Monday March 01st, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Diiday Koox Odayaal Ah In La Soo Xidho Laba Musharrax Oo Kale Oo Iska Soo Sharaxay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Iyo Jawaabta Uu Siiyay

0
Monday February 22, 2021 - 14:02:15 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Diiday Koox Odayaal Ah In La Soo Xidho Laba Musharrax Oo Kale Oo Iska Soo Sharaxay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Iyo Jawaabta Uu Siiyay

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Diiday Koox Odayaal Ah In La Soo Xidho Laba Musharrax Oo Kale Oo Iska Soo Sharaxay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Iyo Jawaabta Uu Siiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Diiday Koox Odayaal Ah In La Soo Xidho Laba Musharrax Oo Kale Oo Iska Soo Sharaxay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Iyo Jawaabta Uu Siiyay Warar Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ka diiday Koox odayaal ah Dalab cajiib ah oo ay ula tageen kaasi oo ku saabsan in lasoo xidho laba musharax oo kale oo iska soo sharaxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID. Sida uu bartiisa Facebookga ku baahiyay islamarkaana uu khadka Telefanka noogu xaqiijiyay Calaawi Cabdi Gaboobe, waxa ay Odayaashani oo ay soo abaabuleen koox kale oo musharaxiin ah oo ka sharaxan Xisbi Xaakimka Kulmiye ay u tageen Madaxweyne Biixi, waxaanay ka dalbadeen in lasoo xidho islamarkaana laga kala daadiyo Munaasibad Xaflad ah oo ay Huteel Maansoor ku balansadeen maalin saddexaadddii, waxaana uu noo sheegay in Madaxweyne Biixi uu ka diiday odayaashaasi Dalabkaasi ay ula tageen. Qoraalka uu soo dhigay Siyaasi Calaawi Cabdi Gaboobe Bartiisa Facebookga isla maalintii Munaasibadda Shaacinta labadan Musharax ayaa waxa uu ku yidhi “Madaxweyne Muuse Biixi Wuu Asiibay Diidmada Dalabkii Odayaasha Kaalinta In La Soo Xidho Baashe Cabdi Gaboobe Iyo Yaasiin Abdillaahi Xaashi!!! Waar Ma Kuwaasa Tol Ah”. Odayaashan ayaa sida uu warkani nagu soo gaadhay duulaan ku ahaa islamarkaana doonayay in xabsiga loo taxaabo siddii labadii Musharax ee hore ee Xabsiga la dhigay, Musharaxiinta kala ah Baashe Cabdi Gaboobe oo u tartamaya Kuraasta Golaha Wakiilada Somaliland iyo Yaasiin Cabdilaahi Xaashi Cilmi oo isna u tartamaya Golaha Deegaanka Hargeysa, kuwaasi oo iska dhex sharaxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID islamarkaana munaasibadii Shaacintooda doraad ku qabsaday Huteelka Maansoor ee Hargeysa. Sida uu noo sheegay Baashe Cabdi Gaboobe, waxa uu Madaxweyne Biixi ka gaws qabsaday dalabkaasi waxaana uu u sheegay in labadii musharax ee hore laftooda oo aanu waxba kala socon ay cabashadoodu meel walba ka dhacday, isagoo odayaashaasi u sheegay inaanay ku wareerin arintani ee ay u daayaan inay inamadaasi iskood u tartamaan, oo uu mid waliba isku diyaariyo tartan xor ah, waxaanu sida uu noo sheegay meel adag ka istaagay in munaasibadda Shaacinta labadan Musharax Baashe Cabdi Gaboobe iyo Yaasiin Cabdilaahi Xaashi oo isla maalintaasi ka qabsoontay Huteel Maansoor in la carqaladeeyo iyadoo cid kale loo danaynayo. Waxa uu Calaawi Cabdi Gaboobe ku amaanay Madaxweyne Biixi go’aanka uu ka qaatay dalabka ay ula tageen Kooxda odayaasha ahi oo uu ku sheegay mid ehelnimadda ka baxsan oo sii kala fogaynaysa dadka walaala ah oo isjecel.
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO