Monday March 01st, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Warbixin Kashiftay Dhaqaalaha Malaayiinka Dollar Ah Ee Itoobiya Ka Faa'iiddo Somaliland Iyo Baddalka Laga Naxo Ee Somaliland Ku Soo Noqda

0
Monday February 22, 2021 - 13:57:05 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Kashiftay Dhaqaalaha Malaayiinka Dollar Ah Ee Itoobiya Ka Faa'iiddo Somaliland Iyo Baddalka Laga Naxo Ee Somaliland Ku Soo Noqda

    Warbixin Kashiftay Dhaqaalaha Malaayiinka Dollar Ah Ee Itoobiya Ka Faa'iiddo Somaliland Iyo Baddalka Laga Naxo Ee Somaliland Ku Soo Noqda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin Kashiftay Dhaqaalaha Malaayiinka Dollar Ah Ee Itoobiya Ka Faa'iiddo Somaliland Iyo Baddalka Laga Naxo Ee Somaliland Ku Soo Noqda Xaddiga dhaqaale ee Dawladda Federaalka Itoobiya ku qabto Somaliland oo muddo badan laga hadlo iyo sida aanay Somaliland taa baddalkeeda wax la taaban karo uga dheefin xidhiidhka ganacsi ee u dhaxeeya labada dal ayaa waxa soo baxay warbixin layaab leh oo muujinaysa lacagaha Malaayiinka iyo malaayiinka dollar ah ee sannad walba Itoobiya ka faa’iido Somaliland iyo sida ay Somaliland fara madhnaan uga joogto dhinaceeda. Khubaro dhaqaaleyahanno u badan oo reer Somaliland oo muddo ku hawlanaa cilmi baadhis ballaadhan oo ay ugu kuur galayeen Waxyaabaha Somaliland ay u dhoofiso Waddanka Itoobiya, Fursadaha ku jira iyo Caqabadaha ku gedaaman (Somaliland’s exports to Ethiopia: Challenges and Opportunities). Ayay khubaradani ku ogaadeen arrimo badan oo la xidhiidha sida dhaqaalaha waddanka Itoobiya wax badan uga faa’iido dalka Somaliland taa baddalkeedana aanay Somaliland dhinaceeda waxba ka taransan fursadaha ganacsi iyo dhaqaale eek u jira waddanka Itoobiya. Dr. Aadan Ismaaciil (Aadan Weli) oo ka mid ahaa khubarada daraasaddaasi sameeyey ee soo gabagabeeyey ayaa qoraal kooban oo uu Bulshada kula wadaagay degelka uu ku leeyahay mareegta Facebook waxa uu ku yidhi sidan: “Maanta Waxan Soo Gababgabeeyay Cilmi Baadhis La Xidhiidha Ganacsiga Itoobiya. Marka hore waxa mahad iska leh Ilaahay SWT oo noo fududeeyay inaanu dhamaystiro hawsha Cilmi Baadhista. Marka labaad waxa mahad leh Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo hawshan noo xil saaray, waxaan kale oo aan u mahad celinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan gaar ahaan hay’adaha dawladda ee naga caawiyay dhamaystirka Cilmi Baadhista. Cilmi Baadhistu waxay ku saabsanayd “Somaliland waxyaalaha ay u dhoofiso Itoobiya: Carqaladaha iyo Fursadaha” (Somaliland’s exports to Ethiopia: Challenges and Opportunities). Waxanu ururinay Carqalado badan oo ganacsatadeena ka hor yimaadda, gaar ahaanna ka haysta waxyaalaha ka soo soo baxa dalkeena ee ay u dhoofiyaan Itoobiya. Waxa kale oo aannu soo bandhignay Fursado badan oo ganacsi oo uga furan ganacsatadeenna dalkan balaadhan ee Itoobiya. Waxaanu ku ogaanay Cilmi Baadhista inay Itoobiya innoo soo dhoofiso $668 oo Milyan oo Dollar, innaguna aynu u dhoofino $21 Milyan oo Dollar, marka laga saaro badeecadaha sida aan tooska ahayn loo geliyo Itoobiya ama lagu kala iibsado Wajaale. Waxaynu rajaynaynaa inay Cilmi Baadhistani ka caawiso xukuumadda jaangoynta siyaasadda ganacsi iyo iskaashi ee aynu la yeelanayno Itoobiya iyo inaynu kor u qaadno alaabta ka soo baxda dalkeenna”. Ayuu Dr. Aadan Ismaaciil (Aadan Weli) Ku Yidhi qoraalkiisa.
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO