Tuesday April 20th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

'8 Qoddob Oo ka dhigi kara Maamulka Isha Burco kuwo Fashilma Ama ku Guuleysta Ganacsiga Magaalada Burco'

0
Tuesday March 16, 2021 - 11:05:22 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '8 Qoddob Oo ka dhigi kara Maamulka Isha Burco kuwo Fashilma Ama ku Guuleysta Ganacsiga Magaalada Burco'

    '8 Qoddob Oo ka dhigi kara Maamulka Isha Burco kuwo Fashilma Ama ku Guuleysta Ganacsiga Magaalada Burco'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'8 Qoddob Oo ka dhigi kara Maamulka Isha Burco kuwo Fashilma Ama ku Guuleysta Ganacsiga Magaalada Burco'

Ilaahay ayaa Amaan iyo sharafba leh inoogu deeqay naxariistiisa aan dhamaadka lahayn in aan wax ku barano, wixii aan baranayna dadkeena gaadhsiino. Soo Dhawow, waan filayaa inaynu wax badan kale guntan doono, haddii alle inagu simo. Goob kasta oo qurux badan, waxaa jira waxyaabo ay muhiim tahay inay isha ku hayaan maamulka iyo hantiilayaasha goobahaasi dhisanaya, si ay uga hortagaan caqabadaha kaga iman kara meelaha ay dayaceen, waxaan odhan karaa waa sababta ay ganacsatada soomaalida U fashilmaan ganacasiyadoodu wax ka yar 20 ilaa 30 sanno Ee ay u kacaan, waxaan qoraalkan idinku tusi doonaa 8 Qoddob Oo muhiim U ah Maamulka, Hantiilayaasha iyo Ganacsatada yar yar Ee Dukaamada kale duwan ku lehXaruunta Isha Burco Oo aan u arko inay noqon karaan kuwii U horseedi lahaa Xaruumahaasi inay kacaan Oo ay ku fashilmaan Suuqa dhaqaale Ee Magaaladda burco. Fariimaha qoraalka ku jira maaha mid gaar u ah Isha Burco balse waxay dani ugu jirtaa Qof ama koox kasta oo iskaashato ganacsi dooneysa inay ka sameeyaan dalka, waa hubaal haddii 8 Qoddob oo kuwa lamidka ah ay buuxiyaan inay dhaqaale wanaagsan ka heli doonaan ganacsiyadooda.

Laba Maalmood Oo kale ah 11 iyo 12 kii bishan Xilli Duhura iyo barqo dheer ayey ahayd markii iigu horeysay ee aan booqasho toosa ku tago Xaruunta Isha Burco iyo goobaha ku dhexyaala, waxaan wada soconay saraakiil iyo ganacsato goobta hadhimo sharafeed loogu sameeyey, ka dib kulan saacado socday oo ay kasoo baxeen.halkan ayaa ah bilowga sheekadeena, waxaa laga soo galayaa goobta Albaabka dadweynaha Oo Xigga dhanka waqooyi ama Eegaya Wadada hormarta goobta, waxaa xilligaasi joogay goobta Hal ilaaliye Ama Askari (One gateKeeper), waxaan dhammaan baabuurta lagaga tagayaa barxada hore Ee Xaruunta, waxaa jirta barxad guddaha Oo laga soo galayo dhanka galbeed balse xadiga loogu talagalay ayaa kooban wax ilaalo ahina majoogto albaabkaasi. Albaabka koobaad marka aad dhaafto ku dhawaad masaafo qiyaas ahaan dhan 20 ilaa 25 talaabo ayaad hore u soconaysaa, waxaana lamarayaa Albaab Dhextaal u ah Xaruunta, barxaddaha iyo qeybaha cuntada ee ay xaruuntu leedahay Oo xagga danbe ah, marka aad labadaasi albaab soo dhaafto, inta aanad gaadhin albaabka saddexaad, waxaad dareemaysaa inay halkan ka jirto dayac maamul oo baahsan iyo inay ka tahay khibrad yaraan ganacsi weynu kale ogaan doonaa insha allah. Sideedan Qoddob ayaa Sees U noqon kara guusha Ganacsiga Maamulka Xaruunta Isha Burco Ama ka dhigi kara Xaruun ku fashilanta ganacsiga Suuqa Magaalada burco.

1. Qoddobka Koobaad Malaha bar baadhitaan (Hotel checkpoint)


Goobta marka aad soo gasho, waxa aad moodeysa inaad dhexmareyso gurigaagi Oo kale, mararka qaarna waxaad ogaanaysaa in xaafadduhu xitaa ka maamul wanaagsan yihiin, waayo qof aanad garanayn uma ogalaanaysid inuu gurigiin guddaha usoo galo ama goobtaada shaqadda, waliba adigoo talaabada gaabinaya ayaad goobtan u kale gudbeysaa, halkan kama jirto rug lagu baadhayo dadweynaha goobta kasoo adeeganaya, waana wax layaab leh, haddii xitaa aan albaabkan loo ogoleyn baabuurtu inay maraan, waa waajib in lagu baadho dadka usoo gudbaya guddaha xaruunta. Baadhitaanadu, waa aasaaska horumarka ee ay goobi sameyso, waana sababta dadweynaha dunidu u kale doortaan xaruumo kale adeeg wanaagsan balse ku kale horeeya sugitaanka xoggaha dadka soo galaya goobahooda, si loo ilaaliyo Nabad galyada dadka ka adeeganaya ama dagen. Waxaan soo jeedin lahaa inay maamulka xaruuntaasi indhaha si gaara ugu hayaan qoddobkani oo ay ka sameeyaan labada albaab Ee waaweyn goobaha baadhitaanka baabuurta iyo dadkaba (Checkpoints).

2. Qoddobka Labaad Malaha goobta qolka ilaaladda (Gate Control)
Marka aad soo gaadho albaabka laga soo galo xaruunta, waxaa fadhiya meel bacad ah hal ilaaliye, marna waxaad arkeysaa in aanay cidiba fadhiyin, waa isweydiin mudan waxa sababay goobtu inay bilaa ilaaliye noqoto mararka qaar, waxaa loo baahan yahay in albaabka agtiisa laga dhiso qol kooban Oo ay askartu ku nasato, waxna ay ku baadho, si ay ula socdaan isu socodka dadka goobta soo galaya oo ay uga reeban waxyaabaha ka reeban goobta in lalagalo. Dhanka kale waxa uu qolkani u wanaagsan yahay sugidda Amaanka goobta, waana waajib in goobta lagu baadho dadka soo galaya, waliba haweenka. Haweenku waxay qeyb weyn ka qaataan hawlgaladda ka dhanka ah Nabad galyada, waxayna si fudud u gudbin karaan hubka, waa masuuliyad muhiim u ah inay il gaara ku hayaan maamulka xaruuntu hirgelinta goobtaasi iyo inay shaqaaleysiiyaan gabadh askariyad ah oo ka qeyb qaadata hubinta haweenka goobta galaya.

3. Qoddobka Saddexaad Malaha Xaruuntu Summadaha Madnooca ah iyo Digniinta kale duwan (Prohibition Signs and Various warning)
Goobtan iyo goobaha ganacsiga Ee lamidka ah, waxaa waajib ku ah maamulayaasha ka masuulka ahi inay u sameeyaan jaantusyo muujinaya waxyaabaha ka reeban in guddaha goobta lalagalo sida hubka kale duwan iyo Maandooriyaha noocyadiisaba, waxaa goobtan oo ay ku baxday dhaqaale badan kamuuqata dayac dhanka muhiimada ay leeyihiin calaamadahani, waan rajeynayaa in goobaha u baahan in lagu xardho jaantusyo si loo yareeyo halista ka iman karta aayaha dhow iyo ka fogba.

4. Qoddobka Afraad Malaha Qalabka ilaalinta Amaanka Xaruunta (Cctv camera security)
Isha Burco iyo dukaamada ganacsiga
Ee ku yaala goobta, waxaad moodaa in aan loo diyaarin qorshe ganacsi oo casriya, waxaad moodaa inay kusoo shaqo tageen habkii hore ee ka jiray goobaha ganacsiga ee dalkeena, waxaad sawiranaysaa sida goobaha dukaameysiga ee ku yaala suuqyada magaalada burco ay uga horumarsan yihiin dhanka sugnaanshaha badqabka Alaabada dhextaala dukaamada iyo goobtaba, waan jecelahay in aad inta aan qoraalkan ku dhex jirno aad aamintaan hal heystan "Haddii aad joogto dal iyo dad horumar sameeyey, waa khalad xagaaga ah inaad ku aaminto alaabadaada meel cidla ah”, waxaan uga jeeda meeshu haddii ay si walba U sugan tahay Amaan ahaan, waa waajib inaad qalab lasocda dhaqdhaqaaqyada goobtaada ka jira inaad adeegsato, waa laga mamaarmaan qalabkan inay adeegsadaan maamulka goobtu, wuxuuna kor u qaadayaa Amaanka goobaha kale duwan Ee ku yaala Xaruunta Isha Burco.

5. Qoddobka Shanaad Malaha Codbaahiyayaasha Munaasibadaha (Big speakers)
Waxaa waajiba in goob kasta oo leh goobo lagu shiro ama lagu kulmo xaqqa loogu leeyahay adeeg dhameystiran, haddii goobtaasi ay macaamiisha u qabanayso adeeg gaara, waa inay soo dhameystiraan adeegaasi wixii looga baahnaa inuu yeesho, waxaan usoo taagnaa labadii maalmood Ee aan booqday maalin kamida munaasibad ka dhacaysay Ardaaga loogu magac daray Hadraawi in lawaayey Codbaahiyihii dadka lagu gaadhsiin lahaa hadalka, waxay munaasibadu ahayd meher kulmiyey dad kale duwan markii laweydiiyey xubihii xaruuntu, waxay ku warceliyeen in aanay yagu heysan qalabkaasi, balse ay soo qaataan ama suuqa kasoo kireystaan dadka munaasibadaha ku qabsanayaa, waxaa mar kale inoo cad in aanay diyaar u ahayn inay u adeegaan macaamiisha yagoo muddo kooban jiray, haddii sidan uu adeegoodu u hooseeyo sidee ayey ku doonayaan inay ku hantaan suuqa magaalada burco? Waa weydiin aan ka sugeyno maamulka xaruuntu inuu daboolo baahidaasi jirta.

6. Qoddobka Lixaad Malaha Dab bakhtiiye (Fire Extinguisher)
Marka aad soo gasho guddaha goobta ay ka dhisan yihiin dhismayaasha kale duwan Ee ay ka kooban tahay Xaruun ganacsiyeedka Isha Burco, waa hubaal inaad isweydiin doonto inay muhiim u tahay in gidaar kasta lagu xidho haamaha dabka lagu bakhtiiyo (Fire extinguisher), waayo waxay goobtani kaga duwan tahay goobaha kale ee ka jira dalka ama magaalada burco, waxaa barxaddaha danbe, wadooyinka iyo goobaha lagu cunteeyaba lagu goglay, laguna xardhay Qadiifado Cagaaran Oo caweys lamood macmala ah (Artificial green grass carpet), waxaa ku jira caweyskan macmalka ah maadooyin caweyska ka dhiga mid aan iska caabin Karin dabka, waxayna khuburada saynisku ku taliyeen in goobaha bulshadu isugu timaado sida dhakhtarada, goobaha lagu cunteeyo iyo gobaha dadweynaha aan lagu qurxin caweyska macmalka ah si looga hortago haliska ka dhalan karta dabka ka dhasha caweyskaasi macmalka ah, waxay qoddobkan isku xidhan yihiin qeyb kamida qoddobka 3aad, haddii ay maamulka xaruuntu doonayaa badqabka goobahani, waa inay goobta ka joojiyaan cabitaanka sigaarka. Xabad sigaara oo lagu dhextuuro caweyska macmalka ah ayaa sababi karta inuu goobta dab ka dhasho, waan rajeynaa inay goobta ka madnooci doonaan sigaarka, waanan filayaa inay qalabka dabka lagu bakhtiiyana goobta u keeni doonaan insha allah.

7. Qoddobka Toddobaad Shaqaale xumo iyo dalab Habsana (Poor Staff and late Order)
Laba Mid kamida Saraakiishi aanu wada soconay ayaa usoo sheegay dalabkii aanu lahayn Oo dhameystiran maamulka, ka hor intii aan laysu wada iman balse ku dhawaad 20 daqiiqo ka dib ayaa aanu helnay qeyb kamida dalabkii aanu gudbinay mar hore, waxaa aan u sheegay mid shaqaalaha kamida inay gacanta soo fududeeyaan, waan xasuusta mid kamida shaqaalaha ayaa igu soo warceliyey ‘’Adigu waad qeylo badan tahay’’, hadalkiisa waan u garaabi lahaa haddii culeys shaqo jiray, se goobta wakhtigaasi dad badani may joogin, waxaan u sheegay inuu shaqada iska hagaajiyo laakiin isla daqiiqado ka dib waxay isla goob ii dhow ku murmayeen dalabka habsanka ah mid kamida shaqaalaha, wuxuu u muuqday mid shaqo wanaagsan,se aan ogolayn in amarka ku waajibka ah lasiiyo, waxaa xusid mudan mid kamida martidii aanu wada soconay oo naga yara habsan ahaa markii uu fadhiyey 30 daqiiqo qiyaas ahaan uu isaga soo kacay goobtii, wuxuuna kasoo tagey isagoo ka qatan Cadkii iyo cabitaanadii aanu dalbanay! qaar kamida shaqaaluhu waxay muujinayeen shaqo wanaag iyo dadaal, se waxaa meesha ka muuqday in aan xidhiidh wanaagsan ka dhexjirin shaqaalaha iyo maamulka goobta, waxaa yana aad kusoo arki doonta goobta shaqaale sita labisyo kale duwan, waana ku ceeb maamulka goobtu inuu Tayada, labiska iyo shaqada shaqaalahooda aanu war ka heyn waxa ay kusoo baxayso Sumacadda goobtooda ganacsi. Marka aad goobta gasho, waa run in aad ka fileyso ilbaxnmo iyo aqoon isbarkan, balse waxba ma dhaamo habka maamul ee ka jira goob kale ee magaalada burco, waan hubaa inaad U garaabi doontid. Waxaan usoo jeedinayaa maamulka goobtu inuu wakhti siiyo sidii uu kor ugu qaadi lahaa maamulkiisa iyo shaqaalihiisaba, haddii intaasuba ay wanaagsanaadaan, waa guul iyo horumar usoo kordhay goobta iyo magaaladaba.

8. Qoddobka Sideedaad Halista dhagaxa goglan goobta (Stone hazards)
Isha Burco
, wax yaabaha ay kaga duwan tahay xaruumaha ganacsi ee ku yaala magaalada burco iyo dalkaba waxaa kamida Dhagax dixeed goobo iyo xaqiiqo toosa inta loo habeeyey lagu qurxiyey goobaha loogu talagay macaamiishu inay fadhiisato, waa wax u gaara, waana hal abuur ay soo kordhiyeen, se waxaa isweydiin muddan boqoley ahaan dhagaxani dhibaato intee leeg ayuu keeni karaa, waxaa biyo kama dhibcaana inaynu isla ogaano inay jiri karaan dagaalo gacan ka hadala oo ka dhex dhici kara macaamiisha, shaqaalaha iyo martida kale Ee goobta imaneysa, waxaan usoo jeedin lahaa si loo yareeyo halisa dhagaxaasu uu keen doono , waa in lagu sibdhiyaa dhagaxa goobihiisa yadoo aan la qarinayn quruxdiisa balse dhulka lagu adkeeyo.

Waxaan u rajeynaa horumar iyo dhego nuglaan inay muujiyaan Maamulka Isha Burco oo ay u dhug yeeshaan qoddobadan iyo kuwa lamidka ah ee loosoo jeediyo si ay guul, horumar iyo dhaqaale wanaagsan uga sameeyaan magaalada burco waa inay hab waafaqsan diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan u adeegsadaan dhaqaalaha iyo daaraha ilaahay Uu ugu deeqay. Mahadsanid

Allaa Mahad Leh

Sakariye Cabdikariim Maxamuud

Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
WAREYSIYO