Monday March 01st, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Donald Yamamoto: Wallee Feytanow Dhaan Dambe Ayaanay Cidina Kuu Dhiiban: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

0
Sunday January 31, 2021 - 20:57:37 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Yamamoto: Wallee Feytanow Dhaan Dambe Ayaanay Cidina Kuu Dhiiban: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

    Donald Yamamoto: Wallee Feytanow Dhaan Dambe Ayaanay Cidina Kuu Dhiiban: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Donald Yamamoto: Wallee Feytanow Dhaan Dambe Ayaanay Cidina Kuu Dhiiban: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Dawladda Maraykanku safiirrada ay u magacaabayso in ay wakiillo uga noqdaan dalalka Dunida waxa lagu soo xulaa waayo aragnimadooda iyo aqoonta ay u leeyihiin diblamaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah (career diplomats); waxase jira safiirro tiro yar oo madaxweynuhu ku maamuuso in ay dalkiisa wakiil uga noqdaan waddamo Maraykanka la xulufo ah.

Safiirrada ruug caddaaga ah yaala waxa loo diraa waddamada Maraykanku ka leeyahay dano muhiim ah sida quwadaha waaweyn iyo kuwa hore uga maray dhinaca dhaqaalaha laakiin, dalalka Dunida saddexaad gaar ahaan kuwa Afrika waxa loo soo magacaaba kuwo ka heer hooseeya (junior Diplomats).

Isku soo wada dar guud ahaan waa rag xul ah hase ahaatee mararka qaarkood waxa dhici kara in si khalad ah loo soo magacaabo rag aan ku haboonayn shaqada loo igmaday ee safiirnimo oo hagaaf ah, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa safiirka Maraykanku u soo dirtay Soomaaliya Donald Yamamoto.

Diblamaasigan ilaalinta danaha Maraykanka ka sakow waxa loo soo xilsaaray in uu dib u soo nooleeyo Qarankii fashilmay ee Somalia, siiba in uu ka caawiyo yagleelka hay’addihii dawladda ee burburay, dhismaha ciidamada Qaranka si looga maarmo ciidanka AMISOM, kobcinta dhaqaalaha, dimuqraaddiyadda iyo in uu xukuumadda gacan ka siiyo la dagaallanka urur diimeedyada xagjirka ah ee Soomaaliya iyo gobolkaba ka hawl gala; hase ahaatee intii uu joogay xaaladda Soomaaliya way ka sii dartay ama way ka sii xumaatay sidii hore.

Yamamoto inkasta oo aanu ku guulaysan xattaa mid ka mid ah arrimihii loo soo xilsaaray haddana Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka (The State Deparment) wuxuu u gudbin jiray warbixino xaqiiqada ka fog iyo aragtidiisa gaarka ah oo aan ka turjumayn siyaasadda Maraykanka. Wuxuu diri jiray warbixino Soomaaliya iyo maamulka madaxweyne Farmaajo ka bixinaya sawir qurux badan si uu dhaqaale badan uga helo Beesha Caalamka.

Waxa uu ka aammusay xasillooni darrada iyo dhibaatada dawladda Federaalka Soomaaliya ka waddo maamul gobolleedyada gaar ahaan Jubaland. Mar kasta wuxuu hoos u dhigaa guulaha, horumarka iyo wararka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee waxa dhammaad ah muddo xileedkiisii safiirnimo, waxaanu Soomaaliya ka tagayaa isaga oo ‘file’-kiisu madhan yahay oo aan wax guul ah ka soo hoyn shaqadii loo magacaabay haba-yaraatee, sidaa daraadeed waxaan u malaynaya in ay noqon doonto shaqadiisii ugu dambeysay, wuxuuna ku biiri doona liiska diblamaasiyiintii ugu liitay taariikhda ee soo mara Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka sidaa awgeed Yamamoto waxa lagu tilmaami karaa ninka Soomaalidu ku hal qabsato ee ay tidhaahdo"Wallee Feytanow dhaan dambe ayaanay cidina kuu dhiiban”.

Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com



 
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO