Saacadaha Biyaha Mawduuc Maanta Taagan Q-1 AAD
Malaayiin saacadaha biyaha ah ayaa lagu isticmaala dunida maalin kastana kumanaan saacaddo cusub ah ayaa la hawl galiyaa ama la rakibaa
kuwa badan oo gaboobayna waa la bedelaa, suurto gal ma aha in bixiyayaasha
adeegga biyuhu "Wakaaladdaha” ay maareeyaan kheyraadka biyaha iyaga oon ogaan xadiga biyaha ah ee ay soo saaraan iyo xadiga biyaha ah ee ay iibiyaan.
Saacadaha biyuhu waxay leeyihiin faa’idooyin badan oo isugu jira kuwa toos ah iyo kuwa dadban, waxa aynu ka soo qaadan karnaa AFARTA UGU MUHIIMSAN.
FAA’IDADA KOOBAAD: Cadaaladda "Equity” oo macnaheedu yahay in macmiilka laga
qaado lacag u dhiganta biyaha uu isticmaalay, FAA’IDADA LABAAD: Madhxinta iyo tashiilista biyaha, maadaama saacadu qorayso hadba biyaha uu macmiilku isticmaalo
waxa macmiilka ay ku dhiirigalinaysaa in uu xakameeyo xadiga biyaha uu isticmaalayo si kharashka biilka biyuhu uga yaraado, daraasado komishanka cilmi baadhista biyaha
ee South Africa uu ku sameeyay shan dal oo Afrikaana kuwaas oo kala ah " Kenya, Tanzania, Ghana, South Africa iyo Morocco ayaa tilmaay in guryaha lagu xidho
saacadu ay 20%-30% ka biyo isticmaal yaryihiin kuwa aan saacada lagu xidhin
"metered household is 20%-30% lower than in unmetered ones”. FAA’IDADA SADDEXAAD: Ogaanshaha biyaha luma "water losses” saacaduhu waxay sahlaan in
bixiyayaasha adeegga biyuhu "Wakaaladdaha” ay ogaadaan biyaha ka luma. FAA’IDADA AFARAAD: Maaraynta nidaamka biyaha "water system management”.
Sidaa awgeed haddii aan saacadaha biyaha loo maamulin si haboon waxay saamayn taban ama guracan ku yeelanaysaa dakhligii WAKAAALADAHA sidoo kale haddii si
quman loo maamulo waxay kordhinaysaa dakhliga WAKAALADDAHA iyada oon culays dhaqaale oo dheerad ahi fuulayn macmiilkii.
Saacada biyaha oo ah aalad sahasha ogaanshaha xadiga biyaha ee la isticmaalay "to
measure, is to know”. farsamo ahaan waxa ay ka kooban yihiin afar qaybood, QAYBTA
KOOBAAD waxa la yidhaa SENSOR waa qaybta la socota ama baadha qulqulka biyaha, QAYBTA LABAAD waxa la yidhaa TRANSDUCER waxay gudbisaa qulqulka
biyaha, QAYBTA SADDEXAAD waxa la yidhaa COUNTER waa qaybta wareegta marka biyuhu soo gaadhan waxaanay tirisaa mugga biyaha ah ee ka gudbaya, QAYBTA
AFARAAD waxa la yidhaa INDICATOR waana qaybta muujisa xadiga biyaha ah ee dhaafay marka uu gaadho kun litir ama shan foosto, waana qaybta saacad akhriyuhu ka
min guuriyo muga biyaha ah ee macmiilku isticmaalay bishii.
Dunida oo dhan saacadaha waxa loo aqoon san yahay aalad xaasaasi ah sidaa awgeed, isticmaalkooda waxa la waafajiyaa xeerar iyo heer tayeedyo loo dajiyey
"legislation and standards” si loo dhawro xuquuqda macmiiilka "BULSHADA” iyo xaqa
adeeg bixiyaha "WAKAALADDAHA”. Dalal badan oo aynu ku jirno waxa soo saarista biyaha kaga baxa kharash aad u badan. Tusaale ahaan magaalada Hargeysa oo
biyaha qasabadu ugu yimaadaan Geed-deeble oo saddex boqol oo mitir ka hoosaysa Hargeysa waxa ku baxa tamarta naaftada oo aad u badan sidaa awgeed, si loo hubiyo
in adeega biyuhu is daboolayo "cost recovery” waa in aad looga taxadiraa saacadaha
biyaha oo ay noqdaan kuwa la hubiyay habsami u shaqayntooduna gaadhsiisnaataa heer tayeed la isla waafaq san yahay si looga maarmo ku shaqaynta habka qiyaasta
"converntional metering system” oo ah nidaam ku dhisan cadaalad daro kana hor
imanaya ujeedooyinkii ama faa’idooyinkii loo waajibiyey rakibaada saacadaha sida aynu xaga hore ee qoraalkeena ku sheegnay.
Runtii saacadaha biyuhu dunida oo dhan ma aha kuwo boqolkiiba boqol sax ah
markasta waxa jiraya wax loo yaqaan METER ERROR oo ah farqiga u dhexeeya mugga biyaha ka gudbay saacada "actual volume” iyo mugga biyaha saacadu qorto
"indicated volume, METER ERROR-ku hoos buu u dhacaa markasta oo socodka xadiga biyaha ah ee saacada marayaa kordhaan "FLOW RATE” sidoo kale METER ERROR-
ku wuu kordhaa haddii biyaha gudbayaa yaraadaan "LOW FLOW RATE” markaynu eegno magaalada Hargeysa in badan oo oo xaafadaha magaalada ka mid ah xawliga
ay biyuhu kaga gudbaan saacadaha ma aha mid sareeya sababo badan awgood. Waxa aynu maqaaladeena danbe ku soo bandhigi doonaa, Nidaamka saacad bedelka ee ay ku baaqday Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo aynu si xogogaalnimo ah u iftiimin
doono waxa uu bulshada uga dhigan yahay.
Waxa qoray: Cabdirashiid Maxamed Jaamac "Belel”
Saacadaha Biyaha Mawduuc Maanta Taagan Q-1 AAD
Saacadaha Biyaha Mawduuc Maanta Taagan Q-1 AAD