wax aan fadeexad iyo muuqaal xumo
dowladnimo aan ahayn. Sidoo kale faarax Macalin waxaa uu aflagaadeeyey madaxweynaha Jamhuuriyada
Jabuuti, isaga oo Faarax ka xun soo dhowayntii loo sameeyey madaxweynaha
Somaliland, muujinayana sida uu uga xun yahay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya dowlada Somaliland iyo dowlada Jabuut.

Sida aynu wada ognahay Faarax Macalin tan iyo markii uu ka tegey baarlamaanka dalka Kenya, waxaa ku dhacay khalkhal siyaasadeed, isaga oo u xuub siibtay
shaqsi fadhi ku dirir ah marba nin siyaasi ah uu hadal u dhiibto ama xaalkiisuba uu yahay ii dheh oo kale,.
Si kastaba ahaatee hadalada ka dhan ka ah Somaliland ee ka soo yeedhaya FaaraxMacalin, iyo taageerada indho la’aanta ah ee uu siinayo madaxweyne
Farmaajo, waxay muujinaysa sida Faarax macalin uu uga xunyahay horuumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay wadamada jaarkeeda iyo aduunka intiisa kaleba.

Waxaan odhan lahaa Faarax Macalin, ka waantow qiirada aan jirin ee aad ku taageerayso Farmaajo oo aad ogtahay in ciidamo ka yimid wadamada aad
caayaysid ay ku ilaaaliyaan Muqdisho.

Cabdillaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO