Tuesday April 20th, 2021
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

CANDHUUFTA EYGA WAXA KU JIRA IN KA BADAN 20 NOOC OO BAKTEERIYO AH!!W/Q.Khadar Ibrahim Aar

0
Monday March 29, 2021 - 15:15:26 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CANDHUUFTA EYGA WAXA KU JIRA IN KA BADAN 20 NOOC OO BAKTEERIYO AH!!W/Q.Khadar Ibrahim Aar

    CANDHUUFTA EYGA WAXA KU JIRA IN KA BADAN 20 NOOC OO BAKTEERIYO AH!!W/Q.Khadar Ibrahim Aar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CANDHUUFTA EYGA WAXA KU JIRA IN KA BADAN 20 NOOC OO BAKTEERIYO AH!!W/Q.Khadar Ibrahim Aar
Nabi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee 15 Qarni ka hor waxa uu Xadiis inoogu sheegay in Eyga loo haysto Sadax sababood iyo wixii la halmaala kuwaasi oo kala ah,in lagu Ugaadhsado kadibna Ugaadha uu soo qabto inta uu Afkiisa iyo dhareerkiisu gaadhay isaga loo jaro ,in Xoolaha lagu raacdo iyo in Beeraha iwm Waashmaan looga dhigto.

Intaasi waxa laga fahmi karaa lagana qaadan karaa sida Culimo badan oo Musliminii ay sheegeen in Eyga loo isticmaali karo Polis iyo Danbi baadhis iwm , balse Akhriste Nabigu waxa uu ka digay waa uun Dhareerka Afkiisa iyo Maqaarkiisa qoyan in la taabto ama la salaaxo,sababta oo ay dhareerka afkiisa ka qubanaaya inta badan waxa uu ku masaxaa Maqaarkiisa kore.


Waxa kaloo Nabigu CSW uu inoo sheegay in Sadaxdaa wixii aan ahayn ee Eyga loo haystaa xataa ay Ajarkaaga Maalinlaha ah ay nusqaan u keenayso Maalinkastana xasanaadkaagu uu nusqaamaayo.

فعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: (مَنْ اقْتَنَى كَلْبًا لَيْسَ بِكَلْبِ صَيْدٍ وَلا مَاشِيَةٍ وَلا أَرْضٍ فَإِنَّهُ يَنْقُصُ مِنْ أَجْرِهِ قِيرَاطَانِ كُلَّ يَوْمٍ).
Waxa kaloo iyana Xadiis Nabigu inoogu sheegay in Taabashada Eygu aanay banaanayn gaar ahaan marka uu Maqaarkiisu uu qoyan yahay ama adiga Gacmahaga iyo meesha aad ku taabanaysa ay tahay mid qoyaan leh.

HADABA CASRIGAN MAXAA LA OGAADAY?
Daraasadaha cusubi waxay ka digayaan in candhuufta eyga ay u gudbin karto halis farabadan ,waana mida inta badan Eygu uu dibada isaga soo saaro dhareerkiisa.

Waxaa jira bakteeriyo la yidhaahdo Capnocytophaga Canimorsus oo iyadana laga qaado Eyga gaar ahaan marka qofka Mulkilaha Eygu uu korkiisa taabanaayo isaga oo Gacantiisu ay qoyan tahay amaba sida ay dadka Gaaladii sameeyaan Eyga Afka laga dhunkado , tani waa Bakteeriyo madax adag oo u keeni karta milkiilaha Eyga cudurro halis ah.

Warbixin lagu daabacay Joornaalka CBS News 2016 ayaa sheegeysa in Haweeney ay ku jirtay Dhakhtar muddo aad u dheer oo Sanado ah sababtoo ah Bakteeriyadii halista ah ee ay usoo gudbisay Eygii ay haysatay oo markasta ay Afka ka dhunkanaysay.
Sidoo kale waxaa jira dad difaac u ah in Bakteeriyadani ay si dhakhso wax u yeesho caafimaadkooda ,sidaa darteedna aan ku dhici karaan Cuduro halis galin kara.

Sida aan kor kusoo xusnay daraasad cilmiyaysan oo lagu daabacay Joornaalka Ururka Caafimaadka ee Thailand Taariikhdu markay ahayd Disember 2003 waxay leedahay: candhuufta Eygu waxay ka koobantahay in kabadan 20 nooc oo bakteeriya ah .

Daraasado kale oo iyana la daabacay Bishii Nofembar 2005 joornaalka Microbiology waxay xaqiijinaysaa jiritaanka bakteeriyada candhuufta Eyga sida Actinomyces Streptococcus iwm, iyada oo ay jiraan kiisas badan oo ku dhammaaday aakhirkii dhimasho.

Waxaa sidoo kale daraasad cilmiyeysan lagu daabacay Bishii Abriil 2011 Joornaalka la magac baxay Clinical Microbiology Reviews Darasadaasi oo iftiiminaysa in candhuufta Eygu uu sido ay tahay bakteeriyo waxyeelo halis ah u leh Adanaha iyo dadka iyagu Rabaysta ee sida xun u isticmaala.

Daraasado cilmiyeed kale ayaa waxa ay xaqiijinayaan in Cudurka layidhaa Raabiyada uu ku jiri karo candhuufta Eyga,una gudbin karo Bini Aadamka asaga oo aan qaniinin, sidaa darteed waxa ay darasadaasi dadka kula talinaysaa dadka Eyda rabaysta isla markaana la cayaara in ay Farahooda ay dhaqaan markasta.
Saxiib Akhriste Nabi Muxamed CSW Qarniyo ka hor ayuu arimahan uu inooga digay hadii aynu nahay Muslimiinta ,maantana waxa xaqiiqdii soo saaray Saynisyahanadii Aduunkan casriga ah,

Xadiiskii Nabiga CSW
لماذا قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إذا ولغ الكلب في إناء أحدكم فليغسله سبع مرات أولاهن بالتراب»
(Haddii Eygu leefleefo mid ka mid ah weelkiIsa, ha maydho Toddobo jeer) [Waxaa wariyay Muslim].
Xigasho macluumaadka
elbalad.news iwm

W/Q.Khadar Ibrahim Aar
 

 
 
Attachments area
 
 
 
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
WAREYSIYO