Thursday February 25th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

DHAQAALAHA KU BAXA DOORASHOOYINKA QAYB KA MID AH WAXA AY KA SOO NOQONAYSAA LACAGTA LAGU MURASHAXYADA WAKIILADA IYO DEEGAANKA LAGU XEERKU KU XIDHAY

0
Monday February 22, 2021 - 21:33:50 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAQAALAHA KU BAXA DOORASHOOYINKA QAYB KA MID AH WAXA AY KA SOO NOQONAYSAA LACAGTA LAGU MURASHAXYADA WAKIILADA IYO DEEGAANKA LAGU XEERKU KU XIDHAY

    DHAQAALAHA KU BAXA DOORASHOOYINKA QAYB KA MID AH WAXA AY KA SOO NOQONAYSAA LACAGTA LAGU MURASHAXYADA WAKIILADA IYO DEEGAANKA LAGU XEERKU KU XIDHAY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DHAQAALAHA KU BAXA DOORASHOOYINKA QAYB KA MID AH WAXA AY KA SOO NOQONAYSAA LACAGTA LAGU MURASHAXYADA WAKIILADA IYO DEEGAANKA LAGU XEERKU KU XIDHAY

Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu ka kooban yahay lix (6) gobol oo ah lixdii degmo ee jiray ka hor 26 june 1960 kii oo noqday lixda gobo ee waaweyn ee jamhuuriyada Somaliland sida uu dhigayo qodobka 9aad ee xeer lr 23 xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka , goboladani jamhuuriyada somaliland waxa lagu galayaa doorashada golaha wakiilada oo ay goboladu u kala heleen sida tan;

 

Gobolka Maroodijeex 20 kursi

Gobolka Togdheer 15 kursi

Gobolka Awdal 13 kursi

Gobolka Sanaag 12 kursi

Gobolka Sool 12 kursi

Gobolka saaxil10 kursi

Wadarta guud 82 kursi

 

Haddaba waxa aynu u gali doonaa in aan idin la wadaago gobolada jamhuuriyada mid waliba inta degmo ee uu yahay iyo inta leh goleyaal ee ay ka tartami doonaan xubnaha goleyaasha deegaanadu ;

 

Gobolka Maroodi jeex waxa uu ka kooban yahay 19 degmo , waxa xubno gole deegaan leh 4 degmo oo kala ah; degmada Hargeisa A , degmada Gabiley A , degmada Baligubadle C iyo degmada Salaxlay C.

 

Gobolka Togdheer waxa uu ka kooban yahay 22 degmo waxaana xubno goleyaal deegaan leh 3 degmo oo kala ah degmada Burco A , degmada Odwayne B , iyo degmada Buhoodle B.

 

Gobolka Awdal waxa uu ka kooban yahay 12 degmo waxaana xubno goleyaal deegaan leh 4 degmo oo kala ah degmada Borama A , degmada Saylac B , degmada Baki C , iyo degmada lughaya C.

 

Gobolka Sanaag waxa uu ka kooban yahay 19 degmo waxaana xubno goleyaal deegaan leh 6 degmo oo kala ah , degmada Ceerigaabo A , degmada Badhan B , degmada Ceel af weyn B, degmada Laasqoray C, degmada Dhahar C iyo degmada Gar-adag C.

 

Gobolka Sool waxa uu ka kooban yahay 21 degmo waxaana xubno goleyaal deegaan leh 4 degmo oo kala ah , degmada Laas-caanood A , degmada Caynabo C , degmada Taleex C iyo degmada Xudun C .

 

Gobolka Saaxil waxa uu ka kooban yahay 8 degmo waxaana xubno goleyaal deegaan leh 2 degmo oo kala ah , degmada Berbera A iyo degmada Sheekh C.

 

DOORASHOOYINKA WAXA KU BAXA DHAQAALE BADAN OO QARANKU GALIYO , LACAGTAASI QAYB KA MID AHI WAXA DABOOLI KARA LACAGAHA DEEBAAJIGA AH;

 

Waxa doorashada golaha wakiilada isu taagi doona 246 murashax oo sadexda xisbi qaran ah oo ku tartami doona 82 kursi ee golaha wakiilada , hadaba waxa shuruud laga dhigay ka mid ah shuruudaha murashyada u tartamaya golaha wakiilada in mid waliba bixiyo lacag dhan 40 milyan oo lacagta Somaliland ah waxaana qaranka ka soo gali doona lacag dhan;

 

246 murashax xildhibaan x 40,000,0000 = 9,840,000,000 (sagaal bilyan sided boqol iyo afartan milyan oo lacagta Somaliland ah ) oo u dhiganta $1,157,647 ( Hal milyan boqol konton iyo todoba kun lix boqol afartan iyo todaba dollar ).

 

Halka ay degmooyinka ka tahay sida tan;

Hargeisa A 17 kursi X 3 Xisbi X 15,000,000= 765,000,000

6 degmo A 13 kursi X 3 Xisbi X 15,000,000= 3,510,000,000

5 degmo B 11 kursi X 3 Xisbi X 7,000,000= 1,155,000,000

11 degmo C 9 kursi X 3 Xisbi X 4,000,000= 1,188,000,000

23 degmo 249 kursi wadarta murashyada 747 = 6,618,000,000 (lix bilyan lix boqol toban iyo sided milyan ) oo u dhiganta $ 778,588 ( todoba boqol todobaatan iyo sided kun shan boqo sideetan iyo sided ).

 

Waxaa qaranka uga soo xeroonaya lacag dhan $ 1,936,236 ( hal milyan sagal boqol sodon iyo lix kun laba boqol soddon iyo lix dollar ).

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil


Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
WAREYSIYO