Monday March 01st, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Haddi ay Somaliland Kula Dhuuqi Karto Sierra Leone Furaha Internetka (Internet Domain), Sidoo Kalena Ha Kula Dhuuqdo Furaha Taleefanka (Country Code) Iyo Heesta Qaranka (National Anthem)

0
Saturday February 06, 2021 - 20:22:43 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddi ay Somaliland Kula Dhuuqi Karto Sierra Leone Furaha Internetka (Internet Domain), Sidoo Kalena Ha Kula Dhuuqdo Furaha Taleefanka (Country Code) Iyo Heesta Qaranka (National Anthem)

    Haddi ay Somaliland Kula Dhuuqi Karto Sierra Leone Furaha Internetka (Internet Domain), Sidoo Kalena Ha Kula Dhuuqdo Furaha Taleefanka (Country Code) Iyo Heesta Qaranka (National Anthem)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddi ay Somaliland Kula Dhuuqi Karto Sierra Leone Furaha Internetka (Internet Domain), Sidoo Kalena Ha Kula Dhuuqdo Furaha Taleefanka (Country Code) Iyo Heesta Qaranka (National Anthem)
Wixii aad mashaqaaba wixii kale ka daran oo waxaad is odhanyasaa ma adigaa waalan mise Caddan baa laga heesayaa? Waa meel soke
Caddaniye waxaad is odhanaysaa malaha Antarctica iyo qaaradda
baraflayda ah ayaa laga heesayaa. Dr. Cabdi Weli Suufi Jibriil oo ah Wasiirka Boosaha, Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda oo saddexda
magac ee wasaaradiisa la is daba dhigayba iska yihiin kuwo waraabe taaga oo aan midna wax gacan ah oo ay dawaladdi ku haysaa aanay
jirin, sababta oo ah wax booso ah oo loo diro Adduunka ama inooga timaadaa ma jirto. Maamulihii shirkadda Daallo ee Colaad ayaaba
horraantii 90kii sameeyay boos yar oo iska macquul ahayd oo inta loo sameeyay xafiis la keeno laguna ururiyo waraaqaha oo Hargaysa ku
yaalay marka ay xaddi gaadhaanba la soo saari jiray diyaaraddii Daallo ka dibna Dubai inta la keeno halkaa lagaga soo dhajin jiray tikidhadda
(Stamps) iyadoo loo kala diri jiray wadamadda ay ku kala socdaan sidaana ay igu soo gaadhi jireen anigoo Holland joogga iyadoo
waraaqdaasi ka timi Hargaysa. Dhako ayay ahayd, ha iloobin waa mudo
ku siman 30 sanno ku dhawaad ka hor. Ma is tidhi xilligaas ayay Somaliland hore u socotay oo ay maanta dhaantay? Tikniyoolajiyad
iyada haba soo qaadin oo Wasiirka ayaa la waydiin Tikniyoolajiyadda Somaliland farsamayso ama ay gacan ku hayso, wax ay gacanta
xukuumadda Somaliland ku hayso oo Isgaadhsiin ah ma arag, cid sheegaysaana ma jirto haddii aanay u jeedin inta ay shirkaddaha gaarka
loo leeyahay sida kuwa Telefoonnadu ay hayaan. Allay lehe saddex magac oo waraabe-taag ah iyo Wasiir waraabe-taag ah iga dheh.


Dr Cabdi Weli Sheekh Suufi waxaanu ku wada qadaynay miis bishii January 2017kii, waxaanu ka wada qayb qaadanay martiqaad naloo
fidiyay isaga iyo labo nin oo kale. Ka dib waxaan la soo qaaday bal inuu ii fududeeyo inaan arko Muuse Biixi Cabdi waa uu ka meeraystay sida
caadadda u ah kuwaa ka ag dhowdhow dhamaantood. Waxa ay ilaashadaan danta khaaska ee iyaga u gaarka ah waana halka ay reer
Somaliland ka yidhaahdaan wuu iga dhacay. Wax uu meeraystaba waan kala hadhi waayay oo waxaan ku idhi waxaa ii muuqata bidhaantii

aqoonsigan 30 ka sanno idinku noqday laf dhuun ku taagan ee aan idin tilmaamo ee ninka meesh danbaaba ii gee oo waxaad tidhaahdaa bal "
Ninkan warayso waxa uu tibix ka hayaa halka aqoonsigii lagu sheegay oo baadhid cilmi ayuu sameeyay oo arrinkaa ku saabsan.”
Meeraysigu waa sifo aan ku arakay isaga iyo kuwo kale oo aan hore ula
kulmayba, Waxaan kala garan waayay in uu ka baqanayo sida carruurta iyo inuu ilaashanayo (Title) ka yare ee uu ugu xaadiro mushaharka kuna
sito magac wasiir wax ma tare ah. Ka dib haddalkii markii uu gu’i
waayay ee aan ku celceliyay kuna adkaystay bal inuu iskaaya tuso ninka madaxwayaha ah ayuu aakhirkii is yidhi la kaalay marmarsiiyo aad iska
furfurto, kuye "Agaasimayaashii ayuu magacaabayaa oo uu ku
mashquulsan yahay kala hufidooda oo waa mashquul.” Xilligaasi waxa ay ku beegnayd bishii labaad (2018) intii uu Muuse Biixi Cabdi xilka la
wareegay oo taasi ayuu gabood ka dhigtay inkastoo ay ahayd marmarsiiyo jaban oo aan qof caqli leh loo sheegi karin. Markaas
waxaan ku go’aan qaatay mar haddii kuwii wax ka maqnaayeenba aanay u heelanayn in wax lala qabto oo dalka iyo dadka wax la taro,
maxaa ku lulaaya Laangadhe ayaa aan hoos isula faqay oo aan ku soo gaabsaday, kuna idhi Wasiir cidhib barako leh ku dhufo hawshaasi
idinka ayaa kitaabo ugu dhaartay oo ay dushiina tahaye.
Saddex sanno oo kaamil ah ka dib waxaa soo muuqday Cabdi Weli Suufi Jibriil iyo waraaq uu bishii hore ee January 2021 u qoray Wasiirka
Warfaafinta ee Sierra Leone oo uu kaga codsanayo bal inay Somaliland u ogolaato inay Sierra Leone la isticmaasho furraheedda Internetka
(Internet Domain). Sierra Leone waxa ay dhacdaa Galbeedka Afrika xorriyaddeedana waxa ay qaadatay 1961, waa sanad ka dib tii
Somaliland ee ay iska lumisay.

Haddaba Wasiirkaa waxma ogaha ah waxa aanu ogayn in aanay Sierr Leone noqonayn Somaliland oo xataa haddii ay u ogolaato aanay suurta
gal ahayn oo Furraha Sierra Leone ee Internetku (internet Domain ) uu
yahay qayb ka mida madaxbaanidda dalkaasi. Ha is waydiiyo wasiirku halka ay jaan iyo cidhib dhigtay madaxbanaaniddii uu qarankani qaatay
60 sano ka hor? Hana is waydiiyo oo kale 30 sanno oo kale waxa ay xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo kuwii ka horeeyayba ugu guul
daraysteen, waxa mar labaad loogu guulaysan waayay in aqoonsi caalamiya loo helo gobanimaddii ay SNM ku guulaysatay soo
dhicinteedda oo ku beegnayd January 1991kii.

Wasiir haddii aad istustay inaad dalkaa yaree Sierra Leone furaha Internadkeedda (Internet Domain) la wadaagi karto kolkaa istus inaad
kula dhuuqi karto furaha taleefankooda lagu soo galo ama (Country
Code-ka) iyo waliba Heesta calankeedda ee (National Anthem-ka) iyo waliba Kuriga ay UN ku leedahay ilayn waadigaa kaagii lumiyay 60
sanno ka hor 30 sanno ka dibna ku guulaysan waayay inaad Adduunka
ku qanciso inaad mar labaad noqotay dal Madaxbanaane Intaa aan soo taxayba waxa ay qayb ka yihiin astaanta iyo qaranimadda dalka Sierra
Leone inay kaa marti galiso qaranimadeedda waa wax aan caqliga
alayn.

Su’aalsha idin hortaala adiga iyo madaxweynaha iyo inta hogaanka u ah dadka reer somaliland waa in aad meel ku sheegtaan madax banaanida
Somaliland iyo sidii dalkan aan waxba loogu soo dawari lahayn ee waxa ay garta ugu leeyiihiin adduun waynaha loogu soo dhicin lahaa? Ma aha
in amaano loo raadiyo. Waa na isla su’aalshii aan ku idhi jawaabteeda aan talo idinka siiyo, si loo suggo madaxbanaani qarankani dib u helo 60
sanno ka dib tii uu lumiyay,

Gollaha wasiiradda xukuumadda aad ka tirsan tahay Madaxwayaheedda iyo madaxwayne ku xiggeenka kolna table tennis, turub iyo dubnad kula
ciyaaraya ilaaliyaashiisa, waydii halka uu ka bidhaamayo aqoonsi
buuxa oo caalamka ay Somaliland ka hesho kuna yeelato fure Internet (Internet Domain), fure telefoon. Haddase waxaad tahay qayb Somaliya
ka tirsan, suurta galna kuuma’aha inaad isticmaasho astaan qaran oo
dal kale leeyahay ha noqdo Sierra Leone ama qaran kale oo Caalamka ka mid ah. Fahanna u yeelo siyaasadda iyo sida ay u shaqayso, haddii
kale waxaagu waa iga gee iyo ruwaayaddii Radiyaha ee Canaad Nuur
ama ruwaayaddii Aw-Bustaale oo Ismaaciil Cabdi ( Basbaas) ku
matalayay Sheekh caalim ah isagoon Alif garanayn aakhirkiina ku danbeeyay dhamaadkii ruwaayadda in lagu oriyo oo hadal loogu soo
gaabiyo "Beenaale Buufiye.” Waxa kaliya ee Somaliland u hadhayna
waa inay tidhaahdo SL ayaa loo soo gaabiyaa Somaliland sidoo kale Sierra Leone ee Sierra Leone saaxiib iiga durug kursigaaga qaramada midoobay (UN-ta) aad ku leedahay aan kugula fadhiistee kaygii aan kaa hor qaatay 1960kii meel aan kaga waramo ma garanayee taasi weeye Somaliland haddii aad rumaysanayso iyo haddii kaleba Dhulkeena
Nimcaa Fadhidoow.

Qore: Cabdi Muxumed

cabdimuhumed60@gmail.com
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO