Xaalado aynu hayno iyo kuwo ku iman kara Dalkeena Somaliland W/Q Mohamed Aden
Hassan.
Dalka Somalilnad in kastoy nabad taam ah ka jirto o aan ilaahay mar walba uga mahad naqayno hadana waxa jira duruufo aad u adag o qaranka soo wajahay o ay ugu hoorayso
kala qaybsanaan bulsho taas o ay doorashadi 2017 kasoo bilaabmatay , iyada oo dadka Somaliland dad goba yihin haddana waxa wacan in la helo cid is xilqaamta o ay culimada
iyo dadka indheer garadka ahi ku jiraan waxaana kaw ka noqonaya xukumada manta
joogta in ay dadaal labo jibaaran ku bixiso arintaas sidaas maxaynu u lenahay waxa inagu soo socda dooroshoyin isku lamaan oo degaan iyo barlamaan ah si loo helo doorosho nadiif ah o lagu qanci karo waa in gogol xaadh badan la sameeyo ka hor ololaha doorashada si aynu qarankeena wax walba o kusoo fool leh ugu badbaadino isla markaana hore ugu
socono.
Kasoo gudub qodobkaas waxa jira qodob kale oo isna muhiima o ay haboontahay in aynu indhaha ku hayno o ah in samankan hadda ku jirno dalalka inala jaarka ah ay ka jiraan xurguf siyaasaded o dagaal gaadhay sida dalka Ethiopia iyo dalka Somalia e aanu jaarka
nahayna ay jiraan is qab qabsi dhinaca dooroshoyinka ah amni ahaan waa in aan ka
gaashamaana waxaa amaan mudan ciidamada mar walba feejigin e dar dargalinta
hawlahooda mar walba ku jira sida ay hawshooda u wadaan.
Waxa jira oo kale isna dagaal diplomacy yadeed o aanu ugu yeedhi karno hirdinka geeska o dadka in yari la socoto waan ugu mahadnaqaya xukumada Somaliland sida ay indhaha
ugu hayso sida aanay wali ugu milmin isbadalaadas yar e curdinka ah e aan cagaha adag ku taagnayn ee abiy ahmed cali raysalwasaraha Ethiopia hormuudka ka yahay.
Sida aynu hore u soo sheegnay dhawr maqaal aan qornay geeska Africa waxa ku dagalamaya Chinaha iyo USA Ka o dagaal maal gashi iyo samayn ah ka wada gobolka
geeska Africa gaar ahaan wadanka ugu wayn uguna dadka badan e Ethiopia.
Talo Dagan Haddaba.
Cid walba shacab iyo dawlad ba waxa xil ka saaranyahay ilaalinta dalkeena Somaliland jamacadaha waa in ay sameyen darasado lagu gurfeenayo hadba wixi dunida kasoo cusbonada e isbadal ah amaba warbaahintu waa in ay samaynayaan sida dadkeenu ula
jaan qadaan isbdaladas ka shakhsi ahaana waan soo gudbin doona wixi soo kordha e
isbadal ah.
Xaalado aynu hayno iyo kuwo ku iman kara Dalkeena Somaliland W/Q Mohamed Aden Hassan.
Xaalado aynu hayno iyo kuwo ku iman kara Dalkeena Somaliland W/Q Mohamed Aden Hassan.