Thursday February 25th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Adan Muse Cilmi (Adan Shiine),oo hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane,Mujaahid,Muse Biixi Cabdi,xisbiyada Qaranka,Komishanka,labada Gole Qaran iyo shacabka Somaliland

0
Saturday February 06, 2021 - 20:18:52 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Adan Muse Cilmi (Adan Shiine),oo hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane,Mujaahid,Muse Biixi Cabdi,xisbiyada Qaranka,Komishanka,labada Gole Qaran iyo shacabka Somaliland

    Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Adan Muse Cilmi (Adan Shiine),oo hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane,Mujaahid,Muse Biixi Cabdi,xisbiyada Qaranka,Komishanka,labada Go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Adan Muse Cilmi (Adan Shiine),oo hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane,Mujaahid,Muse Biixi Cabdi,xisbiyada Qaranka,Komishanka,labada Gole Qaran iyo shacabka Somaliland Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Ad an Muse Cilmi (Adan Shiine),ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane,Mujaahid,Muse Biixi Cabdi,Komishanka Doorashooyinka Qaranka,Xisbiya da Qaranka,Golaha Wakiilada ,Golaha Guurtida & shacabka Somaliland,guusha ay ka gaadheen Diiwaan gelinta cod bixiyaasha iyo go'aanka ay isku waafaq een wakhtiga Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golaha degaanku,ay ka qabsoomi doonaan geyigeena Somaliland.Ex-Mayor,Mujaahid, Eng. Adan Shiine, wuxuu Allah awooda leh uga mahad celiyey,Nabadda uu Somaliland ku arsaaqay,oo ah buu yidhi ,ta aynu maanta halka aynu joogno inoo suurta galisay.


Ex-Mayor,Mujaahid,Eng. Adan Shiine," Waa maalin taariikhiya,waa maalin ay aad ugu diirsadeen inta jecel wanaaga iyo jiritanka Somaliland, ee naftoodii iyo maalkoodiiba u soo huray Gobanimada aynu maanta ku naaloonayno.Waa maalin ku suntan geedi socodka Dimuqraadiyada ee Jamhuuriyada Somaliland ka hana qaaday,waxaanay ka nixisay,dhinbiil dab ahna ku no qotay,Cadawga gudaha iyo ka dibada,ee neceb jiritaanka,Qaranimada & horumarka Somaliland.

Waxaan aad ugu diirsaday khudbadii taariikhiga ahayd,ee madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,mudane,Mujaahid, Muse Biixi Cabdi,uu ka jeediyey xuska 27-aad ee aasaska Ciidanka Qaranka Somaliland,ee fariimaha is barkan xanbaarsanayd,ee uu ku hoga tusaaleeyey inaynu nahay Qaran isku tashad ay,dhalasho iyo dhiigba wadaaga,cidnabana aan gacmaha u hoorsanayn,aan ahayn Allaha kownkan abuuray,ee isaga ay wax walba gacantiisa ku jiraan.

Anigoo fursadan ka faaiidaysanaya ,waxaan Hambalyo u dirayaa Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland,oo u dabaal degay xuskii 27-aad ee aasaas koodii,muujiyeyna inay yihiin Ciidan aan Cadawgu marnaba soo haybsan karin,ahna kuwa habeen & maalin heeganka ugu jiran inay sugaan, oo ilaaliyaan Nabada,Karaamada & Qaranimada Somaliland....Guuleysta walaalayaal meel aad joogtaanba."

Ugu danbewyntii ,Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Adan Muse Cilmi (Adan Shiine),waxaa uu u duceeyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane,Mujaahid, Muse Biixi Cabdi,waxaanu Allah awood leh uga baryey,inuu xilka uu Rabbi u dooray,ku asturo,u fududeeyo,ku garab galo,kuna guuleeyo Aqoonsiga Somaliland,dalka iyo shacabkana uga tago dhaxal lagu xasuusto,oo aan abid ka duugoobin.
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO