Tuesday April 20th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

RAJADII GOBOLKA GEESKA IYO BARIGA AFRICA IYO RAGAADKA HADA MUUQDA

0
Thursday March 18, 2021 - 23:49:16 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RAJADII GOBOLKA GEESKA IYO BARIGA AFRICA IYO RAGAADKA HADA MUUQDA

    RAJADII GOBOLKA GEESKA IYO BARIGA AFRICA IYO RAGAADKA HADA MUUQDA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RAJADII GOBOLKA GEESKA IYO BARIGA AFRICA IYO RAGAADKA HADA MUUQDA
‘’ Waxa la joogaa xiligii aragtida iyo qorshaha siyaasadeed ee mustaqbalka
aynu wax ka badali lahayn ‘’

Gobolkani bariga Africa guud ahaan waxa daashaday dhibaatooyin iyo colaado soo jireen ah oo ku qotoma waxyaabo ay ka mid yihiin dagaalo qoomiyadeed , dagaalo
xuduudeed , dagaalo diineed (caqiido) iyo dagaalo badan oo dano kale u badan oo ay ka mid yihiin dagaalka argagixisada ee caalamiga ah oo aduunka oo dhan saameeyey isla markaana ah dagaal aan xuduud lahayn , farogalinta dawladaha shisheeye iwm.


Waxa aad moodaysay in gobolku u muuqdo mid ka soo raynaya oo isfaham iyo aragti cusubi imanayso oo umadaha gobolkani ku dhaqani ay soo fahmayaan in loo kaco wado cusub oo ah
wadajir iskaashi iyo wax wadaqabsi lagaga gudbo wax badan oo ragaad ka dhigay gobolka bariga Africa , gaar ahaan geeska Africa .

Dhacdooyinka soo kordhay ee colaadaha siyaasadeed iyo xuduudeed ee Somalia iyo Kenya , dagaalkii Ethiopia ee gobolka tigray , arimaha biyo xidheenka Ethiopia iyo xaaladaha ay wataan
, Ethiopia iyo sudan oo iyaguna ay bari dhawayd ka dhex aloosmeen murano xuduudeed , arinka ka dhaxaysa Djibouti iyo Erateria oo isaguna wali aan xal loo helin , xaaladaha Somaliland iyo
Somalia , marka aad waxan oo dhan si mug leh ugu fiirsato iyo raadka ay yeelan doonaan waxa werwer kaa galaya rajada umadaha Alle gobolkani ku abuurey iyo mustaqbalkooga dambe.

Aduunka guud ahaan waxa ku muuqda xulfiyo siyaasadeed oo cusub oo dhamaantood ku salaysan hadba danaha dawladaha ugu waaweyni leeyihiin iyo sida ay u waajahayaan , gobolkani
waxa uu ka mid yahay meelaha bartilmaameedka u ah aduunka ee aad loo danaynayo , ha noqoto halka uu ku yaalo , ha noqdo marinada biyood ee muhiimka ah ee uu leeyahay , ha noqoto

dagaalka lagula jiro argagixisada , ha noqoto in gobolkani khayraad badan lagu tuhmayo oo uu
yahay mid dihin , waxa muuqata in indhaha caalamku geeska Africa iyo bariga Africa aad u
danaynayaan .

Waxa sidoo kale muuqda in tartan weyn oo dhaqaale uu aduunka ka socdo oo lagu tartamayo sidii loo qabsan lahaa suuqa Africa oo ah suuqyada aduunka ugu waaweyn ee dawladaha
caalamka dhaqaalaha iyo wax soosaarka ku tartamaa ay isha ku hayaan , tartankaasi waxa laga dareemayaa gobolkani oo maraykanka iyo china oo uu ka dhexeeyo xafiiltani wayni ay labaduba
ku sugan yihiin , sidoo kale waxa ku sugan dawlado kale oo aduunka ah oo ay dano badani kaga xidhan yihiin , qaar kale oo badanina imika la saadaalinayo in ay yimaadaan.

Iyada oo ay socdaan waxani oo hirdano ah oo dhamaan ku wajahan gobolka ayaa dawladaha gobolkani sii kala fogaanayaan , colaadaha isirka iyo qoomiyadaha ku salaysani sii badanayaan ,
waxaana ay ahayd xiligani goortii loo baahnaa in ay baraarug siyaasiya oo wayni uu ka bilaabmo dhamaan dadka ka fekeraya rajada guud ee gobolkani , maadaama uu ay umaduhu iyo
dawladuhu yihiin wax isku wada xidhan oo aan kala maarmayn oo horumarka dal gaadho iyo dhibta dal soo wajahdaa dhamaan inta kalena si toos ah iyo si dadban ba u gaadhi karto .

Waxa la joogaa goortii iyo xiligii la raadin lahaa aragti siyaasadeed oo ka badqabta saameynta taariikheed ee tabban iyo riiqda ay reebeen waxaa hore ee soo jiray in la helo oo looga gudbo
xaga horumarka iyo iskaashiga umadaha ku dhaqan gobolkani guud ahaan iyada oo laga faaiideysanayo waxii dhibaatooyin iyo ragaad ku soo dhacay dadka iyo dawladaha ka dhisan
gobolka , waxaana muhiim ah in jiilka cusubi ay u fekeraan sidii gobolkani u noqon lahaa mid ka aduunka ugu hodansan ee loo soo hiloobo.

Rejada wanaagsan iyo yididiilada mustaqbal ee guud iyo ta gaar ahaaneed ba waxa ay ku xidhan tahay dadka ku abuuran gobolkani sidii loogu abuuri lahaa hagid iyo hogaamin wanaagsan oo la
iska dhaxlo , taasi oo anfaci doonta boqolaalka qarni ee dambe dadka gobolkani u dhalan doona ,

dhibta iyo wax kasta oo adag oo aad maanta tacab galiso sidii looga gudbi lahaa , waa kayd wanaagsan oo u yaalla dadka inaga dambeeya.

Aduunka waxa la isku dhaafay sidii loo kala hor hogaamiyeyaal aragti fog ka leh mustaqbalka iyo qaar hibo hogaamineed leh oo dadkooda iyo dalalkooda u jiheysa xaga hirku uga muuqdo ee u
baahan in loo hago dadkooga , wallow wax kasta oo cusub ay ku adag tahay aadamaha hadana waxa lagu gaadhi karaa in aan laga daalin yoolka hogaamin hal abuur leh oo umadaha gobolka u
horseeda barwaawo , horumar , wax wada qabsi iyo meel wanaagsan .

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
WAREYSIYO