Thursday May 06th, 2021
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Guddoomiyaha Sool Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolkiisa, Roobabka & Doorashooyinka

0
Monday May 03, 2021 - 09:17:13 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Sool Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolkiisa, Roobabka & Doorashooyinka

    Guddoomiyaha Sool Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolkiisa, Roobabka & Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Sool Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolkiisa, Roobabka & Doorashooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay xaaladda Gobolkiisa,roobabka curtay iyo Doorashooyinka foodda inagu soo haya.ee bishan dhammaadkeeda dhacaya.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Hadda xaaladda Gobolku aad bay u fiican tahay, coladdii dhawaan dhexmartay labada Beelood ee walaalaha ahi hadda way dantay, waxaana ku han-weynahay inay hawshaasi guul iyo gobonimo noogu dhammaato, labada Beeloodna waxaan leeyahay waxaad tihiin dad walaalo ah, waxaad tihiin dad wada dhashay oo is dhalay ee mar walba wanaagiina iyo nabadgalyadiina ilaashada, oo noqda dad isku duuban, cid kasta oo fidno idinka ka dhex abuuraysana iska ilaaliya”.

Mar uu ka hadlayey roobabka curtay wuxuu yidhi "Waa ILLAAHAY mahaddii ah mar haddii abaarihii wuu ALLE inaga qaaday, oo roobabkii inoo curteen, ee xamdiga ALLE aynu badino, oo aynu ka faa’iidaysano roobabkaas inoo curtay”.

Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi "Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ayaa bishan aynu galayn dhammaadkeeda inoo dhacaya, dabcan Shacabka ku dhaqan Gobolka Sool iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland waa u diyaar inay wada galaan, inkasta oo aynu xaq u leenahay inaynu Beesha Caalamka ka helno aqoonsi maadaama aynu nahay dal buuxiyey shuruudihii looga baahna dal la aqoonsan yahay, haddana waxaa inoo guul ah in inagoo weli aqoonsi helin in haddana aynu Doorashooyinkeena ku qabsano si nabadgalyo ku dheehan tahay”.


Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
WAREYSIYO