Kumuu Ahaa Faarax Maxamed Jaamac (Cawl)?
Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) waxa uu ku dhashay bariga fog ee Somaliland gaar ahaan magaalada Laas-qoray sannadkii 1937kii. Waxa uu ka helay deeq
waxbarasho dalka Uk kuna maqnaa intii u dhaxaysay 1959 kii ilaa 1962 kii, halkaasi oo uu soo bartay aqoonta Engineernimada. Waxbarashadiisa ka dib
waxa uu ku soo laabtay dalkii hooyo oo uu ka shaqo galay Ciidamadii Booliska Soomaliyeed iyo Wakaaladii Gadiidka Qaranka.
Faarax ma ahayn oo kaliya mid ku koobnaa shaqooyinka aan kor ku soo xusay laakiin waxaa uu ahaa sidoo kalena qoraa caan baxay oo magacii soomaaliyeed
kor u qaaday kuna suntan buugaag dhowr ah oo laga xusi karo Aqoondarro Waa U Nacab Jacayl kaasi oo noqday buuggii koobaad ee Soomaali ah markii u
horaysay lagu turjumay afka ingiriisiga. Buugan oo ay daabacaday shirkadda Zed Books waxa uu ku sahabsanaa qiso dhex martay Cawrala Barre iyo Cali
Maax Maxamed oo ka tirsanaa ciidankii Daraawiisheed ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
B. W. Andrzejewski oo ahaa xeel dheere luuqada iyo dhaqan ka soomaaliyeed ku talax tagay ayaa buuggaa Faarax Maxamed Jaamac Cawl ee Aqoondarro
Waa U Nacab Jacayl u turjumay afka ingiriisiga sanadkii 1982 kii, kaasi oo luuqada Soomaaliga si fiican ugu hadli jiray kana ahaa barre sare Jaamacadda
London faraceeda dugsiga SOAS oo hadda uu madax ka yahay ardaygiisii Dr
Martin Orwin. Cabdilaahi Xaaji oo BBC laanta af-soomaliga ka tirsanaa ayaa waqtigaas uu buugga tarjumayay waydiiyay bal inta uu adduun lacageed ka
helay buugaasi isaga oo ugu jawaabay waxaan ka helay lacag yar oo aan ku
iibsaday Radio yar oo aan ka dhagaysto BBC-da laanteeda af-soomaaliga. Waad garan kartaa qofka afsoomaaliga bartay oo aan u dhalan haddana sidaa
ugu kaftamayaa sida uu buugga u turjumi karo. Waanu ka soo dhalaalay oo si
fiican oo adduunka oo dhan loogu akhristay ayuu u tarjumay, waxaanu dhaqanka iyo afka iyo ummada soomaaliyeed ba baray adduunka intiisa kale
buuggaa Faarax Jaamac Maxamed Cawl ee Aqoondarro waa u nacab jacayl. Haddii aanu Faarax buugaa qiimaha leh ee ku qotoma qisada jacayl ee dhabta ahayd qori lahayn, Andrewiskina turjumi lahayn la inagama barteen addunka
dacal ilaa dacal.
Cali Maax Maxamed waxa uu ka tirsanaa Daraawiish oo ma aqoon sida wax loo qoro loona akhriyo waana halkuu Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) ka keenay
magaca uu buugga siiyay ee ah in ay aqoon daraddu u tahay nacab ama cadow jacaylka inkastoo ay Aqoondaraddu cadow u tahay wax kasta oo aanad
garanayn, jacaylka ayaa haddana ugu sii daran . Taasi waxay soo baxday markii
ay iyagoo muddo dheer aan is arag Cawrala Barre iyo Cali Maax Maxamed ay waraaq jacayl ka tibiq leeyahay u soo qortay Cali Maax hase ahaatee uu Cali
akhrisan kari waayay waraaqadii. Cawrali waxa ay warqada ku soo qortay afka Carabiga oo ay ku baratay magaalada Caddan oo ay mudo ku noolayd.
Cali Maaxse wax aqoon ah oo uu u lahaa luuqadda carbeed ma jirin,ama sida
guud ahaan wax loo qoro loona akhriyo taas oo ku kaliftay in uu waydiisto nin ay isku xil leeyihiin in uu waraaqadii u akhriyo. Kadib ninkii markii uu arkay
wixii ku qornaa warqadda ayaa inta uu dhidid waawayni ka soo booday ayuu ku yidhi Cali Maax "Iga qabo waraaqda.” halkaasna ay Cali Maax wadhi ka
raacday. Halkii ayuu cali naftiisa balan ugu qaaday in uu alif ka soo bilaabo oo
waagu marka uu baryo, macallinkii xerrada Daraawiisheed joogay ka barto luuqada Carabiga iyo qur’aanka. Taasi oo uu ka soo dhalaalay oo waraaq danbe nin ay isku xil leeyihiin aanu u akhriyin. Inkasta oo isaga iyo Cawrala Barre
aanay is calfan oo aan rabbi isku qorin, haddana waa sheekadda i bartay Faarax Maxamed Jaamac Cawl noqotayna tii ugu horaysay abid sheeko soomaaliyeed oo loo turjumo afka ingiriisiga
Allow nin ma’ahaa Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) waxaana uu buggaas ku xigsiiyay laba buug oo kale oo iyaguna qiimo badan lahaa. Garboduubkii
Gumaysiga ayaa ka mid ahaa oo uu aad ugu talax tagayo gumaysiga
amxaarada.
Faarax Jaamac Maxamed Jaamac (Cawl) waxa uu ahaa qoraaga gaadhsiiyay bal inay adduunyadda ogaato cidda ay soomaali tahay, iyada oo markaa uu
buuggu soo baxay oo ku beegnayd hillaadii 1974-kii, maa uu helin wax Abaal- gud ah oo aan ka ahayn in la bartay ummadda soomaaliyeed. Waana marka
aad ogaanayso in maahmaahda soomaaliyeed ee ah "Abaal nin galaa badan, nin gudaase yar.” in ay run tahay, Faaraxna inta la hilmaamay ama loo kasay in
aan loo abaal gudin ayuu ka mid noqday. Balse abaal ha joogee waxaa 1991-kii lagu dilay agagaarka Baladweyne, isaga iyo saddex oo qof oo ehelkiisa ka mid
ah. Danbiga ay galeen ee lagu haystayna waxa uu ahaa Ardaagga uu ka soo
jeeday eed kale oo lagu dilay Faarax ma ay jirin oo aan ka ahayn in uu ka tirsanaa saldannaddii faca wayneyd ee reer Laas-qoray. Goortan budhcaddu
dhexda ka heshay waxa ay ahayd ka dib burburkii Soomaaliya Faaraxna waxa
uu u sii jeeday gobolka Sanaag ee uu asal ahaan ka soo jeeday. Ha joogto in Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) loo abaal gudo e` dhacdadaa
naxdinta leh ayaa noqotay mid uu qudhiisa ku waayo. Waa halkaa aan
soomaalidda ka bartay xikmadda ah ka danayso Soomaalidda oo dantaadda ka raac haddii kale waxaa aad la meeqaan noqon doonta sida Faarax Oomaar, Cali
Xuseen Xirsi, Cabdilaahi Suldaan Timacadde iyo Faarax Maxamed Jaamac
(Cawl) iyo inta kale ee laga abaalka dhacay.
Qore: Cabdi Muxumed.
Cabdimuhumed60@gmail.com
Kumuu Ahaa Faarax Maxamed Jaamac (Cawl)?
Kumuu Ahaa Faarax Maxamed Jaamac (Cawl)?