Monday March 01st, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Ilhaan Cumar Oo Warbixin Kasoo Saartay Xaaladda Ka Taagan Itoobiya

0
Monday February 22, 2021 - 10:33:05 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhaan Cumar Oo Warbixin Kasoo Saartay Xaaladda Ka Taagan Itoobiya

    Ilhaan Cumar Oo Warbixin Kasoo Saartay Xaaladda Ka Taagan Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilhaan Cumar Oo Warbixin Kasoo Saartay Xaaladda Ka Taagan Itoobiya

Ilhaan Cumar oo ka tirsan guddida arrimaha dibadda ee Congress-ka Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Itoobiya haatan ka taagan.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahayd xubno ka tirsan gudidaas oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Itoobiya, waxaana ay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada

Xukuumadda Itoobiya ayey fartay maxaabiista ula dhaqantao si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo.

"Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada ah ee uu ka midka yahay Bekele Gerba iyo hogaamiyeyaasha kale ee cunto joojinta ku jira. In loo diido in ay helaan daryeel caafimaad waxay xad gudub cad ku tahay xuquuqdooda aadanaha waxayna sii cakiraysaa xiisadda haatan Itoobiya ka taagan. Xukuumadda Itoobiya waa in ay maxaabiista ula dhaqantaa si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimoā€¯ ayay ku tidhi warbixin xafiiskeeda la soo baxday.

Waxa kale oo warbixintaa ay soo saartay xildhibaan Ilhaan Cumar ay kaga hadashay xaaladda ka taagan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay carrabka ku dhuftay in colaadda ka socota gobolkaasi dhalisay duruufo aadamenimo oo masiibo noqday oo ay sheegtay in sida qiyaasaha qaarkood tibaaxayaan ay boqolaal kun oo qof macaluul qarka u saaran yihiin.


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO