Monday March 01st, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Shirkad Duulimaad Oo Hakisay Qaar Kamid Ah Duulimaadyadeeda Cabsi Darteed

0
Monday February 22, 2021 - 10:16:13 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad Duulimaad Oo Hakisay Qaar Kamid Ah Duulimaadyadeeda Cabsi Darteed

    Shirkad Duulimaad Oo Hakisay Qaar Kamid Ah Duulimaadyadeeda Cabsi Darteed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkad Duulimaad Oo Hakisay Qaar Kamid Ah Duulimaadyadeeda Cabsi Darteed

Shirkadda duulimaadyada ee United Airlines ayaa ku dhawaaqday inay hakineyso duulimaadka 24 diyaaradood oo ah nooca Boeing 777 kadib markii mid kamid ah matoorada diyaaradahaas ay cillad ku timid waxyar un kadib markii ay duushay.

Sababta arrintan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo sameyn lahaa baaritaan dheeraad ah oo la xiriira waxa sababay in uu ololo matoorka diyaaradda, loogana baaqsado in shil noocaas oo kale ah uu dhaco markale.

Hey'adda duulimaadyada ee Mareykanka FAA ayaa amartay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo diuyaaradaha noocoodu yahay Boeing 777 ee ay ku rakiban yihiin matoorada ay sameyso shirkadda Pratt iyo Whitney.

Baaritaan horudhac ah oo ay sameysay hey'adda qaabilsan bad-qabka gaadiidka Mareykanka ayaa sheegtay in laba kamid ah marwaaxada matoorka diyaaradda ay wax gaareen.

Waxay la kulmayaan wakiila ka kala socda shirkadda sameysay matoorka diyaaradda iyo Boeing.

.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen 231 qof iyo 10 shaqaale ah ayaa dib ugu laabatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Denver, mana jirin cid wax ku noqotay.

Muuqaal laga duubay diyaaradda ayaa muujinaya matoorka midig ee diyaaradda oo ololaya.

Dowladda Japan oo ka jawaabeysa falkaas ayaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha Boeing 777 ee isticmaala matoorka diyaaradaha ee ay sameyso shirkadda Pratt iyo Whitney sheegtay in aysan soo geli karin hawada dalkaas ilaa iyo amar dambe.

Haseyeeshee shirkadda Boeing ayaa sheegtay inay taageersan tahay go'aanka dowladda Japan, loona baahan yahay in la hakiyo hawlgellinta dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 777 ee ay ku rakiban yihiin matoorada Pratt iyo Whitney inta ay socdaan baaritaanada. Shirkadda waxaa kale oo ay sheegtay in diyaaradaha Boeing 777 ee ku duula matooradaas ay guud ahaan caalamka gaarayaan 69.

Matoorka diyaaradda oo ololaya ayaa kusoo dul dhacay guryo ku yaalla magaaladaasi, waxaana saarnaa rakaab dhan 231 iyo 10 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda. Boolista ku sugan magaalada Broomfield ayaa baahiyey sawir muujinaya qaybta hore ee matoorka diyaaradda oo guryo ku soo dul dhacay.

Diyaaradda ayaa markii dambe si nabad ah ku soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha ee Denver, wax qasaara ah oo shilkaasi ka dhashayna lama soo sheegin.

Rakaabka diyaaraddaasi saarnaana waxay sheegeen qarax aad u weyn iney maqleen waxyar un kaddib marki ay diyaaraddu garoonka ka duushay.

Mid ka mid ah dadki rakaabka ahaa ee diyaaraddaasi saarnaa oo wakaaladda wararka ee AP u warramay waxaa uu sheegay inuu duuliyaha diyaaradda uu rakaabka u sheegay inuu qarax aad u weyn uu jiro


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO