Fariin Golaha Gurtida Qore Khadar Ibrahim
Bismilaahi al raxmaan al raxiim, waxaan salaamaya bulsho weynta somaliland, intaa kadib waxaan maanta u diraya qoralka ku socda golaha gurtida Somaliland ee barakaysan ee u hogaminayo gudoomiye Md. Saleebaan maxamuud aadan.
Dhayal laguma helin madaxbanaanida iyo jiritaanka dalkan Jamhuuriyada Somaliland ee dhib ayaa loo soo maray,dhiig ayaa loo shubay,caqli,dulqaad iyo samir ayaa lagu gaadhay dawlad iyo nabada lagu naaloonayo.
Gudoomiye qolada komishinka iyo xisbiyado waxay cayimin wakhtiga doorashada bisha may oo aan sharci ahayen borinayana mudo kordhintii sharciga ahayed aad ku dhawaaqdin 2019 in doorashooyinka Nov 2021 noqoto.
Dalkan wuxuu ku dhaqma waa shuruucda, in lagu tumto sharcigana waa ka mamnuuc qarankan aad hogaminaysaan mudanayaal,sida darteed waa in aad ka hadashaan talaabadan iyo xishiiskan guracan ee ay gaadhin xisbiyado.
Mid labaad baa jirta gudoomiye waxa ku bigmaya bisha october 2021 wakhtiga la furi laha xisbiyada sida oo u dastuurku u dhigayo 10 sanno kaste ,waxaana ugu danbeysay oct 2011 oo madaxweyne silaanyo furay waaga, 3 xisbi qaran ee maanta jirana way ka dhamaatay laysankii xisbinimo, taasna waa in madaxeynaha fartaan in u furi wakhtigeeda.taasma dhacday waa in ururada ay tartan galaan dhexdooda si loo helo lixda urur ee galaya tartanka doorashada.
Mana surta gal noqon karto in Nov 2021 la galo doorasho maadama uruuro la furayo oo wakhti lix bilood bay gaadanaysa diwaan gslintooda iyo tartankooda. Sida darteed waxaan usoo jeedinaya in doorashada wakiilada iyo deegaanka laga dhigo May 2022 ,gurtidana May 2023 noqoto.
Fariin Golaha Gurtida Qore Khadar Ibrahim
Fariin Golaha Gurtida Qore Khadar Ibrahim