Monday March 01st, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

JEEGAAN IYO II BIJI AAN KUU BIJEYEE , LABA ISBAHAYSI OO XARAAN AH

0
Saturday February 06, 2021 - 20:14:21 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JEEGAAN IYO II BIJI AAN KUU BIJEYEE , LABA ISBAHAYSI OO XARAAN AH

    JEEGAAN IYO II BIJI AAN KUU BIJEYEE , LABA ISBAHAYSI OO XARAAN AH

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JEEGAAN IYO II BIJI AAN KUU BIJEYEE , LABA ISBAHAYSI OO XARAAN AH

In kasta oo isbahaysiga siyaasadu uu yahay wax caadi ah oo dunida oo dhan ka jira, haddana marka uu ku salaysan yahay qabiil ee anu ku fadhiyin mabaadii waa wax aad u fool xun si gaara dhaqanka Somaliland ee markiisa horeba qabiilku dishooday. Kala qaybsnaanat ay abuurtay siyaasadii foosha xumayd ee Jeegaantu waa mid weli raad ku leh siyaasadda Somaliland.

Muddo badan ayaynu ilaahay ka baryeynay in siyaasadda hab beeleedka iyo qori isu dhiibka ee Jeegaantu ay soo af jaranto. Nasiib wanaag, waynu arkaynay inay soo burburayso muddooyinkii dambe, arrintaana waxa ammaanteeda leh Madaxweyne Muse Biixi oo intii uu xilka hayay ku dadaalay in isbahaysigaa dulmiga ku dhisani meesha ka baxo.

Nasiib darradase dhacday waxay tahay waxa lagu beddelay isbahaysi kale oo isna beelaysan oo baraha looga bixiyey II BIJI AAN KUU BIJIYEE oo iyadu laftigeedu keeni karta kala qaybsnaan tii hore ka weyn iyo dulmi hor leh. Isbahaysagan csusubi waa mid ka sii qaab daran kii hore ee jeegaantii burburtay. Isbahaysiga jeegaantu wuxuu ahaa mid dalka, bari iyo galbeed fidsan oo inkastuu dadkii kal qaybiyey haddan aan dalka kala qaybin. Isbahaysigan cusubi isagu dadkii iyo dalkiiba waxaad mooddaa inuu kala qaybinayo. Waxayna u muuqataa inuu weliba fursad aan ku talo gel ahayn siiyey Jabouti oo weligeed ku taamaysay siday Somaliland shafka dhulka ugu dhigi lahayd iyo Somaliya oo iyadu cadowga kowaad ee Somaliland.

Waxaynu hadda arkaynaa siyaasiyiin uga dhex ololayna Somaliland doorshada Madaxeyne Jabouti iyo kuwa ka difaacaya eedaynta Somaliya u soo jeedisay . Dhinaca kale iyana la arkayaa dad u tafaxaydan sidii Somaliya mashaariic degaanadooda ugu maalgelin lahayd.

Abokor Baaruud

 

Buruda2006@gmail.com


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO