Thursday February 25th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Ummada Soomaliland Gobi Waa Inaga " Ex Wasiir Xuseen Deyr Oo Soo Bandhigay Sida Shacabka Somaliland Dhexdooda Uwada Nool Yihiin Isu Jecel Yihiin Jiritaankoodana U Ilaashadaan

0
Tuesday February 16, 2021 - 20:34:13 in Wararka by Sanaag Office
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ummada Soomaliland Gobi Waa Inaga " Ex Wasiir Xuseen Deyr Oo Soo Bandhigay Sida Shacabka Somaliland Dhexdooda Uwada Nool Yihiin Isu Jecel Yihiin Jiritaankoodana U Ilaashadaan

    Ummada Soomaliland Gobi Waa Inaga " Ex Wasiir Xuseen Deyr Oo Soo Bandhigay Sida Shacabka Somaliland Dhexdooda Uwada Nool Yihiin Isu Jecel Yihiin Jiritaankoodana U Ilaashadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummada Soomaliland Gobi Waa Inaga " Ex Wasiir Xuseen Deyr Oo Soo Bandhigay Sida Shacabka Somaliland Dhexdooda Uwada Nool Yihiin Isu Jecel Yihiin Jiritaankoodana U Ilaashadaan





UMMADDA SOMALILAND: 
      "GOBI WAA INNAGA!" 

Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland waa ummad uu ALLAH (sxwt) ku manaystay caqli toolmoon, garasho togan, dhaqan suuban iyo xigmad dadnimo. Waa ummad uu Rabbi awood u siiyey inay si dhab ah u xilliyaan mushkilad kasta oo dhexdooda timaada. 


Ummadda Somaliland waa ummad dhaqan u leh wada-xaajood, wada-tashi, isku-tashi, isku tanaasul, is-qancin iyo in mudnaanta koowaad la siiyo halka ay ku jirto danta dadka iyo dalku. Astaamahan dhaqan wanaag ee ummadda Somaliland u gaarka ah iyo bisaylka ummadnimo ee ay leeyihiin ayaa u suurto geliyey inay ka maarmaan fara gelinta shisheeye iyo in ay xalka ka raadiyaan meelo aanay dantoodu ku jirin. 

Jamhuuriyadda Somaliland waa QARAN HANAQAADAY oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo nabad iyo degenaansho; dal-dhismay iyo horumar muuqda iyo shacab walaalo ah oo dan qudha wada keh. UmmaddaSomaliland waa shacab leh hal ujeedo iyo hadaf midaysan isla markaana ku wada nool xasilooni iyo is qadarin. 

Talada iyo hoggaanka Dalka Somaliland waxa haya Dawlad iyo Goleyaal Qaran oo ku yimid hannaan dimuqraadi ah iyo rabitaanka shacabkooda, isla markaana masuul ka ah dhammaanba xuduudaha dalkooda, sidaana ku soo tama-rinayay sodonkii sano ee ugu dambeeyey! 

LABA-WAJIILAYNTA BEESHA CAALAMKA:

Waxaynu ku jirnaa Xilli ay LABA-WAJIILAYNTA BEESHA CAALAMKU marayso heerarkii ugu xumaa!!! Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Beesha Caalamku xaq-darro cad iyo eex aan garowsho lahayn ka galayaan QARAN GUULAYSTAY oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo Dawlad Wanaag, taasoo ay Jamhuuriyadda  Somaliland ku sifowday 30-kii sano ee ugu dambeeyey!! 

Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku is diidsiinayaan oo ay INDHAHA KA LALINAYAAN RABITAANKA IYO XAQA AAYA-KA-TASHIGA ummadda JSL, iyo xaqa ay u leeyihiin inay noqdaan Qaran Madax-bannaan oo ka mid ah Bulshada Caalamka. 

Waxaynu ku jirnaa Xiilli la isku abaal-marinayo Dawlad Xumada, Xasuuqa, ku Xad-gudubka Xuquuqda Aaadamaha, Colaadaha iyo Musu-maasuqa xad-dhaafka ah taasoo ah astaamaha lagu garto Waddamada Guul-darraystay. 

Laba-wajiilaynta Beesha Caalamka keliya waxa TUSAALE CAD inoogu filan FARQIGA DAWLADNIMADA ee u dhexeeya labada dal ee ay midna Beesha Caalamku cadaadinayaan (Somaliland), midka kalena ay kool-koolinayaan (Soomaaliya), hadii ay noqoto xagga nabada iyo xasiloonida, ilaalinta iyo ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta, Dawladnimada, Doorashooyinka, Dimuqraadiyada, iwm. 

Haddaba, haddii aynu nahay ummadda JSL, ogsoonow waxa la inala rabaa in Dalkeenu noqdo QARAN GUUL-DARRAYSTAY!!  Laakiin anigu muwaadin ahaan waxaan si kalsooni leh u leeyahay: "UMMADDA SOMALILAND, GOBI WAA INNAGA!" 

Ummadda GOBTA ahi waa kuwii ku wada nool wanaag, nabad iyo xasilooni; waa kuwii u tudha maatadooda iyo inta jilicsan, waa kuwii isku tanaasula ee aan gartooda iyo arrimaha xasaasiga ah ee iyaga dhexyaala aan u gacan gelinin shisheeye iyo cid aan u tudhayn! 

Haddaba, waa in aynaan iloobin Ahaanshaheena-Ummadnimo iyo ku Adkaanshaheena Qarannimadeena. Waa in aynu mar walba xasuusnaano Xilligii adkaa iyo waayihii qallafsanaa ee Shalay ina soo maray!! 

YEYNAAN ILOOBIN wixii aynu Naf iyo Maalba u hurnay si aynu u Xaqiijino QARANKAA HIR-GALAY ee aynu maanta wada hadhsanayo. 

(FIIRO GAAR AH: Erayga GOB waa erey tilmaamaya sifooyin badan oo uu Aadamuhu leeyahay oo ah xagga wanaaga iyo hufnaanta ummadnimo ama qofnimo. Waana sida uu ereygu ugu jiro qoraalkaygan kooban !) 

ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH, 

HA NOOLAATO JAMHUURIYADDA SOMALILAND. 

W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr),
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO