Tuesday April 20th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Saddex Abwaan iyo Saddexdoodii Meeris

0
Thursday March 18, 2021 - 23:26:13 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Abwaan iyo Saddexdoodii Meeris

    Saddex Abwaan iyo Saddexdoodii Meeris

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex Abwaan iyo Saddexdoodii Meeris
Haddii aad haraad bastaa tahay waxaa maskaxdadda ku soo degdegaya waa biyo oo ah kuwa
nolosha aadamaha u ah halbowlaha ee aanu noole la’aantood noolaan karin, iska daa noole
xitaa dhirtu aanay cagaari karin ama bixi karin inkastoo ay iyaba noole tahay. Waana halka ay u
dhimatay oo aan odhan karo dadka inta ka heestay ama ka gabayday waa ay badan yihiin
laakiin qaabka uu Xuseen Aw-Faarax uga heesay waa qaab ka duwan halka gabyaaga ama
mu’alifiinta kale mareen, waa si aanay maskaxdda aadamuhu keeni karin ama si fudud u heli
Karin.


Xuseen Aw-Faarax Dubbad waxa uu ka mid yahay 10ka abwaan ee soomali yeelatay casrigan
horseedna ka noqday fanka soomaalidda, haddiiba aanu ahayn ka ugu horreeya ruwaayaddo
samaynta casrigga ah iyo xeeldheeridda unkidda erayadda layaabka leh. Bal aan soo qaato
"Wabiyo isku ooman” oo ah hees jacayl ah oo ay ku luuqayso Xaliima Khaliif "Magool” taasi oo
ka mid ahayd heesihii keli kelida ahaa ee Xuseen unkay mid ka mida haddiiba aanay ahayn ta la
odhan karo waa ay ugu qiimo badan tahay Heesta oo aad layaab u leh oo aad is odhanyasa
abwaanku halkuu ka doonay erayadda odhanaya sidan? Heesta oo dheer haddii aan tuducyo ka
soo dheegto waxay odhanaysaa:
Jacayl waa wadkaagoo
Warmo kuu afaystoo
Sun uu kuu walaaquu
Weel kuugu shubayaa
Dadka wali hor jooggaa
Wuxuu dilay u sababoo
Qiyaamaha la waydiin
Wabiyo isu oomani
Inay wacatameenoo
Waayo badan is dooneen
In loo kala waramamayoo
Wacdi laysu sheegiyo
Waano lagala quustay
Goortay is waayeen
Isu waalan gaadheen
Waligiin ma maqasheen?
Wax ku qaadan maysaan
Wacdaraha Adduunkee
Waydiiya Culimadda

Inay weer xidheenoo
Biyihii wayraxeenoo
Waddamo isu jiidheen
In la waabin waayoo
Iyagoo wareer qaba
Isu soo wareegeen
Oo wanaag kalgacaloo
Wehel isu yimaadeen
Waligiin ma maqasheen?
Wax ku qaadan maysaan
Wacdaraha Adduunka
Waydiiya Culumaddaa
Inuu caashaq wadayoo
Is waraabiyeenoo
Xarreeddii wadaageen
Inay wehel is jeceloo
Wadnaha isu dhiibtayoo
Wada jira noqdeenoo
Waddo qudha mareenoo
Kala weecan waayeen
Waligiin ma maqasheen?
Wax ku qaadan maysaan
Wacdaraha adduunkee
Waydiyaa culimadda
Heestaa aan kor ku soo xusay ee Wabiyo Isku Ooman oo erayadeeda unkay Abwaan Xuseen
Aw-faarax Dubbad ayaa ka mid ah kuwa ugu mudan heesaha casriga ah ee caashaqa taabanaya.
Qofna isma lahayn waxaad maqli hees ay labo biyo xanbaarsani isku oomeen. Waad garan
kartaa oon ama surmi ama haraad waa biyo la’aan iyo baahi laga cawdu-bilaysto oo aad u
daran, nolosha soomaaliddana waad maqashay halka abaar iyo biyo la’aan ay kala joogaan iyo
inta ay noloshoodda ku soo noqnoqotay. Cid ka saartana wali ma ay helin oo Eebe uma soo
dirin, taas oo sababtay in intaas oo jeer ay xaaqeen abaaro sida: Harga-cuna, Hawaara,
Xaaraame-cuna, Jiitama, Daba-dheer iyo kuwo la mid ah.
Haddaba haddii abaar iyo biyo isla doono uu maskaxdaadda uu ku soo dhacayo abwaan Xuseen
Aw-faarax Dubbad dhanka kale oo aanad waligaa ka fikirin kana fikirteen inta adduunku dhisan
yahay ayuu u kacay oo waa goorma? Waa mar uu socdaal ku tagay dalka Suudaan dabadeedna
uu booqday halka ay iskaga darsamaan labada Webi ee Nile-ka Cad iyo Nile-ka Buluugga ah.
Halkaas marka uu taagan yahay weeye marka ay ku soo dhacayso eraydan layaabka leh ee
Webiyo isku Ooman. Waa laba webi ee xaggee haraab u soo maray haddiiba ay yihiin kuwo biyo

ka fatahayaan? Waa yaabka Xuseen iyo unkida erayo Webiyo isku Ooman oo isku soo jiidhay
waddamo iskuna soo wareegaya, aakhirkana ku kulmay abartaa ay isku darsameen. Haddaba
haddii aad uun taqaanay harraad iyo biyo markan waa biyihii lagu oon baxay oo isku Oomay ee
bal ma haysaa Xuseen Aw-faarax Dubbad hortii cid isku toshay haraad iyo kuwii xanbaarsanaa
biyahii lagu jeel bixi lahaa oo laftooddii isku oomay? Jawaabtu waa maya. Heestaasina waa
heestaa uu kugu baray Webiyo isku Ooman, codkii Xaliima Khaliif Magool iyo laxankii
mulaxamiiste Al ustaad Macallin Xasan Guure Afrax "Greed”. Halkaana waa mid ka mida
maqaalkan saddex abwaan iyo sadexdooddii tuduc Xuseena waxaan loox ugu Daabacay ama
ugu duugay Webiyo isku ooman

Cismaan Aadan Xuseen oo ka mida ah hormuudkii Waaberi iyo kooxdii militariga ee isku
darkooddii laga unkay kooxdan caan baxday ee Waabari oo mudo dheer ka mid ahaa
madaxdoodda iyo abwaaniintoodda lahaana magac bixinta Waberi kana mid ahaa
Foolaadkoodda safka hore, kaasi oo lahaa suugaan gooni ah oo aan halkan lagu soo koobi karin
iyo ruwaayaddo aan ka xusi karo Maanta iyo Fadhi aa? Wadhaf iyo Shinbiro War iskuma Hayaan
oo ahayd laba qaybood, Wed iyo Wacad oo uu abwaanku ka unkay Jacaylkii banaa Faadumo iyo
Xaydar oo reer Saylac ahaa laba ruux oo aan Alle iskugu darin calaf iyo inay nolol wadaagaan
kuwaasi oo kala geeriyooday ka hor intii aanay nolol wadaagin. haddaba abwaan Cismaan.
Waxaan halkan ku soo qaadan doonaa heestiisa Qofka ka ugu il Dheer Baa, Dadka ugu Ayaan
Daran. Bal u fiirso, waxaanay odhanaysaa sidan:
Horta yaa Awoodda leh? Ilaahay
Yaa Abuurideena leh? Ilaahay
Ajasheena yaa jara? Ilaahay
Haddii aan Islaam nahay
Asluubtiyo xishoodkiyo
Ehelkii is jeclaa iyo
Alle ka cabsigii mee?
Sida aan eegga nahay
Haddaan la ina arjumin
Ayaan baynu leenahay
Istaakhfurula dhaha yeey
Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey
Ninka ugu il dheer baa
dadka ugu daran ayaan daran
Waxaan lala arkayn baa
isaguun u muuqdee
Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey
Yaa adduunyo bixin kara? Ilaahay
Yaa arwaax wax siin kara? Ilaahay

Qofna Eber ka dhigi kara? Ilaahay
Sidii oon Arsaaqadda
inagu qaybinaynaan
Aflagaado iyo eed
Aakhiro ku seegnee
Abwaan Cismaan heestaa Qofka ugu Il-dheerbaa dadka ugu Ayaan daran waxa ka muuqda
Saluug badan oo uu ka qabay bulshadda waliba xilliggaa waa 1980kii e’ oo dadku waa ladnaa
noloshuna ma ay ahayn sida ay maanta tahay iyo si u dhow toona bacdamaa Abwaanniintu ka Il
horreeyaan kana aragti dheer yihiin dadka caaddiga ah waxa uu arkayaa ugu yaraan 50 sanno
ama 100 sanno oo soo socda sida wax noqon doonaan taana waxaa ka Marag kacaya
Tuducdaydda heesta ka mida oo odhanaya sidan
Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey
Ninka ugu il dheer baa
dadka ugu daran ayaan daran
Waxaan lala arkayn baa
isaguun u muuqdee
Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey
Siddii Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubbad ayuu isna markan Cismaan Aadan Xuseen ina barayaa
cashar laba shay oo isku Cakis oo isku ild ah waa maxay tolwo? Waa Maskaxdaa laga
Abaaroobay waligaa miyaad maqashay Maskax laga Abaaroobay dhul Abaaroobay mooyee.
Waxaad maqli jirtay Meel hebala bus ayaa ka kacaya oo waa abaar halkii uu Gabyaa Ismaaciil
Mire ka lahaa Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo Gaatamoo kale. Haddaba bal ka waran haddii
Maskaxdaaddii aad ku fikiraysay ee ku tusi lahayd meel iftiinka nolosha iyo ta danbe ee waa
Aakhiro e ay Abaar ma dhalays ah noqoto. Waa mid laga subxaanalysto oo aan sahlanayn.
Xasan Sheekh Mu’umin waxa uu isna ka mid ahaa 10-ka abwaan ee casrigan danbe safka hore
kaga jiray fanka soomaalidda. Waxa uu alifay ruwaayaddo ay ka mid ahaayeen: Shabeel-
naagood iyo Gaaraa-bidhaan oo waliba si wayn looga daba dhacay aadna u caan baxay, iyo
Maskax bay duniddu u magan tahay taasi oo iyana ka mid ahayd ruwaayaddihii caan baxay ee
Abwaan Xasan Sheekh Muumin ku jelbeebiyay dadka Soomaaliyeed haddaba waxaan halkan ku
soo qaadan doonaa ruwaayaddii Shabeel naagood dabayaaqaddii 1960kii Qarniggii tagay
iyadoo Il gaara aan ku eegi doono ruwayaddii Shabeel naagood oo iyana ka mid ahayd kuwo ay
ka soo dhex muuqdeen heeso yaable sida Dab Dhaxamooday oo la wadaagaysa Aragti dheer
sida labada Abwaan ee hore aan ku soo falanqeeyay waa Xuseen Aw-Faarax Dubbad iyo
Cismaan Aaadan Xuseen taasi ay noqotay sheekooyinkii laga unkay iyo heesihiiba iyadoo ay rag
culusina ku ladheen laxanka oo aynu ka soo qaadan karno Bashiir Xaddi. Xasan waa uu ku
dagaalamayaa in la yidhaa sadexdda Abwaan ee ugu sii horeeya ayuu ka mid noqonayaa oo ma
uu ahayn nin kaftamaya marka ay curin noqoto.

Waxaanan halkan ku soo qaadan doonaa hees uu curiyay oo ka mid ahayd riwaayaddii Shabeel-
naagood ee dalkii soomaaliya la isku odhan jiray laga dhigay hillaaddii 1968kii, waxaana ku jiray
heeso badan oo caan baxay laakiin waxaan ka soo qaadan doonnaa heestii Dab Dhax Mooday
ee ay ku luuqeeyeen Hibbo Maxamed iyo Cabdi Muxumed Amiin taasi oo uu abwaanku si
layaable u falkay. Fariinta ay heestu gudbinaysaa waxay la hadlaysay xukuumaddii xilligaa dalka
ka talinaysay oo dadwaynuhu aad u saluugsanaayeen, waliba heestani Boogtaa ayay si wayn u
taabanaysay una damqaysay bal inay wax tar u noqotana la’ arkee ayuu malaha is yidhi
abwaanku. Hase ahaatee waa tii wax aan sannad ka badnayd dabdeed uu yimi In inqililaabkii uu
hor kacayay Maxamed Siyaad Barre. Heestuna waxay odhanaysaa sidan:
Doc kastoo la’eegoo
Nolasha dunidu waa dabkee
Hadduu dabkii dhaxmoodo
Maxaa lagu diiriyaa?
Waa tilmaan la daahoo
Deg-deg kumaa haboone
Adoo degen u fiirsoo
Ujeedadaa i deeqsii
Ruux haddii la doortoo
Darajadii la saariyo
Xilkii daryeeli waayaa
Dabdhexmooday weeye
Waa su’aaal da’waynoo
Madaxa daanilaysee
Wixii lagu diiranayo
Dadwaynahaa la waydiin.
Durdurkaa laga cabaa
Diikh lagu dabaasha
Hadduu haraad dareemo
Darkee laga waraabsahaa?
Waa tilmaan la daahoo
Deg-deg kuma haboone
Adoo degen u fiirsoo
Ujeedadaa i deeqsii

Ruux adduunyo haystee
Dahabkana barkanayee
Wixiisii deeqi waayeen
Durdur oomay weeye

Waa su’aaal da’waynoo
Madaxa daanilaysee
Darkii laga waraabin
Dadwaynahaa la waydiin.
Qofkii cudur dilaayoo
Dawadaa bogsiisee
Haday dawo bukooto
Maxaa lagu dabiibaa?
Waa tilmaan la daaho
Deg-deg kumaa haboonee
Adoo degen u fiirsoo
Ujeedadaa i deeqsii
Dalalnimaada diintiyo
Dastuurka iyo xeerka
Haddii dabo la saaro
Dawo bukootay weeye
Waa su’aaal da’waynoo
Madaxa daanilaysee
Wixii lagu dabiibi
Dadwaynahaa la waydiin.
Subaga dufankiisa
Dadku ka dhaashadaane
Haddii dufan basaaso
Maxaa duxdii ka qaaday?
Waa tilmaan la daaho
Deg-deg kuma haboone
Adoo degen u fiirsoo
Ujeedadaa i deeqsii
Dhaqanku dugsi weeyaan
Dalkiisu ku dhaatee
Haddii dadkiisi aaso
Dufan basaasay weeyaan
Waa su’aaal da’waynoo
Madaxa daanilaysee
Halkii dux looga dooni
Dadwaynahaa la waydiin.

Haddaba manta oo ay ka soo wareegtay 53 sano sanadkii uu curiyay Alle ha u naxariisto Xasan
Sheekh Muumin heestaa uu ku ladhay Ruwaayaddii Shabeel Naagood ayaa iyadoo ka sii dartay
ay taagan tahay Dab dhaxamooday. Dhanka Somaliland waxaa dawlad u ah xukuumad uu

horboodde ka yahay Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) oo dhagaha iska juqaalay, waxna aan
garanayn, loogana baqo qabo in ay gacmihiisa ku dunto Somaliland haddii aan Alle caymin.
Dhanka kalena waa taa isa sudhan ilaa iyo maalintii uu Siyaad Barre uga baxay iyadoo Muqdisho
laydh iyo Biyo ba leh 1991kii. Halka ay Maanta taallana cid looga sheekaynayaa ma jirto. Haddii
uu Xasan Sheekh Muumin iyo Aragti dheeridiisii maddaxdii dawladdii rayidka ahayd ee jirtay
1968kii ku tilmaamay Dab dhaxamooday oo uu dabku yahay halkii diirimaadba loo doonan
lahaa tolow maanta haddii uu nool yahay muxuu ku tilmaami lahaa xukuumadda Somaliland ee
uu horboodaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi iyo taa kale ee wali is dooxanaysa? Allaa og wuxuu
odhan lahaa.
Aan ku soo dabaalo in saddexddaa Abwaan iyo saddexdooddaa meeris na bareen Suugaan yaab
leh oo ka duwan tii aynu maqli jiray una falkiyeen qaab yaab leh oo ah shay lagu dawayn jiray
shay oo shaygii lagu daawada ahaa wax si ka noqdeen iyo halka xalkiisa laga doonayo kolkaa
waa halkii Boobe Yuusuf Ducaale ee bal adba!

Qore: Cabdi Muxumed.
cabdimuhumed60@gmail.com
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
WAREYSIYO