Monday March 01st, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Jabka Tigrayga: Gumaysi hor leh mise gobanimo curatay?

0
Sunday January 31, 2021 - 21:02:56 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabka Tigrayga: Gumaysi hor leh mise gobanimo curatay?

    Jabka Tigrayga: Gumaysi hor leh mise gobanimo curatay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabka Tigrayga: Gumaysi hor leh mise gobanimo curatay?
Abiy Axmed waa nin aan warkiisu caddayn. Siyaasigan oromka ah ee Apil-2018 xilka raysalwasaaranimo ee Itoobiya loo magacaabay waxa uu Geeska ka fuliyay isbeddello aan
haabka ba lagu hayn, oo ifafaalaha dhicitaankooduna aanu muuqanayn waagaa xafiiska loo igmaday. Laba bilood uun ka dib markii uu xafiiska la wareegay xukuumaddiisu waxay sheegtay
inay ka go’an tahay xal u helidda collaada xuduudda ku salaysan ee iyaga iyo Eretiriya 20 ka gu’
soo dhextaalay. July-2018 Abiy ayaa ka degay Asmara, halkaas oo isaga Isaias Afwerki ay heshiis ku kala saxiixdeen, colaaddii arwaaxda iyo dhaqaalaha badan labada dhan ba ka galaafatayna waxa uu u beddelay saaxiibtinimo iyo iskaashi.


Arrinka labaad ee yaabka leh ee Abiy ku kacay waxa uu ahaa inuu xisbigii Tigreega (TPLF) oo qayb ka ahaa xisbiga lagu bahoobay ee EPRDF, ahaana garabka ugu awoodda badan ee dalka
maamulkiisa isku koobay milateri ahaan iyo dhaqaale ahaan ba, uu hab-maamulkoodii iyo
qorshayaashoodiiba qaaddacay. Arrinkaas oo ahaa nafhurnimo iyo khammaar noloshiisa uu ku biime geliyay. Waayo, TPLF doqmo ma aha oo way fahmayeen cawaaqibka ficilladiisa ka
dhalanayay, iyo talada oo gacantooda ka baxdaa taariikhda ay reebi karto. Isaguna wuu
garanaayay TPLF waxa ka suurta geli kara haddii damacooda la gacan bidixeeyo oo sida ay wax u doonayaan loo wadi waayo. Wuuse u badheedhay mahlakadaa naftiisa uu ku waayi karayay.
Doobir wanagiisa wuu badbaaday oo wixii oo sirdoon ahaa, ee faji ahaa, majare-ka-leexin ahaa ee TPLF samaynaysay wuu ka samata baxay. Ugu dambayntiina waa kii dirir ku qaaday ee wax bil ka yar xaalkooda ku soo gebagebeeyay. Kooxdii 27 sano hub urursiga iyo hanti urursiga ku
hawlanayd goor aan habeenna ahayn maalinna ahayn buu Abiy hilfha u qaaday, oo wax la xasuuqay, wax la xabbisay iyo wax la qixiyay buu ka dhigay.

Ismaamul goboleedyada iyo muwaadininta Itoobiyaankuba gacanta birtii ahayd ee TPLF ku haysay way ka nasteen intii Abiy xilka hayay, walaw xurgufo iyo qas weli meelo badan ka jiraan.
Dawlad degaanka Soomalida ayaa tusaale inoogu filan, oo intii guulwadayaashii TPLF ee Ina Ilay horjoogaha u ahaa laga takhalusay dadku neecaw iyo naxariis bay dareemayaan iyo weliba xorriyad.

Haddaba, haddaynu cinwaanka qormada ku laabanno, waxa is waydiin leh; Abiy go’aamadan qadhaadh ee uu qaatay ma ku-dhac kelinimo ah oo isaga uun ka soo go’day baa gelinsiisay mise
jihooyin kale ayaa ku loohan oo wax la qorshaynayay. Haddii aynu ku noqono go’aankiisa kowbaad, ee Eretiryaanka uu kula heshiiyay, waxa aynu arkayna in heshiiskaasi uu hoog ku ahaa
Tigreeyga, oo dhul ay xoog ka haysteen uu Eretiryaanka u celinayay. Go’aankiisa labaadna waxa
uu ahaa sidii TPLF talada dalka ee ay tuurta ku sitaan uu uga dejin lahaa, taas oo aakhirkii sababtay inuu awood milateri adeegsado oo uu weerar ku dabxidho.
Waxayaabaha kale ee tixgelinta leh waxa ka mid ah hadaladii uu ka jeediyay Baarlamaanka
hortiisa markii dagaalka Tigreega uu ka lib keenay 30-nov-2020. Khudbaddaa waxa uu ku sheegay in TPLF ay doontay inay dala’sato, disho, majare habaabiso, iyo weliba inay qalalaasaha
qoomiyadaha u dhexeeya iyagu ay sidaalinayeen, dililka qorshaysan iyagu wadeen. Hadaladaas waxa laga dhadhansan karaa in meesha loollan wayni ka jiray oo Xaajadu ay ka balladhnayd
Abiy oo dhan ah iyo TPLF oo dhan ah. Waayo keligiis ma awoodeen inuu iska caabiyo ama u babac dhigo mawjadaha maqsadka leh, ee sidii ilkaha abeesada hoosta ka xidhiidhsan.

Midda kale ee milicsiga lehi waxay tahay, TPLF hubka ay haysatay waxa uu ahaa midka Itoobiya ugu casrisan uguna culus. Sidaas darteedna khubaradu bilawgii hore ee dagaalka waxay
saadaalin jireen in TPLF lagu jebin karo "go’doomin iyo gaajaysiin” oo keliya. Taasina ma dhicine maalmo kooban baa xaalkoodiiba lagu soo afjaray. halkan waxa laga fahmi karaa in
hubkii ay hayeen (hubkii dalka ugu casrisanaa ee la ogaa) mid ka sii casrisan lagu la diriray oo lagu jebiyay. Kaas, tolow xaggee laga keenay? Goorma ayaa se laga soo gaadhsiiyay?

Isku soo xooriyoo meesha in qorshe Amxaareed sannaddo badan la tolayay ka hirgalay baa la suurayn karaa. Intaa hore marka lagu daro weliba in Abiy uu yahay Orom Amxaaro abti u tahay
af -Tigreega na la baray, sida uu meesha ku yimi iyo go’aamada Tigray-wareenka ah ee uu judhiiba ku dhaqaaqay wax baa laga dhex sawiran karaa.
Haddii malahani uu run noqdo, oo Abiy uu ahaa aalad Amxaarku ku adeegnayay oo xukunkii
soddoneeyada sano ka maqnaa ay ku soo xero gelinayeen, xaalku laba qawlaysato oo kala xoog iyo xeelad batay uun buu noqonayaaye waa’ cusub oo Itoobiya u beryay ma jiro. Bal e’ gorayo
gabal u dumay baaba xaalkooda noqon karaa oo mooryaan Amxaareed oomani wuu ka daran
ahay TPLF kii tegay.
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO