Monday March 01st, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Axmed Mu'min Seed Ma Wasiirka Booyadaha ee Somalilaan baa?

0
Monday February 22, 2021 - 21:29:00 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Mu'min Seed Ma Wasiirka Booyadaha ee Somalilaan baa?

    Axmed Mu'min Seed Ma Wasiirka Booyadaha ee Somalilaan baa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Mu'min Seed Ma Wasiirka Booyadaha ee Somalilaan baa?
Waxaan ka qoray maqaalo hore oo aan mid ka mid ah ku faaleeyay ka uu yahay Axmed Muumin Seed iyo suaalsha ah Axmed ma Wasiirka Beeraha ee
Somalilandbaa mise waa hawo saadaaliyaha Somaliland? kaasi oo aan ku faaleeyay
isqabsi ka dhex aloosmay isaga iyo Faysal Sheekh oo ah Agaasimaha Aafooyinka, Eebbe ha inaga hayee aafooyinkaa uu u magacaaban yahay taagba uma hayno haddii ay noqoto mid dawladeed iyo mid ibnu aadamba e. taasi oo ah shaqo ay
qabtaan cimilo saadaaliyayaal warka ka dib (After the Main News) adduunyadda oo dhan.


Bacdamaa Somaliland ka duwan tahay adduunka oo wax walba sida kale loo akhriyo, iyadoo ka sii dartay intii uu ku habsaday xukunka Somaliland Muuse Biixi
Cabdi (Rakaab xume) oo uu noqday gollihiisii wasiiraddu kuwo ah ciyaala malcaama iyo kuwo dad waaywayn ah. Tusaale ahaan Hinda Gaani oo uu dhawaan eryay ka
dib markii uu ka dhex arki waayay inay uga soo ololayso gobolkii Togdheer ee ay u
dhalatay taasi oo daaqadda uun dhawaan ka baxday iyo midhadh kale oo ay ka mid tahay Shugri Baandare oo ku fashilantay inay siyaasad cad ka lahaato wasaaradda
ay wasiirka ka tahay ee deegaanka oo aanay ka muuqan aqoon durugsan oo ay ugu hiilin karto deegaanka sii saqiiraya ee Somaliland, iyadoo aan lahayna wax xirfad ah
oo balaadhan oo ku saabsan fahamka deegaanka iyo cimiladda sii kululaanaysa ee
adduunka (Global warming / Climate Change). Waxaa isna kuwaa weheliya xagga da’da kuwa ka roon roon ciyaala malcaamaha, sida Sheekh Khaliil oo isna ka mida
kuwa aan lahayn hogaamin wasaaradeed oo aad moodo in laga daaro Nairobi oo Sheekh Ummal uu halkaa ka xukumo oo aan shacabka Somaliland u kala fasili karin
inay barri ciid noqonayso iyo in kale siddii dhacday 9 bilood ka hor ee la isla
oogsaday uun 2-dii Habeenimo in ay barri ciid tahay. Aan u soo noqdo Axmed Muumin Seed oo aanay aqoontiisa waxbarsho dhaafsiisnay
ilaa heer dugsiga dhexe, sida uu ii sheegay nin aanu saaxiib nahay; mar la
waydiiyay wax aqoon ah ma u leedahay beeraha? intii aan loo magacaabin Wasiirka
Beeraha uu ku jawaabay "Haayo aabbahay ayaa lahaan jiray laba dibi oo aanu beertayadda ku qodno, sidaa daraadeed wax waan ka aqaan beeraha.” Waxaad
mooda in uu ka dhacsan yahay beeraha laga hadlayaa inay yihiin kuwo qaran oo
Ceelaayo ilaa Saylac ah, taasi oo ay sababtay sida xaalkeena siyaasadeed yahay ee reer hebel halkaa sii iyo siyaasadda Muuse (Wax ma yaqaan) ee ku dhisan iga-
geedda. Allow Somaliland u hiili.
Axmed waa uu ku wareeray xilkii iyo masuuliyaddi la saaray oo waakaas marna hawada iyo duufaano meel heblayo ku soo fool leh saadaalinaya. Marna xanbaarsan
nin indhoyarta shiinaha ah oo la yidhi geed sun ah ayuu banka Wajaale ku beerayaa, illaa muwaadin reer Somaliland ahi ka soo gaadhay, kaasi oo cilmi
baadhis ka dib fashiliyay in geedkani sun yahay. Dhacdadaas oo Axmed Muumin u
rogtay Wasiirka sun beerista ee Somaliland. Waar anagaa wax aragnay! Ilayn wasiir aan loo sheegin waxa ay shaqadiisu tahay oo male-awaal ku socda oo meeshuu
doono jibaaxayaa kama duwana sidii Cabdi Haybe Laambad, markii uu jilayay Ina- Xaaji Mataan, kaasi oo Alle ha u naxariisto’e uu Axmed Xuseen (Jigjigaawi) ku

tilmaamay mid meeshu doono iska gala oo ilaa xeryaha jaandamaariga daf iska yidhaahda oo aan ciddina xaalayn.
Allow madax xumo Somaliland ma ragaadisay! Waxa jirtay mar aan la soo xidhiidhay
Axmed Muumin Seed iyadoo aan u sheegay in bal la inoo soo tababaro dhowr arday sannad kasta oo aan magaca dawladda Somaliland ku waydiisanno jaamacad ku
taal dalkan UK oo aan ku noolahay. Qoraalo badan oo aanu is waydaarsanay kadib
waan ka hadhay isku daygaa, kadib markii aan arkay inaan wasiirku wax faham ah u lahayn hawshan aan ka sheekaynayo taasina ay iigu cadaatay sida dharaarta ilayn
waa nin fahamkiisu aanu dhaafsiinnayn labo dibbi oo beer lagu qodo’e.

Waxayse u darayd markii toddobaadyo ka hor gollaha guurtidda Somaliland u
yeedheen bal si wax looga waydiiyo hawlaha iska baylahda ah ee uu qaranka ugu magacaaban yahay, lama odhan karo hawlo ayuu hayaye. Haddii uu sidii la rabay
uu hayo, isaga iyo kuwa kaleba dalku waa uu dhaami lahaa xaalkan uu hadda ku
sugan yahay oo hore ayaa loo socon lahaa. Yeedhmadaas Guurtidda waxa ka soo baxday yaabka yaabkii iyo amankaag! Ka dib markii uu Wasiirku af labaddii yeedhay
in ay hortaagan yihiin wax soo saarkii dalka nimanka beeraha leh, kuwaasi oo halkii
ay ka soo saari lahaayeen wax soo saar, biyihii ceelashoodda ka iibiya booyadaha oo ka raadiya macaash badan. Mudane wasiir, beeralaydu xor ayay u yihiin inay
biyaha ceelashoodda iibbiyaan iyo inay wax beeraan kolba tay door bidaan ee mee
qorshihii wax soo-saar qaranku oo dusha ka saaran adiga iyo xukuumadda aan wax badan ogayn ee aad ka tirsan tahay? Waa xukuumadda cidda looga baahan yahay inay la timaado qorshe qaran oo dalka
loogu soo saarayo cunto ku filan mase haysid. Sidaa si la mid ah wasiirka biyaha ayay tahay inuu isna la yimaado qorshe qaran oo biyo ku filan dalka loogu soo
sarayo. Halka aad ku haysato ceel qofkii qotay ama uu booyaddo ka iibbinayo ama
ku waraabinayo beertiisa. Waxa la idiinka fadhiyaa inta aad iskaashataan adiga iyo wasiirka biyuhu lana timaadaan xal dalka loogu helo biyo ku filan. Si markaa
Wasaaradda Beeruhuna dalag ku filan u beeri karto, Wasiirka biyuna uu biyo la cabbo waxna lagu beerto uu dadkaga iyo dalka ugu heli karo. Haddii kale halkaa la
fadhi Wasiir haraad, gaajo, wax soo saar la’aan kuna sifow wasiirka booyadaha ee
Somaliland.

Qore: Cabdi Muxumed
Cabdimuhumed60@gmail.com
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO